Illaahay Dartii u Caawi oo Hooyo la Dhibaataysan Caruur Maskaxda ka Bukta oo Cunaya Biraha iyo Khashinka jidhkooda ka Soo Baxa
 


Hooyo Xabiiba Aw Axmed Diiriye oo ah Hooyo haysata Caruur Mucjiso ah oo aad u dhibaatays an ayaa ka Codsatay Dadwaynaha Muslimiinta ah in ay Bisha barakaysan ee Ramadaan illaah ay dartii usoo caawiyaan, hooyadan oo sheegtay in Dad muslimiin ah oo ka da mqaday dhibaa tada ku habsaday Caruurtan ay hayso oo dhamaantood maskaxda ka Buka ku waasi oo ay sh eegtay in dadkaasi u soo dhiseen hoy jiingad ah oo ay dhaxanta ka dugsadaan.

Xabiiba Aw Axmed waxa kale oo ay sheegtay in ay dhibaato badan ka haysatay daryeelka nol oleed ee Caruurtan isla markaana Wax kasta oo deeq ah oo soo gaadha ay nolosha awlaadan wax ka tari doonaan, waxaanay dhamaan Umadda Muslimiinta ah ka Codsatay inay kala qayb galaan Daawaynta Caruurtan Bukta, waxa kale oo ay intaasi ku dartay in Caruurtani ay ahaay een Afar oo laba ka mid ah ay hadda iyadu gacanta ku hayso halka labadii kale ay u kala gays ay dad qaraabadooda ah oo kafaalo qaada noloshooda.

Caruurtan oo Maskax ahaan wada Xanuunsanaya isla markaana Cunaya wax kasta oo gacant oodu gaadho sida, Dhagaxda, Qorayaha , biraha iyo khashinka jidhkooda ka soo baxa ayaa u baahan gargaar bani,aadanimo.

Xabiiba aw axmed oo ku dhaqan tuulada jameecada ee Duleedka magaalada Gabiley waxay dadka Muslimiinta ah ka codsatay in ay Caruurtan illaahay inta ka sokaysa ay sugayaan dadka muslimiinta ah ee gargaarka u fidiya iyada oo aad uga mahadnaqday dadkii jiingadaa u soo dhisay ee ka damqaday dhibaatada haysta Masaakiintan.



wixii aad ku Caawinayso ugu Hagaaji illaahay dartii




Dahabshiil Account: Geb-D-0227


002522-4044779, 002522-4463911.