Horumarka Ballaadhan EeMadaarka Hargeysa Shantii Sanno Ee la soo
dhaafay Qaybta:2aad
Hargeysa (TNN):- Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda
Duulista iyo Hawada Somali land waxa uu ka mid noqday liiska Golaha
Wasiirada ee Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay 28-kii Bishii July 2010
iyada oo Maxamuud Xaashi loo magacaabay Wasiirka Duulista iyo Hawada
Somaliland Maxamuush Xaashi Cabdi waxa uu xilka wasaaraddaasi uga
dambeeyey Cali Maxa med Warancadde oo hadda ah Wasiirka Daakhliga
Somaliland. Wasiir Maxamuud markii uu xil ka wasaaradda la wareegay
hadalkiisii ugu horreeyey ee uu warbaahinta siiyo waxa uu ku b allan
qaaday in uu awooddiisa oo dhan isugu gayn doono sidii uu u
casriyeyn lahaa Madaarra da Dalka isaga oo si gaar ah isaga xil
saaray dib u ballaadhinta iyo casriyeynta Madaarada Hargeysa,
Berbera iyo Burco halka qiimayn lagu sameeyey Madaaro kale oo uu ka
mid ahaa Madaarka Boorama.
Isaga oo dhinaca kalena ku dadaalay in dhismihii hore wasaaraddaasi
ugu jirtay laga guuro, heshana dhisme Casri ah oo ay degto kaasi oo
aan dib ka faahfaahin doono sida uu ku yimid kuna hir-galay dhismaha
cusub ee wasaaradda Duulista u hirgalay mudadii xukuumaddani talada
haysay.
Guda-Galkii Mashruuca Dib-Dhiska Madaarka Hargeysa:
Wasaaradda Duulista Hawadu waxa ay xidhiidho kala duwan la samaysay
Deeq-bixiyayaasha iyo dawladdaha saaxiibka la ah Somaliland iyada oo
wasaaraddu la timid qorshe ay ku raadin karto cid Somaliland ka
taageerta dhismaha madaarrada dalka, gaar ahaan Madaarka Caasi madda,
waxaanu Wasiirku heshiis arrinkaasi la xidhiidha la galay Dawladda
Kuwayt oo noqot ay dawladdii gacanta ugu weyn ka gaysatay dhismaha
madaarrada Hargeysa iyo Berbera h alka kharashaadka dhismaha
madaarradan xukuumadda Somaliland miisaaniyadda ku darsat ay oo ay
lacago badan ku bixisay. Wasiir Xaashi, waxa uu dalka Kuwait isla
markiiba Bishii No vember 2010 wadanka Kuwait ku soo saxeexay
heshiiska Mashruuca qaybta 1aad ee dhism aha Madaarka Hargeysa ee
dalkaasi innaga caawiyey intiisa badan.
Qiimayn ballaadhan oo lagu sameeyey Baahiyaha Madaarka Hargeysa
(early assessment sur vey) waxa natiijooyinkii warbixintii laga
diyaariyey ka mid noqday in gabi ahaanba Dhabbaha Diyaaradaha ee
Run-waygu aad u liidato oo loo baahan yahay in wax laga qabto.
Inkasta oo Guddida qandaraasyada qaranku ay 16-kii February 2012
shaaciyeen qandaraaska dhismaha Madaarka Hargeysa oo wakhtigaasi ku
guulaysatay shirkadda Somaliland Hono Group hadan a hawsha Wasaaraddu
Madaarrada ka bilawday waxa uu bilaabmay sanandkii 2011 waxaa nay
Wasaaradda oo kaashanaysa khubaradeedu gudo gashay samaynta daraasad
ballaad han oo lagu qiimeeyey baahiyaha dhabta ah ee Madaarka oo aad
u badnaa waxaana durba diiba awoodda la saaray halkii ugu darnayd oo
ah in dib u dhis ballaadhan lagu sameeyo dha bbaha diyaaraduhu ka
haadaan soona caga dhigtaan ee Run-wayga oo ahaa mid aad u liita.
Bishii March 2012 ayay shirkaddii qandaraaska ku guulaysatay
saxeexday Hawsha Madaarka laga qabanayay oo saddex waji lahayd:
1. Sahanka Lagu Sameeyey Guud Baahiyaha Madaarka (Assessment Survey)
2. Xayndaabka Madaarka Oo Qiimayn isna Lagu Sameeyey
3. Qorshihii Lagu Soo Iibiyey Laguna Soo Dejiyey Agabkii Madaarka
Lagu Dhisay
Agaasimihii Guud ee wakhtigaa Joogay Wasaaradda Duulista Md. Axmed
Dalal Faarax oo saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi: "Mashruuca
dhismaha Madaarka Hargeysa hawshiisu iyada oo la kawsatay
magacaabistii Wasiirka Duulista Hawda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi
Cabdi, hadana waxa ay si rasmi ah u bilaabantay markii aanu
shirkadaha qandaraaska qaatay kala saxeexanay bishii March 2012.
Mashruucani waxa uu qorshuhu yahay in uu socdo muddo 15 Bilood ah”.
