ILA QOSOL
Xilligii u Faransiisku
xukumi jirey Jubuuti, ayuu nin reer miyi ahi Jubuuti u
soo safray. Intii uu magaalada ka muraadsanayey, ayuu
arrin magaalo-joog-xuma ah ku kacay. Dabadeedna, inta la
qabtay ayaa la xidhay. Waxana lagu xukumay, xadhig
saddex bilood ah.
Ninkii reer baadiyaha
ayaa garan waayey waxan loo haysto ee uu biiyey! Haddaba
si looga dhaadhiciyo waxa loo haysto awgeed, ayaa
loo qabtay turjubaan (interpreter) soomaaliyeed oo ka
dhaadhiciya, dambigan loo haysto iyo xadhiggu wuxuu
yahayba.
Turjubaankii ayaa u sharraxay, waxa lagu
haysto iyo muddada lagu xukumayba. Markii uu arrintii
fahmay ee lagu yidhi, " Saddex bilood ayaad jeelka
fadhiyaysaa oo reerkaagii kuma noqonaysid;" ayuu isaga
oo yaabban turjubaankii ku yidhi,
"
Walaal
Saancadaalaha waxad ku
tidhaahdaa, baylah badan baa ii taalla,
riyihiina
xilli xun bay dhaleen oo waaba saddex biloode; maalin
keliya ma haleelayo ayuu ku yidhi ku dheh; in aan
meeshan fadhiyo!!"
Allahayoow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin!
|