Ilaahii nimcada siin jiroow,way siloon tahay

 



Marka hore waxaan salaamayaa Badwayn ta Timacade Group ee sharfta iyo karaamada naga mudan iyo dhamaan shacab ka Reer somaliland meel ay joogaan ba.

Halkan waxaan kusoo lifaaqay qayb ka mid gabay gaan ku xusay kor,markaa waxaan jec laystay inaa ila wadaag taan dareen kayga.

Waa mahadsan tiin


Abdulkhaliq Ali.
S.Arabia
 

 




Subcis keeda maan sada , baryahan
waan ka saahidaye
Surin kay lahayd waa taan xidheen,
daayay sadar kiiye
Saad ka iyo waw gii ma marin
surin kii toosnaye
Kolba aniga oo seex day baa
lay sanqadha yaaye
Saqda dhexe habeen kii , wax baa
lay sawiryaaye
Dareen baa isoo kiciyayoo
siidhi ii tumaye
Hees taa sugayseen haddan
Saab u talayaaye
Sidii roon alaa oge, Hubaal
waan sadrinayaaye
Wax yar Samir Saciidoow adaan
Saad ka muu marine

*****

Saban kan leexday Maxamadoow
Iyo Suurtan la afuufay
Surma seegtadaa muuqatiyo
Surin ka soo oodmay
saxal iyo dhibaataaa ka jira
Sayladdii herere
Dabin kaa sakaarada loo dhigiyo
Saaca lagu huurshay
Suryo qoolan, xadhigaa la sudhay
Saymo wuu dhigaye
Awr tii saqaaf too dhamaan
Gooste seetadae
Saqda dhexe habeen rag gaa
soof ka kala booba
Kuwaa sadkeenii dhacee
Diirka naga siibay
Mid waliba sun buu qooshayaa
Saancad iyo ceebe
Saamigii la eeday wadaan
Suniyo boogtiiye
Dhaqaalihi salabay marsheen
Xaadhe suuqyada
Garashiyo sinaan tii la diid
Saaca qaybsadae
Isa sima badh baa yidh dadkii
Soodh na loo tumaye
Ragga suudh ka wada qaatayee
Saaka lay wariyay
Kama muuqdo kii saari laa
Saymahaa jirae
Ha saqlayso waxay seeg tabay
Saaka moogtahaye
Magac iga sal-guuraan arkaan
Saymo lay dhigaye
Garaad kiyoo siloonaadat baa
saaka noo taline
Siqiir iyo kabiir dadkii way
Sibiq dhaqaaqeene
Bal aan saafo sheekada halkay
sawd ku ila gaadho

*****

Saban wali rag buu leeyahoo
Lagu samaadaaye
SULUBOOW aduun yadii la waa
Inay sinaataaye
saxal baa ku yuuruya xigaal
Subaxan joog naaye
Siyaasuu dad kii eedayuu
Siiyay magaciiye
In la simo dhalaan kii la diid
Sooryadii gacale
Surmi baa Hargaisana ka jiriyo
sayladdii herere
Wankii sabar ka waynaa,
Riyihi saaka waa gibine
saran seer aka gaajada dakii
silicday maatidiye
Marin kii rag baa seejiyoo
Seege taladiiye
Sandareero uugamay tagine
leefe sixin kiiye
Saxal kaba kuwii keenay bay
wali salaamaaye
Bal suuree halkaa saran tay
Taladi sooyaal ku

*****

Sidig teenii maandeeq Haddan
Saaka lagu beeg san
Seetada hadday naan ku xidhin
Sayn caddahan qooqay
Keenada hadday sudhayn
Saancadlahan qooqay
Surwaal kii hadday naan u xidhan
suun ka lagu giijin
Siraad kii hadday naan ku ifin
Xumahan soo muuqda
Garasahada hadday naan ku sugin
Sahan na loo raacin
Saran seer hadday naan ka jirin
Saban ka loo toosin
Haddii aan aqoon lagu sarjarin
saafin taladeede
Bal suuree halkee lagu socdaa
Saaka lagu toosay

