Ibrahim
Ducaale Suleybaan oo ka tirsan xisbiga UDUB oo aanu Waraysi
Dhinacyo badan taabanaya aanu la yeelanay
![](IMAGES/IBRAHIM-TALAABO.jpg)
Waxaa dhawaan magaalada Hargeisa aanu kula kulanay Ibraahin Ducaale
Suleybaan,oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbul Xaakimka Udub,isla
markaana degan Cariga Ingiriiska.
Waxaana aanu waraysi kala yeelanay Arrimaha
Gobolka Saaxil oo uu ka soo jeedo iyo weliba arragtidiisa ku
aadan Shirweynihii Khilaafka abuuray ee lagu doortay Murashaxiinta
Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye oo aan weli wax heshiis
ah laga gaadhin.
Ibrahim talaabo waxa kale oo uu
hore u ahaan jiray Gudoomiyihii urur siyaasadeedka Sahan kaasi oo ku
hadhay doorashadii golaha deegaanka
Waraysigaas oo dhamaystiran ayaa u dhacay sidan;
Su’aal: Marka ugu horsay sideed u
aragtaa xaalada waqtigan ay ku sugan tahay Magaalada Berbera xarunta
gobolka saaxil?
Jawaab: Magaalada Berbera Xilligan waa
Xagaa oo dadku kuma badnayn,qabyo badanina waa ka muuqatay.
Su’aal: idinka jaaliyad ahaan iyo
waliba qurba jooga u dhashay gobolka Guud ahaan marna ma isku
daydeen in aad Berbera wax u qabataan hadii ay noqon lahayd arrimaha
Bulshada oo kale?
Jawaab: Qurba jooga Gobalka saaxil waa
dadaalaan laakiin ma dabooli karaan baahida gobolka ee dhan kasta ka
muuqda mana qaban karaan shaqada dawladda.
Su’aal:sida aaad ogtahay waxa ka jira
gobolada kale ee Somaliland gudiyo horumarineed, markaa gobolka
saaxil gudidii uu lahaa maxaa hortaagan ilaa hada ee ay shaqadoodii
u qabsan waayeen??
Jawaab: Maamulka Gobalka ka jira oo ah
mid fadhiid ah ayaa ah mid aan diyaar u ahayn inuu dardar geliyo
hawlaha gobolka iyo mid guddi toona.
Su’aal:adiga Ka Ibrahim ahaan damacaaga
siyaasiga ahi ilaa heerkee ayuu gaadhsiisan yahay?
Jawaab:Aniga hankayga siyaasadeed iyo
damacaygu waa ilaa kursiga u sareeya ee dalka laga xukumo, goorteeda
iyo goobteeda.
Su’aal:Sidaad u aragtaa kala qaybsanka
xisbiga Kulmiye?
Jawaab:Guddoomiyaha ayaa masuul ka ah
kala qaybsanaanta ku timi xisbiga Kulmiye sababta oo ah nin ka mid
ah murashaxiintii ku xigeenka ayuu toos ugu ololaynayaa, waxa se u
il duufay raggii lama taab taanka ka dhigay ama loolan gelin waayey
kursiga murashaxa Madaxweynaha.
Source:SN
|