ILA QOSOL
Nabad akhristayaal,
Bariido kaddib, beri waxa jirey qolyo xer ah oo Ilaahay dartii iyo diinta ku walaaloobey. Marka ay xubn aha xerta ka tirsani wada hadlayaanna waxay caado u lahaayeen, in ay isku yidhaahdaan; ikhwaan oo ah erey carabi ah oo macnihiisu yahay; walaal.
Nin xertii ka mid ah, ayaa xertii ka tegey oo reerkoodii dib ugu
noqday oo weliba guursaday. Haddaba, markii ay labadii nin saaxiibkood arkeen; ayay si wacan
oo hambalyo ku dheehan tahay u ba riidiyeen oo ay isku duubeen -iyaga
oo ku dhawaaqaya ereygii caanka ahaa ee ikhwaan!
|