Waddanka Imaaraadka Iyo Airportka Berbera: Sidee Ayay Danta Guud
Ee Qaranka Ugu Jirtaa
Akhristow waxan maqaalkan kugula wadaagayaa inaan ku tusaaleeyo sida
danta qaranku ugu jirto in aynu ka kirayno dawlada Imaaraadka
Airportka Berbera. Si marka aad aragto kuwa ka soo horjeeda aad u
kala garato inay yihiin kuwo been sheegaya oo shakhsi nacayb ku jiro,
kuwo been sheegaya oo siyaasad uga dan leh, iyo qaar saddexaad oo
aqoon la’aani hayso oo dacaayada run mooda oo sii sheega.
Xoogaynta Qaranimada Somaliland iyo Ictiraaf Raadinta:
Siyasada Arrimaha Dibada ee Madaxwayne Silaanyo waxa ka mida in
qaranka Somaliland yeesho waddamo badan oo aynu nahay saaxiib oo
kala jooga Africa (sida Ethiopia), Carabta (sida Imaaraadka), iyo
dawladaha reer Galbeedkaba (sida Ingiriiska). Maanta heshiiskan
Airporka Berbera wuxu inoo samaynayaa saaxiib cusub oo aynu ku
yeelano waddamada Carabta. Taas oo aan hore inoogu suurto gelin
25kii sannadood ee qarankeenu jiray.
Saaxiibkan cusub oo u dhigmi doona kii Ethiopia oo kale.Dhibaata ugu
wayn ee hortaagan ictiraafkeena waxa weeye in aynaan haysan dawlad
caalamku aqoonsan yahay oo danteeda inaga dhex aragta inay ina
aqoonsato. Marka UAE ay maalgashato dekeda Berbera 500 oo milyan oo
dollar, kumanaan ciidamo ahna keento Airportka Berbera, Maaliyiin
kalena ku kharash-garayso sannadkasta ciidamada Somaliland jooga,
dawlada UAE ogolaanmayso inay dhibaato soo gaadho Somaliland,
xidhiidhkaa iyo saaxiibtinadaa cusubi inuu gaadho heer uu inoo dhalo
ictiraaf ayaynu ku rajo waynahay oo waajib inagu wada ah inaynu ka
shaqayno. Nimanka maanta ku doodaya madaarka aan dhaafsanno ictiraaf
ujeedadoodu ma khaldana, laakiin daacad ayaanay ka ahayn, xidhiidh
kastaa mid shaqsi iyo dawladeedba wuxu u baahan yahay inuu koro oo
gaadho xeer sarre si waxtarkiisuna u gaadho heerka ugu sareeya,
qofka yidhaahda xidhiidhku maalintu bilaabmo aan gaadho waxtarkiisa
halkii ugu saraysay, waa qof aan daacad ka ahayn wuxu sheegaayo, oo
saddexdii aan korka ku soo sheegay ayuun buu midkood noqonayaa. UAE
waxay noqonaysaa dawlad labaad oo ay saaxiib nahay oo caalamka ka
mida oo maalgashi wanaagsan ku samaysata Somaliland hadhowna
danteeda ka dhex aragta Somaliland oo nabadgalyadeena lexejeclo ka
hayso si ay u illaashato maalgashigeeda.
Waxtarka Dhinaca Nabad Gelyada Somaliland
Maanta waxa aan shaki ku jirin saaxiibtinimada inaga dhaxaysa
Ethiopia inay wax badan ku soo kordhisay nabad gelyada Somaliland.
Ciidamada qaranka Somaliland waxay tababarka ku soo qaataan
Ethiopia, hubka aynu waddanka ku difaacno intiisa badan waxa laga
soo iibiyaa Ethiopia, waxa inaga dhexeeya heshiis gaara inaynu
nabada ka wada shaqayno, waa tii aad ogaydeen Prime Ministerka
Ethiopia markii uu qudbada u jeedinayay barlamaankooda wuxu jidhi
cidii ku xadgudubta nabada Somaliland waa cid ku xadgudubtay nabada
Ethiopia. Saaxiibtinimadu waa taa faiidada ay keento dhicana nabad
gelyada. Maanta saaxiibtinimada cusub ee Imaaraadka inooga soo
kordhaysaa waxay sii xoojinaysaa nabad gelyadeenii, waxay ina
siinaynaa fursad labaad oo ciidankeenu ku helo tababar, ku helo meel
aynu ka soo iibsano hubka lagu difaacayo waddanka. In xataa
policekeenu helo tababar fiican. Waxaa intaa soo raaca inaynu galo
heshiis nabad gelyo oo sirdoonkeenu wada shaqeeyo. Qofka ku doodaya
nabada xumaanaysa waa qof ka baqaya inuu go’aanka ku dhiirado oo
baqdin ku jirto, laakiin nabad gelyo darro meesha ma taalo, wax
waliba khatar bay leeyihiin, waxan ku odhan karaa berito ha tegin
shaqadaadii waayo waxa laga yaabaa inuu gaadhi kugu jiidho magaalada.
