IMTIXAANKII AQOONSIGA S/LAND OO KU SOO URURAY BOQOL KA MAALMOOD EE SOO SOCDA

 

Boqol maalmood oo kaliya ayaa ka hadhay oo inaga xiga 27-September oo ah maalinta loo balamay inay dalka ka qabsoomi doonto doorashada madaxtinim adu.

Sidoo kale 50-maalmood ayaa ka hadhsan 27-ka July oo ku beegan maalinta lagu heshiiyay in ay soo baxdo natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaasha oo fur e u ah doorashooyinka.

Saddexdii hogaamiye ee xisbiyada dalka UDUB, UCID iyo Kulmiye ahaana  muras hixiinta xisbiyadaasi ee jagada madaxweynaha ayaa iyagana kii ugu  danbee yay (Faysal Cali Waraabe) uu shalay ka anbabaxay dalka isagoo hogaaminaya wafti uu ka mid yahay gudoomiyihii golaha wakiilada kaas oo la sheegay inay socdaal ku soo marayaan dalal ka mid ah yurubta galbeed iyo wadamada  cara bta horena waxa u maqnaa Madaxweyne Rayaale oo maalin ka hor u kicitimay wadanka Kuwait soona mari doona wadamo kale oo gobolkaas ku yaala iyo Axmed Siilaanyo oo socdaal ku jooga wadamada galbeedka Yurub.

Dhamaan sababihii keenay kal hore keenay dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinta ay xukuumadu ku dhisan tahay maanta ayaa wali taagan oo aan  w axba laga qaban su’aalaha ugu muhiimsan ay furdaamintoodu furaha u tahay doorashada la doonayo inay dalka ka dhacdo isla markaana ah xujada xudunta u ah khilaafka siyaasadeed iyo muranka soo noq- noqday waxa ka mid ah  nat iijada diiwaangalinta ee ku laalan Server-ka. Kaas oo sida uu heshiiskii guddidii dhexdhexaadinta uu dhigayay loo qoondeeyay in ay ugu danbayn soo baxdo 27-ka Jully oo ay inaga xigaan 50-habeen oo kaliya iyadoo ay jirtay in uu  mad axweynuhu soo bixi taanka natiijadaa u qabtay 15-ka Juun oo ku beegnayd isniintii la soo dhaafay.


Fulinta shuruudihii ay deeq bixiyayaashu ku xidheen sii daynta kharashka doorashooyinka ee ay bixinayaan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen heshiis ay soo wada saxeexeen saddexda xisbi, komishanka doorashooyinka oo soo dhamaystiray xisaab celinta kharashkii diiwaangalinta iyo xukuumada oo bixisa qadarka yar ee ay ka bixinayso kharashka doorashada oo dhan 25%.


Laba xisbi ee mucaaradka ah ayaa shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii cirka isku shareeray ee ka dhashay dib u dhicii  door ashada ee kal hore, dhamaadkii muddada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu iyo muddo kordhintii ay golaha guurtida u sameeyeen xukuumada waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay dhinaceeda ka baxday heshiiskaasi, waxaanay qodobada eedoodaasi gundhig uga dhigeen xukuumada oo aan bixinin  khar ashkii doorashada qaybtii iyada laga sugayay, meelmarinta qodob ka mid ahaa heshiiskaasi oo dhigayay in golayaasha sharci dejinta laga ansixiyo qodobo ka mid ahaa heshiiska iyo burburinta komishanka doorashooyinka oo ay  sheeg een in ay soo jeediyeen in laba xubnood oo komishanka ka mid ah la eryo iyo waliba wafti uu horkacayo wasiirka maaliyada oo u anbabaxay Niarobi lana kulmaya deeqbixiyayaasha oo ay ku eedeen inuu ka soo shaqaynayo hawlo caqabad ku noqon doona qabashada doorashada haseyeeshee xisbiga UDUB oo ka jawaabayay eedahan loo soo jeediyay dhinacooda ayaa beeniyay  muca aradkana ku eedeeyay inay iyagu hortaagan yihiin heshiiskan iyo  wada ha dalo imika socday.

Wadamada iyo ururada daneeya Somaliland ee beesha caalamka ayaa  dham aa ntood isha ku haya dhaqdhaqaaqyada iyo diyaar garawga doorashada  wa xaanay si taxadar leh ula socdaan isbedelada ku beegan furdaaminta wixii caqabad ku noqonaya inay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ahi.

Masuuliyiin waawayn iyo dawlado ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Maraykanku ayaa hore si cad u sheegay in uu aqoonsiga Somaliland bisil yahay balse ay eegayaan doorashada madaxtinimada dalka ee la filayo taas oo macnaheedu yahay inay dalalkaasi u qanci doonaan hadba sida ay noqoto natiijada hawsha loogu jiro inay dalka doorashadu ka dhacdo waxaana muuqata inay beesha caalamku iimaansan doonto qaranimada Somaliland hadii ay doorashadaasi u dhacdo si xor ah oo xalaal ah hadiise ay qabsoomi waydo uu mugdi gali doono aqoonsiga ay somaliland inta badan naawilaysay.


Imxitaankii ay beesha caalamku ku qiimaynaysay qaranimada ay somaliland sheegatay ee aqoonsigu ku xidhnaa ayaa waxa ay haatan ku soo urureen Boqolka maalmood ee soo socda.

Caalamkuna waxay indhaha ku haysaa xaqiijinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee dalka oo ku xidhan doorashadaasi, waxaanay u muuqataa inay somaliland ku kasban doonto hadba dedaalka ay la timaado boqolkaa maalmood iyo iyo furdaaminta caqabad kasta oo ka hor iman karta inay doorasho dalka ka dhacdo.
 


SaxanSaxo