Ilmo gobo' iga tidhi geerida saaxiibkaygii aan jeclaa, marxu um,Eng. Xuseen Cabdi Cali, Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa

 

Marxum , Eng. Xuseen Cabdi Cali

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون


Waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u dirayaa qoyskii,caruurtii,ehelkii,qaraabadii,xigaalkii, ga calkii, asxaabtii ,Bahweynta xisbiga Kulmiye & shacabka Somaliland ee uu ka baxay, walaalkay, saaxiibkaygii aan jeclaa, marxuum,Eng. Xuseen Cabdi Cali

Ilmo ayaa gobo' iga tidhi geerida marxuumka,oo aanu xidhiidh joogto ah lahayn,maantase Sabir iyo inaan u duceeyo intaan adduuka sii joogo,uun baa ila gudboon, إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون.Waa h ubaal in qof walba uu dha dhamin doono geerida,oon cidina baaqi ku noqon doonin adduunyada n guudkeeda.Waxaan Allaha awooda leh uga baryaa inuu marxuumka janno Fardwasa ka waraa biyo,kana yeelo Nabiga jaarkiisa.

Marxuum,saaxiibkay, Eng.Xuseen cabdi Cali,waxaanu soo wada qaadanay waqti badan, waxaan u ahayn laba nin oo aad u saaxiiba,walaalo ah,waxaanan isku Class ahayn laga soo bilaalo Dugsi gii Sare,Hargeysa,ilaa Jaamacadii Muqdisho,oo aanu mar ka wada qalin jabinay.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Engineeradii ugu horeeyey ee dhismaha dalka qaybta libaax ka soo qaatay,waxaanu ahaa Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Qorshaynta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa,xilligii Maayarka uu ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.Ka dib wuxuu noqday Mareeye-k u-xigeenkii hore ee Hay’adda Waddooyinka Somaliland.Intii aanu xaqa Rabbi ku imanna ,waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye

Marxuum , Eng. Xuseen Cabdi Cali:

Wuxuu ahaa arday Tacliinta aad ugu fiican ,kaalmaha ugu sareeyana ka gali jiray
Wuxuu ahaa addoon Cibaado badan
Wuxuu ahaa shaqsi akhlaaq wanaagsan,oo dad la dhaqan leh
Wuxuu ahaa shaqsi gacan furan
Wuxuu ahaa shaqsi ummadu u siman tahay
Wuxuu ahaa shaqsi aanad ka xiiso goynayn wada joogiisa & wanaagiisa


Waxaa walaalayaal dhammaanteen innala gudboon ,inaan waqti walba xusuusnaano dar daara kii Nabigeenii Maxamed (NNKH),ee ahaa,"waxaad had iyo goor xusuustiisa badisaan, kan macaa nka iyo raaxada gooya, oo ah Geerida."Waa kalmad kooban,balse xikmad weyn xanbaarsan,oo inna xusuusinaya halka aan maanta joogno iyo meesha aan ku danbeyn doono,una baahan inaa n u sii shaqaysano,oon sii diyaarsano, waxa Allahii inna abuuray aan berri la hor tagi lahayn. Waxaan naftayda iyo tiinaba u dar darmayaa inaan Allah ka cabsanno.

Waxaan ku soo gunaanadayaa,Allaha awooda lehna aan weydiisanayaa, inuu walaalkay, saaxii bkay,marxuum,Eng. Xuseen Cabdi Cali,uu ka yeelo Nebiga jaarkiisa, janno Fardawsa ka waraabi yo,iilka u waasiciyo,iilka u nuuro,neecaw udgooiyo ku siiyo naruuro,aamiin.



إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون


 


 



Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
9 May,2016