Kuwa nabad gelyo darada sheegayaa waxay ku leeyihiin berito
Somaliland yaanay shaqo tegin yaan gaadhi jiidhine.
Waxtarka Dhinaca Dhaqaalaha Somaliland
Marka aad ka tiriso ee aad isku darto: lacagta ay ku kiraysanayaan
Airportka, dhismayaasha iyo qalabaynta ay Airportka Berbera ku
samaynayaan, shaqaalaha Somaliland ee ay qoranayaan, waxay cunayaan
iyo waxay cabayaan ee magaalada ay ka iibsanayaan, waxay dhisanayaan
ee magaalada ay ka iibsanayaan, iyo caawimada ay deegaanka jaarka ay
la yihiin u fidinayaan; waxa halkaa ka soo baxaya in xeradan
ciidanka ee laga samaynayo Airportka Berbera ay noqonayso mid ku soo
kordhisa dhaqaalaha Somaliland boqolaal million oo dollar.
Dhaqaalahaas oo korodhkiisa laga dareemi doono dhamaan Somaliland.
Waxa intaa soo raaca oo aad muhiim u ah, maanta xoolaheena waxa
iibsada oo keliya dawlada Sucuudiga, berito waxa inoo suurto gal
noqonaysa in xoolaheena si sharci ah loogu dhoofiyo dawlada
Imaaraadka oo xoolahiinii ay helaan suuq labaad oo aynu u iib geyno.
Waxa suurto gal ah inaynu Banka Somaliland uga samayno xidhiidh
wanaagsan Bangiyada caalamiga ah ee ku yaala Dubai iyo Imaaraadka,
oo dhaqaaleheenu ku xidhmo caalamka oo dhan. Marka lagu daro dekedii
Berbera oo Dubai World maamulayso dhaqaalaheenu wuxu ku xidhmo
dhaqaalaha Imaaraadka iyo caalamka. Somaliland waxay ku maahmaahdaa
dameertaydii baa nin geel leh in dhex gashay.
Waxtarka Dhinaca Diblomaasiyadeed iyo Siyaasada Caalamka Muslimka
Waxan kor ku soo sheegay in Ethiopia tahay saaxiibkeena ugu culus.
Waxan arkhristoow ku xasuusinayaa bishii April 1988kii, iyada oo
saaxiibka ugu culus ee SNM lahayd uu ahaa Ethiopia, ayay maalin
keliya Ethiopia danteedii ka dhex aragtay inay Somalia la heshiiso,
sidii aad ogayd ama aad maqashay waa tii subax qudha Ethiopia u
yeedhay Madaxwayne Ahmed Silanyo oo markaa ahaa Chairmanka SNM oo ku
tidhi gudaha Ethiopia soo gala, dagaal dambe oo aad Somalia ku
qaadaysaana ma jiro ee halkaasu ku joogsaday. Waxan uga jeedaa
saaxiibtimada siyaasada iyo diblomaasiyada wax xukuma danta labada
wadan kala leeyihiin. Somaliland arrinkaa April 1988kii dhacay wuxu
ina baray cashar aad iyo aad qaali inoogu ah, kaas oo ah inaynu mar
walba xasuusnaano saaxiibtimadeena Ethiopia waa mid ku salaysan
danta labada wadan kala leeyihiin. Iyagana maanta dantooda ku jirta
inay inala saaxiibaan inagana danteenaa ku jirta. Mid ay axsaan aynu
isugu samaynayno maaha. Ninka reer Somaliland ee caabaadaaya ee leh
Ethiopia ayaa inaga tegaysa, waa qof aan isku kalsoonayn oo
garanaynin in Ethiopia danteeda inoogula joogto ee aanay
saaxiibtinimo inoogula joogin, inagana ay sidaasoo kale aynu nahay
oo danta aynu ku qabno aynu kula joogno. Saaxiibtinimada cusub ee
aynu maanta la yeelanayno Imaaraadka waxay dawo ka tahay in aanay
mar kale inagu dhicin wixii inagu dhacay April 1988, oo hadii isha
keliya inaga bakhtido aynu lahaano il labaad iyo mid saddexaadoo
aynu isku halayno haddii taasu inagu dhacdo mar dambe.
