ILA QOSOL

 
 
Nabad akhristayaasha sharafta mudanow,

Intiinii hore ula socotey sheekooyinkii Ila Qosol waan salaamayaa; inta cusub waan soo dhaweynayaa.
Sheekadan aynnu maanta soo qaadanaynaa waa sheeko qosol leh, kuna tusaysa  qabka ama hanka iyo hay badda Soomaalida ku jirey/jira - marka laga eego dhinacyada diinta iyo dadnimadaba.

Xilli ku beegnayd 1960 naadkii, ayaa waddankii la odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa la keeni jirey oo ku tababaran jirey; dhallinyaro Maraykan ah oo tababar ku qaadan jirey hay'adaha dawladda - inkasta oo ay intooda badani macallinnimo ku shaqayn jireen.Mashruuca ay dhallinyaradaasi ku iman jireen Soomaali ya iyo dalal kalaba waxa loo yaqaanney, peace corps.

Haddaba, dhallinyaradaasi oo qaar ka mid ah la geeyey magaalo ka mid ah magaalooyinkii dalka Soomaaliya, ayaa iskuul magaalada ku yaalley macallimiin ka noqday.
Sida iska caadada ah, dhallinyaradii
Maraykanka ahayd; macallimiintii Soomaalida ahayd ee iskuulka wax ka dhigeysey; ayay maqaaxiyaha shaaha kala soo cabbi jireen. Markii dambana makhaayad ay shaaheeda u bo geen, ayay macmiil u noqdeen.

Waxay arrintu sidaasi ku socotaba, beri dambe ayay qolyihii Maraykanka ahaa ogaadeen; in iyaga laga qaad o lacag dheeraad ah oo aan laga qaadin saaxiibadooda Soomaalida ah!
Dabadeedna, warkii ayay u sheegeen macallimiintii Soomaalida ahayd. Waxana soo xaqiijinta warkaasi loo xilsaaray macallin ka mid ah macallimiintii Soomaalida iyo mid ka mid ah kuwii Maraykanka.
Labadii nin ee xograadiska ahaa ayaa u yimid ninkii makhaayadda lahaa oo weydiiyey, waxa ka jira arrintan cabashada ah ee ka soo yeedhay dhinaca dhalinyarada Maraykanka ah!?
Geesi Ilaahay ma xilee, si gabasho la'aan ah ayuu u yidhi,"Waa runtood oo weliba khasaare ayaan ku qabaa nimankan!!"

Macallinkii Soomaaliga ahaa oo xanaaqsan, ayaa ninkii ku yidhi' "Ma inta aad lacag dheeraad ah ka qaadid, ayaad weliba leedahay khasaare ayaan ku qabaa?!"

Ninkii makhaayadda lahaa ayaa ku jawaabey, "Sidee ayaanan khasaare ugu qabin, koob wal oo ay wax cabb aan iyo saxan kasta oo ay wax ku cunaanba waan jabiyaaye!!"

Kala maan! Bal waa kaasiye adiguba ka garnaq!

Waa nin qab weyn iyo
nin aan u qabin

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com