Illahayow Somaliland Haka Dhigin Meel Cado wgeedu Ku Farxo, Shacabkeeduna Ku Muruggoodo

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Ramadaan Kariim Shacabka Somaliland Meelkasta oo uu joogo, Alle hayna Waafajiyo Khayrka Bisha Brakaysan ee Ramadaan.


Sida aynu la wada Socono Wadankii Somaliland Waxaa ka jira xaalad aan caadi ahayn oo ismari waa iyo is maan dhaaf Siyaasadeed salkeedu yahay, Qof kasta oo dareen iyo damiir Somalilanimo leh maanta xaaldan tagan  aw geed werwer ayaa haya waxaa Shacabka somaliland mid walba niyadiisa ku jirta tolow maxay noqon halkee xaaladi ku danbayn doontaa.

Hadaba waxaan shacabka Somaliland Gudo iyo debedba U soo jeedinayaa in Somaliland loo Duceeyo ilahay loo baryo bil barakaysan ayay nu jiraaye in aan ilahay ina tacab khasaarin ilahay somalinad in aanu ka dhigin meel Cadowgeedu Farxo shacabkeeduna Murugoodo, Amiin aamiin amiin,


Waxaa Xaqiiqo ah intii aynu xaaladan is mariwaaga ah ku jiray in  Somalila nd Sumcaddeedii Hoos u dhac ku yimi.Cadowgii Somalilandna aad u farxay. Haddii aan imika la dabaqabatayna aynu noqon Doono Ummud Fashilantay, Marlabaad iyo mar sedexaadba waxaan Ugu baaqayaa Culi'madda awdiinka, waxgaradka Siyaaasiyiinta cuqaasha iyo Sulaadiinta Abwaanada in Somaliland la badbaadiyo Qaranka loo Gurmado, Ciddii Qaladka lehna Runta Loo sheego oo aan Runta Laga meer meerin Xaq iyo baadilna La Dhexdhexaadin ee XAQA loo hiiliyo.



Allow Guri Dabayliyo
Xeradii Dugsoon Badan
Degel Lagu Nagaadiyo
Meel Aan Deero Kuxasilin
Dow Lagu Lumaayiyo
Durdurkiina Geynlaa
Dhulka Daadsan Eebow
Ku Dareera mooyee
Tallo kuma Dhegaynee
Laba Degel Midkii Roon
Rabow Adigu Noo Door............ aamiin aamiiin

Ragna Xaajo Dalabliyo
Damac Kama Dhamadee
Allahow Midnoo Daran
Iyo Deeqsi Nagu Jira
Kii Uurka Dabayiyo
Qalbi Daacado Wacan
Dannigii Calool galla
Dusha kama Arkaynoo
Allahayow Wax Naga Dedan
Kula Daawan Maynee
Wiil Loo Duuceeyoo Sida
Doonidii Noox Dalka Iyo
Dadkaba Sida
Rabow Adigu Noo Door............aamiin aamiin




Cali Kayse Kabadhe

Netherland's
Calikayse@live.com