*****

Qaaran saboolaanu nay
oon siyaad aan rabine
Seetada awoodii ku xidhay
soof kii nololeede
Saracii ma beer taan dadkiba
Soortii bixi layde
Hadhuudh kii ma saanyado,Galay
lagu samaadaye
Sicciihi irmaanaan jiriyo
Geeli laga suulye
Sayladi hii abaarsaday rugtii
Siigadaa kiciye
Wankii sabar ka waynaa, idihii
saaka waa gibine
Sidii bay u seetaysan tahay
Sidig tii Maandeeqe
Sudihii ma daaqaan halihi
Geedihii sarare
Galool kii rag baa seertayoo,
SUU la yuururae
Sidii aad u eeg taba dalkii
Kaynti laga suul ye
Haad kii samada heehaabi jiray
saaka waa gibine
Saxal baa ku yuurura garaad
Samihi loo diidye
Ilaahii nimcada siin jiroow
way siloon tahaye
Garashada ku soo celi, aqoon
saaka laga guurye

*****

Saxar qaada fooraha Udgoon
Saman ka oo toosan
Samadoo irmaanaatay oo,
Dooxu soconaayo
Seermawaydo noo hoortayoo
Siigadii qariyay
Saqda dhexe habeen kii markuu
Rahu sawaadaayo
Qudhaan jadu markay saad ka iyo
Sooryo dhigaynyso
Marka ay samaanadi adkaa
Saxal ka riixayso
Aniguna sidii baan hurdada
Subax ku gaadhaaye
Garan waayay siliciyo darxumo
yaanu soo noqone
Gran waayay biyaha sunsumay
Kayd usii dhige
Garan waayay xoog lagu suntado
lagu samays taaye
Garan waayay saawa saawihii ka baxa
silici dheeraaye
Wixii shalay I sigaaan mar kale
wali sugaayaaye
Surmigiyo haraad baa heloo,
Saqada dhexe habeen kii biyay
Wada sugaysaaye
sabar kay ku qaadaan TANAAG
Ubad ki Seedoowe
Sarar kuu ka liicay dhalaan
Gaajo silicdeede
Ilaahii nimcada siin jiroow
way siloon tahaye
Garashada ku soo celi, aqoon
saaka laga guurye

*****

Subaxii la joogaba , darr baa
loo sad buriyaaye
Saamigi shalay lala dhacaan
saaka tabayaaye
Saran seertay maatidi darxumo
Way siloon tahaye
Sool iyo sanaag bari ilaa buurta
sana-heeda
Saylac iyo wajaaliyo halkii
Sarac beeraysay
Siidh kii hadhuudh kiyo galay
saydhe midhihiiye
Saryan kiyo ugaadhi badnayd
Liigi socon waaye
Ilaaahii nimcada siin jiroow
,Way siloon tahaye
Garashada ku soo celi, aqoon
saaka laga guurye

*****

Aqaladan la simayee, dalkii
suuqa lag teedshay
Gurayahan sees loo taagayee,
Waada siraadaaya
Ma ogtahay siciidoow,halkaa
Saami lagu boobay
Sabigiyo dhalaan kii la nacay
Seexdo garab kooda
Suga yaan Barwaaqada, maruun
Saami ka helaane
Waliba aan saluug iyo lahayn
Sawaxan dheeraada
Samair bay ku nool yiin rabiga
laga sugaayay
Waxay seegtay, wxay saudhay baa
Saayid badan dheere
Saylad baaba loo raadiyaa
Lagu sifeeyaaye
Ilaahii nimcada siin jiraw
Way siloon tahay
Garashada kusoo celi,Cqligii
Saaka laga guurye

*****

Sadd koodiina meel kale,
Sooryo looga dhigay qaar
Qabiil baa sidii llagu dhaqmaa
Laguna sooraaye
Calan kay ka sugayaan wax badan
Samo iyo wanaag badan
Maan seegin, mana sarin,
Wali nabar ku waa suule
Markaan saafo maansada
Sifaheedu wuxuu yahay
Qaar baa loo soocdoo qajeel
loo sadburiyaaye
Kuwii dharag ga kaystaamarkale
Dheeraad la siiyaaye
Wuu kala saraysaa dadkii
,Lama sugin aqoon tana
May helin Suldaan wacan
dareen kiisu saxan yaye

