Horta waa yaabe walaweyntu ma mara-booba

 



Sunaha Dawladnimo wuxuu farayaa madaxda qaranku inay meel kasta oo ay ku jirto danta

qaranku tagaan, waana hawshii ay u hayeen ummada.Hadii madaxdu ayna dhaq-dhaqaaqin

oo meeshii dantu gashaba ayna ka daba gelin, lana yidhaahdo shir dawlada aynu jaarka nahay

ee Somalia ay joogto yaan la is agtaan. Waxaa qabaa in taasi macnaheedu yahay inaynu inagu

geed isku xidheyno.Waayo dad aynu ka dawlad-sanahay oo ka horeyno in dantiina uga joogna

waa ila khaldan tahay.


Tan kale waxay arrintasi muujineysa inaynaan ku kalsooneyn madaxdiina , mana haboona in madaxda sida dacawo-sheegta looga daba qayliyo. Bal waa iga suaale madax aan kalosoonidii dadkiisa haysani siduu rag iskaga celin.Canaan ka yaab xoolo ma doojiyo.


Waxaan qaba in Somaliland ka gudubtay wakhti looga baqo in cadaw wax yeeli karo, dhinac kasta

xaga bis-laanshaha shicibka, xag military, iyo Madaxweynaha maanta jooga oo ah nin qof-welba uga lexe-jecla badan. Shirarka Maal-gashi hadii aynu qayb-galno oo dantiina ka sheegano, aduunyadana u sheegno xaalada wadankeena iyo in la maa-gashan karo maxaa diidaya? Dawladu ma dayrkii makay gubtay. Ilayn welaweyntu dadka ma cunte.


Waxaa xusid mudan in shirkii London ee Somalia dhaqaalaha loogu uruurinyey ay Xukumda

Somaliland qaadacday ka qayb galkiisa. Xukuumda Somaliland waxay qaaday talaabadii ku habooneyd. Arrintaasi waxay markhati u tahay sida madaxdiinu ugu soo jeedaan qadiyadeena. Erayada madaxdiina mar-welba inoo sheegan waa inaynu aamina kuwaasi oo ah Somaliland waa muqadas iyo waa lama taabtaan.



Waxaan ku soo af-meeraya siyaasada madaxdii aan u ig-maney ha loo daba fadhiiso, ilayn wada sidaasi noqonmeyne.


 

 


Maxamed Yuusuf Buux


Holland.