IGAD Oo Deeq Waxbarasho U Fidsay Shan Arday Oo Ka Tirsan Dugsiga Xanaanada Xoolaha Ee Sheekh

 



Hargeysa (TNN)- Arday ka tirsan dugsiga barashada xanaanada xoolaha ee magaalada She ekh ayaa deeq waxbarasho ka helay dalka Yugandha. Deeqdaas waxaa soo gaadhsiiyey urur gobolee dka IGAD iyaga oo kaashanaya maamulka dugsiga xanaanada xoolaha iyo xuku mada Somaliland


Ardayda nasiibka u heshay deeqda waxabrasho ayaa kala ah afar wiil iyo gabadh, gabadhaas oo kaalinta hore ka gashay qalinjabintii dugsiga xanaanada xoolaha dhanka hablaha. Shanta arday ayaa ka kala socda gobolada dalka qaarkood, waxaanay maalintii shalay ahayd u dhoofeen jaam acad ku taal Yugaandha.


Ka hor intii aanay dhoofin waxaa kulan la sii yeeshay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha So maliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo masuuliyiin kale, waxaanu wasiirku kula dar daarmay sidii ay door weyn uga qaadan lahaayeen baahida loo qaybo dhakhaatiirta xoolaha oo dalka aad ugu y ar.


Waxaana ka mid ahaa hadalkii wasiirka “waxaa farxad noo ah maanta in aan sii sagootino shant an arday oo ah afar wiil iyo gabadh oo nasiibkoodu siiyey inay u baxaan dalka Uganda si ay uga qayb qaataan waxbarasho ku saabsan dhakhtarnimada xanaanada xoolaha, iyaga oo wax ka soo baran doona jaamacada Makerere University of Uganda. Aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeyn aynaa guusha aad qaranka iyo naftiina u soo hoyseen”.


Wasiirka oo sharaxaad dheeraada ka sii bixinaaya shanta arday ee nasiibkood siiyey deeqda w axbarasho ayaa yidhi mar kale “Shantan xubnood waxay ka mid yihiin ardaydii ka baxday dugsiga xanaanada xoolaha ee sheekh sanadihii 2007 ilaa 2010, iyaga oo ku guulaystay inay macalimiin ka noqdeen iskuulka xanaanada xoolaha ee sheekh, waxay soo qaadan doonaan dhakhtarnimo mu do saddex sano ah insha allah waxaanu rajaynaynaa inay dalka dib ugu soo laabtaan saddex sa no kadib iyaga oo dhakhaatiir ah oo dalka wax u tara”.


Cabdirisaaq Maxamed Axmed waa arday ka mid ardayda jaamacada Makerere ka soo baran do ona cilmiga xanaanada xoolaha, mar uu dareenkiisa ka hadlaayey wuxuu yidhi “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay fursadan aanu maanta ugu baxayno jaamacada, waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinayaa qolada na siisay deeqdan waxbarasho, gaar ahaan ururka IGAD siiba Eng maxbuub oo isagu suurta galiyey deeqdan waxbarasho, waxaan sidoo kale iyana u mahad naqay aa cidii wakhtigii aanu ku jiray waxbarashada gacanta nagu haysay”


Geesta kale gabadha kaliye eek u jirtay ardayda waxbarashada u tagay Yugaandha oo lagu mag acaabo Shugri Jaamac Geele ayaa iyana dareenkeeda cabiraysa “waxaanu u baxaynaa waa baa hi dalka ka jirta, dhakhaatiirta xoolaha dalkeena oo yar awgeed, anaga oo isha allah kafayn do ona inta awoodeena ah, ma noqon doono kuwo lagu khasaaro, insha allah waxaan rajaynayaa in aan dadkayga iyo dalkayga wax tari doono mudo gaaban kadib”


Shanta arday ee deeqda waxbarasho helay ayaa kala ah:- 1. Shugri Jaamac Geele. 2.Cabdiraxma an Maxamed Axmed 3. Cabdirisaaq Maxamed Axmed 4. Cabdideeq Maxamed Yuusuf 5. Maxamed Cabdiladiif Xaaji.


Waa markii ugu horaysay ee ururu goboleedka IGAD uu waxbarasho dibada ah u diro arday reer Somaliland ah, in kastoo aanay deeqdani noqon doonin sida uu sheegay wasiirk mid halkaas ku istaagta, hase ahaatee wuxuu sheegay in sanadka danbe la diri doono shan arday oo kale.


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland