Hay’adda IOM iyo MRC wadajir ah uga xusay Magaalada Hargeysa Xuska Maalinta Muhaajiriinta Aduunka oo ku beegnayd maanta oo ay bishu ahayd 18/12/2011

 

 


Hargeysa (TNN)-Xaflad lagu xusayey Maalintan oo lagu qabtay Hutel Xaraf ee Magaalada Ha rgeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Dib u dejinta Somaliland C/risaaq Cali Cismaan, Agaasimaha MRC Muuse Yuusuf Faarax, Dayib C/raxmaan Askar oo ka socday Hay’ada IOM iyo qaar ka mid ah Muhaajiriinta Somaliland ku sugan.


Xafladan oo uu ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha MRC Muuse Yuusuf Faarax ayaa ka waram ay marxaladihii kala duwanaa ee ay Hay’addan uu masuulka ka yahay soo martay, waxyaab aha ay dadka muhaajiriinta ah u qabtaan iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Xukuumadda, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Hay’addana MRC waxyaabaha ay buls hada u qabato waxa ka mid ah in ay taakulayso dadka Muhaajiriinta ah ee doonaya in ay dalk oodii ku noqdaan, waxaanay hay’adani dib u celinteeda ka qayb qaadatay ilaa 600 boqol oo q of, waxaanay diiwangelisay dad tiradoodu gaadhayso 7900 oo qof, hay’adan waxa fan garay sa Hay’ada IOM, waxaanay xidhiidh wada leeyihiin Wasaaradda Dib u dejinta”.


Kooxda Wadani Drama Group ayaa halkaa ku soo bandhigay Riwaayad ka hadlay Khatarta ay Tahriibtu leedahay.Raxma Siciid Xirsi ayaa iyana madashaasi ka akhriday Gabay ka hadlay Tah riibta iyo mashaakilaadka ay leedahay.Dayib C/raxmaan Askar oo ah Masuul ka tirsan Hay’ada IOM oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xaqa uu qofka ajaanibka ah ku leeyahay Dalk a uu martida ku yahay iyo khatarta ay Tahriibtu leedahay.


Wasiirka Dib u dejinta C/risaaq Cali Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maali nta Muhaajiriinta iyo wax qabadka Hay’ada MRC. Wasiirku wuxuu xusay hawlaha ay hayada MRC u qabato muhaajirinta isagoo sheegay in ay MRC tahay meel gabood u ah muhaajirinta una qabata waxyaabo badan sida 1. Talo siin /wacyi galin, dawooyin, diwaan galin iyo kala shaandhayn (screening) iyo ka qayb qadashada dib yucelinta.

Wasiirka ayaa sheegay in muhaajirintu ay iskood u yimaadaan xarunta MRC si ay iskaga diwaa n galiyaan ka dibna MRC way diwaan galisaa una gudbisaa IOM, inta la qaadayana xuquuqdoo d a waa la dhowraa iyadoo la siinayo hoy iyo cunto.Wasiirku wuxuu cadeeyey in aan MRC hor teeda iyo agaageerkeeda toona waxba laga hor raafin lagana raafi doonin imikana wax raafi aanu jirin.

mujiiriin dhan 7600 qof ayaa iska diwaangalisay MRC, MRC waxay u gudbay Hayada IOM oo uu sheegay in ay gacan weyn ka gaysato caawinta iyo dib u celinta dadka iyagu iskood u noqon ay Wasiirku wuxuu sheegay in 700 oo ka mida dadka soo codsaday inay iyagu iskood u noqda an loo qaaday dalkoogii hooyo Muhaajiriin ku gadoon sanayd Yemen waxaanu la kashanay hay ada IOM waxana lagu soo celiyay dalka.

Wasiirku wuxuu ku soo gabogabayay hadalkiisii inay hayada IOM kaliya caawisa MRC, hayad aha kalena wuxuu soo jeediyay in MRC la shaqeeyan sidoo kalena u ka codsaday la shaqeeya qoxoontiga in ka qaybtaataan maalinta 18 December 2011 si loogu xuso si sidan ka soo baladhan.
 



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland