“In Aynu Xukuumadda
Tirada Yar Ka Wada Muuqano Maaha Mid Suurto Gal Ah, Mudaharaadadu
Waxay Inagu Celinayaan Maamul Xumadii”Axmed Muxumed Madar
Hargeysa, August 3, 2010 (TNN) -
Siyaasiga reer Hargeysa,Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah m
asuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE ayaa shalay markii ugu
horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aa dan guusha xisbigiisu ka
soo hooyey doorashadii dalka ka dhacday iyo sida uu arko in aanu ka
mid noqon Golaha Wasiirada cusub ee uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan
soo dhisay.
Axmed Muxumed Madar oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka
Steak and Fish ee magaalada Hargeysa, waxa uu daboolka ka
qaaday inuu ku qanacsan yahay isaga iyo beeshiisu in aanay ka
dh ex muuqan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku dheeraaday
marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray guusha xisbiga KULMIYE
iyo doorkii uu ka soo qaatay isagoo arrintaa ka hadlaaya na
waxa uu yidhi “Waxaan iskugu kiin yeedhay inaan idiin sheego
dareenkayga guud ee beeshayada iyo guddigaan ka soo jeedo ka qabaan
doorashadii dalka ka dhacday, sida aad wada ogtihiin waxa ku
guulaystay xisbiga KULMIYE oo aan madaxdiisa ka mid ahay.
Marka hore waxaan hambalyeynayaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la
doortay ee ay dadweyn uhu kalsoonidooda siiyeen, taasi waa
hambalyo.”
Waxa kale oo uu Axmed Madar sheegay sababihii keenay in xisbiga
KULMIYE ku guulaysto doorasha da dalka ka dhacday waxa uu
yidhi isaga oo ka hadlaaya arrintaas “Waxa sababay in xisbiga
KULMI YE ku guulaysto doorashada, markii xisbil xaakinkii hore ee
UDUB uu ku fashilmay xilkiisii shantii san no ee la doortay,
dadweynuhuna niyad-jab ka muujiyey iyo xisbiga KULMIYE oo dadaal
badan muuji yey, isla markaana bulshada u soo bandhigay
barnaamij siyaasadeed cad, kaas oo aan ka mid ahaa dadkii ka hawl
galay qaab-dhismeedka dawladu ay yeelanayso dadkii ku darsaday
fikirdooda, kaas oo aanu isku raacnay in la dhiso dawlad kooban oo
tayo leh.dadweynuhuna taa aad bay ugu qushu uceen, talooyin
fara badan oo wanaagsan ayey u soo jeedinayeen, cid kasta oo talo
siinaysaana waxay hoosta ka raacinayeen in ay ka wada muuqdaan, taas
oo ah habkii Beelaha, waxa ay madax weynaha iyo ku-xigeenkiisa
waydiinayeen halka ay kaga jiraan, labadaasina laba isqabanaaya
maaha.
Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa in aynu ka waantowno in aynu
xukuumadda tirada yar ka wada muuqano aanay ahayd mid suurto gal ah,
wax aynu ognahay in xukuumaddii hore in ay wasii ro badan
samaysay si loo raaligaliyo beelaha, waxa aynu ognahay waxa ay ina
dhaxalsiisay, waxa aynu ognahay in qof reer loo magacaabay in aanu
ummada u xaq-soorayn, oo uu reerkii loo magac aabay ahmiyada
siinaayo, filimaantaas oo dhan waynu soo aragnay waxa inoo wanaagsan
in ay da d ku ka waantoobaan, oo aynu nidhaahno waxa aynu ku
taamaynay waxa uu ahaa isbedel noo xul ay dad isbedel keeni
kara, oo noo shaqeeya oo aan naga shaqaysan oo aan beelo ku shaqayn.”
Waxa kale oo uu ka hadlay Axmed Madar mudaharaadyada Hargeysa iyo
Boorama ka dhacay, kuw aas oo uu sheegay in ay qawadeen saamiga ay
ka heleen dawlada la soo dhisay waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaaya
arrintaas “Tabashada nocaas ah ee mudaharaadada waa mid inagu
celinayaa maa mul xumadii iyo caddaallad-daradii aynu ka
dhiidhinay, dadweynaha waxaan leeyahay, in aynu beelo wax ku wada
qaybsanaa waxay macnaheedu tahay in aynaan waxba wada yeelan.
Waxaan anigu shakhsi ahaan ku qanacsanahay, anigoo xisbigaygu
ogyahay kaalinta aan ka soo qaa tay iyo ta aan kaga jiro,
waxaan doonayaa in aan aad iyo aad u iftiimiyo dareenka dad badan oo
da lka dibadiisa iyo gudahiisaba jooga waxa ay muujiyeen oo ah
inanay ka xun yahay in laygu soo dari waayo xukuumaddii la soo
magacaabay, aad iyo aadbaan ugu mahannaqayaa karaamada ay ii
muu jiyee, iyagana waxaan u qancinayaa oo aan leeyahay dawladu way
tira yar tahay oo kamana wada qayb gali karno, aynu ku qanacno inta
uu madaxweynu xilka inoogu dhiibay oo aynu sidaa raali ku ahaano,
anigana yaan lay arkin dad ka xanaaqay markii xil la siin waayey oo
wax gaara doonaayey oo aynu sideenii hore heegan u wada ahaano isuna
barbar taagno una wada shaqayno.”
Ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay xukuumadda cusub inay ka
midho-dhaliyaan barnaamijkii siyaa sadeed ee xisbiga KULMIYE,
shacabku ku doortay, waxaannu uga digay in ay xukuumadda
madaxwe yne Siilaanyo ku dhaqanto nin jeclaysi iyo beel jeclaysi,
taas oo uu tilmaamay inay burburisay xuku umaddii hore,
waxaannu ku soo gabagabeeyey in aanay beeshiisu marna si xil loogu
magacaabo anay madaxweynaha ka dalban.
Source:Haatuf
|