Waxa intaa soo raaca maanta gobolka Carabta iyo caalamka muslimka
waxa ka dhex jira tartan iyo loolan, iyada loo kala qaybsamay
dawladaha Sunniga iyo kuwa Shiicada. Maanta inaga danta qarankeenu
waxay ku jirtaa inaynu taageerno caalamka Sunniga ah sida Imaaraadka,
Sucuudiga iwm. Maanta inagu wax dan ah oo inaga dhexeeya Iran iyo
dawladaha shiicada ma jirto. Waxa danteenu ku jirtaa dawladaha
Sunniga sida Dawlada Sucuudiga oo iibsata xoolaha Somaliland laga
dhoofiyo. Haddaad tidhaahdo waxan noqonayaa dhexdhexaad Sucuudigu
waxay xaq u yeelanayaan inay yidhaahdaan Somaliland hadday na diiday
Somaliya ayaanu xoolaha ka iibsanaynaa. Taasu inaga khasaare wayn
ayay inagu noqonaysaa. Sidaa daraadeed maanta danteenu waxay ku
jirtaa inaynu raacno dawladaha Sunniga ah oo diintana aynu wadaagno,
dhaqaale aynu wadaagno, inaynu siyaasada caalamkana wadaagno.
Imaaraadku wuxu inoo samayn karaa inuu taageero siyaasadeed ina
siiyo oo yidhaahdo passportka Somaliland waa lagu tegi karaa UAE oo
lagu qaadan karaa vise iyo ciqaamada. Wuxu inagu siin karaa sida
Ethiopia xidhiidh ku dhow aqoonsi, iyo inuu aqoonsigaba inoo
gaadhsiiyo marka xidhiidhku koro. Haddii aynu diidmo ugu jawaabno
waxa suurto gal ah in cadaadis diblomaasiyadeed inagaga yimaado.
Diidmada iyo yeelistu labaduba waxay leeyihiin khasaare iyo faaiido.
Waxtarka Dhinaca Dhismaha Airportka Berbera iyo Deegaankal laga
samayn doono
Sida aad ka warhaysid Airportka Berbera waxa dhisay Ruush oo waxa
uga dambeeyay Maraykan. Imika haddii UAE ay sii dhisto oo dhismayaal
waa wayn iyo qalabayn xoog ah ku sii darto, berito marka ay tagto
waxay uga tegaysaa dhismayaashaa waa qaranka Somaliland. Markaa
imaatinka ay UAE imanaysaa wuxu inoo keenayaa uun in dhulkeenii iyo
madaarkeenu sii dhismo. Waxay kaloo inoo keenaysaa in deegaanka
Berbera oo ka helo xanaano dheeraada dawlada UAE, sida in laydhka
Berbera oo maanta afar nin oo baayac mushtar ah gacanta ugu jira loo
kordhiyo oo magaaladu hesho laydh ku filay oo jaban.
Gebogebo:
Akhristow halkan waxan kugula wadaagay inta meelood ee waxtar
qarankeena ka soo gaadhayo haddii aynu ogolaano in dawlada
imaaraadka UAE ay soo degto Airportka Berbera; waxaa ka mida
Dhismaha qaranimada Somaliland iyo ictiraaf raadinta, waxa ka mida
xoogaynta nabadgelyada, waxa ka mida waxtarka dhaqaalaha, waxaa ka
mida inaynu yeelo saaxiiba cusub oo lacag haysta oo diyaar u ah inuu
maal gashado Somalila nd, oo dantiisa ay ku jirto inuu lexejeclo u
yeesho nabadgelyada Somaliland. Waxa kale oo waajib ah in aynu la
gorgortano oo cadkeena soo goosano. Laakiin inaynu dadkeena ka
bajino oo nidhaahdo belaayo ayaa dhacaysa, dhibaato ayaa ina soo
gaadhaysa, xamar baa lug ku leh iyo been fara badan oo ama shaqsi
nacayb ku salaysan ama siyaasad ku salaysan, taas maanta dadkeena
iyo dalkeena toona dantiisu kuma jirto. Waxan shicibka Somaliland
kula dardaarmayaa in ay kala bartaan qofka runta u sheegaya iyo ka
dan gaara leh ee shaqsi nacayd iyo siyaasad hoosta ku wata. Waxan
kula dardaarmayaa inay danta guud iyo danta qaran mar walba
taageeraan oo iska illaaliyaan kuwa hoosta ku wata danta gaarka ah.
Rashid Garuf
Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC.
|