*****

Kala socotay dunidina, Nin ba
meel u sahan sadaye
Xidiga han siraatiyo, cirkaa
sahano loo diraye
samada dusheena ah ragbaa
seertay meel kalae
Ragg bay Sumadii uugu taal dayaxa
Seesna sii dhigaye
halkaa s, samadaa dusheena aha
Qaar baa socoot dheer u galay
sahan kina u maqan yay
Anigana sidii-baa qabiil
Been baan sabaalaynaa xumahana
Loo sardamayaaye
Soof k aka dayayaae
Seef baan afays taa mid kale
sabar ka gooyaaye

*****

Maan seegin mana sarin, Wali
Nabar ku waa suule
Madax nimo ma si dananaa
garashadu siloonaa ?

*****

Siigadaa daluun tiyo dhulkaa
salabe loo qaatay
Socotada dalkeenii heshoo
Saabna loo tolayo
Sidig teeni maandeeq
Ratigan seeto lagu jiidye
Sogsogtiyo galool kii la madhi
Seerigii baxaye
Qudhaciyo sarmaan tii la waa
maaraagii soohnaaye
Sugumaha ilaa sayla godan
siigadaa kiciye
Sayladdii Hargaisiyo Berbera
Saaka lagu toosye
QOOLCADAY rag baa seertayoo
seesna loo dhigaye
SAAXIL baa haddeer lagu baxoo
Suuqyo loo helaya
Xeebaha sintoodiyi ilaa
Guban ka sii jeeda
Buurihi ragb baa loo suntoo
Saami dhaafsadaye
Batalaale soodh baa ku baxay
silig na la jiidye
Masjid kana rag baa sugayao
Sicir kii loo gooye
Sabigiyo dhalaan kaa haddeer
Saylad loo dayiye
Sharaftaba kuway saartay baa
Seejay marin kiiye
Qajeel bay wanaag saydhayoo
Saancad noo kacaye
Alylaehe hadduun baa xabaal lagu sarjaray
Saani loo dhigay

*****

Sidig teeni maan deeq marki
Suuga lagu keenay
Sandulaha hashii lagu dhacshee
Dhiigu soconaayay
Hashii ay sugaysee wax badan
Samir ka dhawrayasay
Saqda dhexe habeen kii markii
nabad ku soo hooyay
Calan kii markii loo sudhee
Heesna lagu saaray
Sabigiyo dhalaan kuba Markuu
Wada salaamayaaay
Iyadoo sadkeedii galoo
Sinaha riixaysay
Iyadoo candhada saydhayoo
Socod ku dhiiqaysa
Saamihii miyay kala baxeen
Saban ku waa yaabe

*****

Wax ba hadal ku yoo ila sibdhine
waxaan soo goohay
sool iyo sanaag bari ilaa
saylac garab keeda
surmi bay ku nool yiin dadkii
Sayladdii herere
ilaahii nimcadii siin jiroow
Way siloon tahay
Rabiyoow dhibaatada ka saar
Silicday maatidiye

*****

siyaasigii la door tiyo la waa
Badi sarkaal kiiye
Suldaananada asqoobiyo kuwaa
suufka wada qaatay
Saqda dhexe habeen kii kuwaa
balada soohaaya
Xaeaab kuwaa lagu sasabo
soortu wada qaaday
Rabiyoow dhibtay suubiyeen
Saaka naga baaji

*****

Samadoo irmaanatayoo
Dhibca sii daysay
Biyuhuna sabeenaan cidlada
Dooxu soconyaayo
Seeraha kuwaa ootayeen
sarac na beeraynin
Rabiyoow kuwaa soofki baxay
Xeertay saba doogle
Ilahayoow waxay sahadiyeen
Saaaka naga baaji
Wa bilaahi tawfiiq

*****