Dr. RC. Gubta oo ka tirsanaa Hawl-wadeenada Hay’adda ICAO oo
maalmahaasi hadlay waxa uu sheegay in qorshayaasha Wasiirka Duulistu
shirkadaha ku amray ay ka mid ahayd in mar ka uu mashruucani
dhammaado Garoonka Cigaal International uu noqdo mid 24-ka
saacado odba shaqeeya oo la tartamada garoomada caalamka iyo kuwa
mandaqadda Geeska Afrika. Arrinta kale ee xiisaha lahayd waxa ay
ahayd in Dr. Rami Chehade oo la taliye u ahaa shirkadda reer Kuwait
ee NARCO ee maamulaysay mashruucan kana wakiil ahayd Hay’adda Kuwait
Fund ee iyadu bixisay maal-gelinta dib u dhiska Madaarka Hargeysa uu
maalmahaasi madaarka dhismihiisu bilawga ahaa saxaafadda u sheegay
in ay gacan weyn ka halayeen Injineerro waddani ah oo ka qalin
jabiyey Jaamacadaha dalka oo dhismaha ka qayb galay arrinkaasi oo
ahaa ididiilo u soo hoyatay Injineerrada wadaniga ah oo u noqotay
dhiirrigelin.
Dhismaha Run-wayga Madaarka ayaa si layaab leh u bilaabmay iyada oo
duulimaadyadii Ma daarka Hargeysa loo wareejiyey Madaarka Berbera
kaasi oo Wasaaraddu dayac tir badan ku samaysay si uu u hanto
hawlaha shaqo kadib xidhitaankii Madaarka Hargeysa. Waxa xusid mudan
in heerkiisu aad u hooseeyey Madaarka Berbera ka hor intii aanay
wasaaraddu wax badan ka qaban si uu u hanto duulimaadyada u soo
wareegay.
Wajiga 1aad ee dhismaha Madaarka ayaa la guda galay. Agaasimaha
Waaxda Mashaariicda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Eng.
Muuse Ibraahim Salaf oo aanu wax ka way diinay heererkii uu soo maray
Mashruuca dhismaha Madaarka Hargeysa ayaa noo sheegay in marka laga
yimaado heshiisyadii iyo daraasadihii lagu sameeyey baahiyaha
Madaarka in hawshiisu si rasmi ah u bilaabantay Bishii May 27-keedii
2012 iyada oo la bilaabay qaybta k oowaad ee Mashruucan oo ahayd Dib
u dhiska Run-wayga, adkayntiisa iyo samaynta Xayn daabka Madaarka
qaybtiisa koowaad. Dhabbaha Madaarka oo sidii aan soo sheegnay ayaa
mid aad u liitay kuna sii gurburay dagaaladii dalka waxa la galiyey
hawshii ugu cuslayd Mashr uucan waxaana la saaray ugu yaraan saddex
layer (Lakab) oo dhisme ah.
Run-wayga oo dhererkiisu ahaa 2466 Mitir oo dherer ah iyo 45 Mitir
oo ballac ah, waxa ma rkii koowaad la hagaajiyey laamidii hore,
iyadoo la buuxiyey goobihii daloolay, si adgana loo soo dhishay
goobihii jilicsanaa, Injineerada hawsha waday ayaa go’aansay in Run-wayga
hore uu noqdo bays ama sal adag oo ay ka bilaabaan shaqada ka diba
waxa la saaray Lakab culus oo aad u qara weyn, tayo ahaana heerkiisu
aad u sarreeyo (High Stander Layer), lakabkaasi oo dhammaa 6cm.
muddo saddex Bilood ah oo aan kala joogsi lahayn ayuu qaatay
dhismaha Lakabkaasi. Muddo kadib waxa Run-wayga laga hirgeliyey
lakabka labaad oo isna laga dhigay 4cm oo isna aad kor ugu qaaday
dhererkii iyo dhumucdii dhismaha Run-wayga iyada oo sidoo kale
Wasaaraddu isla maalmahaasi dhamays tirtay goobta Diyaaraddu is
taagto (Parking) iyo edegga kale ee diyaaraduhu ka baxaan markay soo
degaan oo iyagana la dhisay lana saaray laba lakab oo dhumuc weyn.
Dhammaan labadaasi dhisme, hore Run-waygu uma lahayn halka isla
qaybtaasi Mashruucan laga hirgeliyey in madaarka lagu soo wareejiyo
Xayn-daabka Amni ee Madaarka (Security Fence) oo qaybtiisii hore la
dhammays tiray maalmahaasi, kaasi oo dherer ahaan dhammaa 8KM. Waxa
xusid mudan in Xayndaabka Madaarka tayadiisa aad loo wanaajiyey.
Xayndaabka ayaa ah mid ka kooban Tiirar Sabbad ah oo leh sibidh aad
u qaro weyn iyo waayirro aad u adag. Tiirarka xayndaabka ayaa
dhere rkoodu yahay Laba Mitir iyo Badh, ahna mid aad u dhumuc weyn
iyo waayirro aad u culus. Dhamays-tirka xayn-daabku waxa ay keentay
in xaaladda Amni ee Madaarku noqoto mid la isku hallayn karo.
Qiimaynta dawladda Kuweyt Ku samaysay wajiga koowaad ee Mashruucan
ayaa natiijadeedii waxa ay noqotay mid aad u wanaagsan oo ay ku
qanceen, taasi oo ku dhiiri-gelisay in masuuliyiinta dalkaasi Kuwait
ku dhiirradaan in ay sii wadaan waji labaad oo maal-gelineed taasi
oo Wasiirka Duulistu mar kale ka midho dhaliyey. Maxamuud Xaashi
Cabdi, Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu digreeto ku soo saaray
bishii 9aad ee sannadkii 2013 in Madaarka Hargeysi furan yahay,
inkasta oo Madaarka Madaxweynuhu furitaankisa Xadhiga ka jaray
17-kii Bishii ka horraysay ee siddeedaad 2013. Markii madaarku si
rasmi ah u furmay waxa markiiba ka hawl galay shirkadaha diyaaradaha
Daallo, Jubba Airways, Ethiopian Airline iyo African Express oo
diyaarado waaweyn keenay.
La Soco.
Xigasho: Wargeysa Foore
|