ILA QOSOL

 

Nabad iyo caano akhristayaasha sharafta lahoow,
 

Reer Soomaaliyeed ayaa xilli Jiilaal ah soo dul degey ceel
waadaan ama dowlis lagaga cabbo.
Laba ka mid ah haweenkii reerka oo lalamaan -mid waliba wiil sidato- ayaa ceelkii u arooray, si ay biyo uga soo dhaansadaan. Dabcanna, mid waliba inankeeda way xambaarsanayd - sidii caadadu ahaan jirtey. Waxa kale oo mid walba wiilka u dheeraa, haantii (dhiishii) ay soo dhaamineysey iyo waadaan.

Markii ay ceelkii tageen ee ay damceen, in ay biyihii dhaansadaan; ayuu midkood wiilkii ay dhabarka ku sidat ay kaga siibtay ceelkii oo uu gunta u tegey. Tii kalana haanteedii ayaa ceelkii kaga dhacday!
Hooyadii wiilku ceelka kaga dhacay, ayaa oohin gar ah ceelkii la dul fadhiisatay. Tii haantu ceelka kaga dhacdayna, baroor iyo ba'ayey ayay la ag fadhiisatay!

Markii ay cabbaar iska ag ooyayeen, ayay tii inanku ceelka kaga dhacay, tii kale eegtay oo ay ku tidhi, "
Naa hoo haantan oo iga aamus aan kaa ooyee!"

Allahayoow ma gar!

Imisaa cidlo iyo waxaan caaro ka biirsan
Cisho noolba u ooya!
Oo wixii Caadilku siiyey iyo caanahoodii qubaaya!

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com