HORUMAR+ WADANIYAD+ ISBEDELKA MUUQDA EE GOBOLKA TOGDHEER KU TALAABSADAY

 


Burco (TNN)-Magaaladani Burco , oo ah xarunta labaad ee dalkani somaliland, ahna goobtii u horays ay ee laga tagay calanka uu ku faanaayo dalkani somaliland , ayaa waxaa ka muuqday dayac xoogan oo uu ka dhiidhiyaayo ruux kasta oo ka damqada dhibaatada somaliland.

Markaad eegto dhinaca laamiyada ee magaaladani Burco, ayaa waxaa arkaysaa cidhiidhi balaadhan oo haysta guud ahaan jidadka magaalada,  oo uu ka muuqdo cidhiidhi xad-dhaaf ah iyo guryaha shar ci darada looga dhistay,  oo buux dhaafiyay guud ahaan jidadka magaalada.

Goobaha dadwaynaha oo aan amnigodu sugnayn ,cid kastana u halis ahaa sida Cusbitaalka Guud ee Gobolka , oo ahaayd goob laf dhabar u ah Gobolka, se ay cid kastaa ku samayn karto waxay doonto maxaa yeelay waxaan jirin kaantarool buuxa oo lagu hayo cida soo galaysa iyo cida kabaxaysa.

Lacagtii uu keligii Taliye Maxamed Siyad Barre,  kaga tagay dalka ka dib markay mujaahidiintii SNM ay ka caydhsadeen dalka ,oo weli kasii muuqta Gobolka Tog-dheer ,taasoo dhibaato ba'an ku haysay gu ud ahaan bulshada reer Burco.Waxaana ay lacagtani wadatay xasuustii xukunkii ba' naa ee uu umada reer Somaliland ku hayay Siyaad Barre.

Haddab dawladan uu gadh wadeenka kayahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo , maxay ka bede shay Gobolka Togdheer mudadii koobnayd ee uu xilka haystay.

Waxaa xusid mudan ka bedelida lacagtii Giimbaarta ahayd ee Maxdaxwayne Axmed Maxamed Maxam uud Siilanyo ku guulaystay in uu ka bedelo umada reer Burco iyo guud ahaan Gobolka Togdhee,dhisidii lamiyada saddexda ah ee ka gudba magaalada halbowlana u noqday suuqa magaalada ,waxaase xusi d iyaduna mudan in ay Dawladii Riyaale ay bilowday laamiyada dhismahooda, se waxaa maanta dhisi da laamiyadan iska leh Maayirka Gobolka Togdheer.

Sugida amaanka cusbitaalka Guud ee Burco, oo loo sameeyay wakhti xadidan oo ay ku soo booqdaan dadku bukaan jiifka ku sugan cusbitaalka ,waxaa kale oo oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka qalab lagu badho dadka soo booqanaaya bukaan jiifka , oo sheegaaya waxkasta oo uu qofku sito oo ka samays an bir.

Waxaa iyana marnaba la halmaami karin , guulaha ay soo hoyeen Gudida Ladagaalanka Musuq maasu qa , oo ahaa gudi la socday,  lana dhashay Xukuumada Madaxwaynaha haatan talada dalka haya ee Siilanyo .Gudidaasi oo guulo wax ku oola ka soo hooyay Gobolka Togdher,  iyaga oo fashiliyay xubno ka mida madaxda degmada Burco oo ay xabsiga u taxaaben kuwaasi oo lagu eedeeyay lunsi xoolo da dwayne oo u adeegsaden mansabkooda ay dawlada ka leeyihin

Si kastaba ha ahaatee , Gobolkan Togdheer ayaa waxaa uu awalkii hore u muuqday goob aan u qalm in caasimad ku xigeen, se wakhtigan ayaa waxaad moodaa in ay sare u dhaaftay caasimad markad aragto hawlaha ka socda Gobolka iyo fahanka umada reer Togdheer , kuwaasi oo si wayn ugu bislaa day dawlad nimada jeclaanshaha horumarka
 

 



Weriye , Hanad Guray Baqaye
hanad080@hotmail.com
Xafiiska Shabakada wararka ee Timacadenews
Burco , Gobolka Tog-dheer