Holland oo milatarigii hawl-gabka ahaa u hubaysay la dagaalanka budhcad badeedka Soomaaliyeed!
 

 

Holland: Barnaamij ka danbeeya warka aroorta hore ka baxa Tv ka mid ah Tv-yada dalka Holland , oo magaciisa la yidhaa '' aroor wanaagsan '' ayaa saaka qayb wayn barnaamijkiisa ku soo qaatay budhcad badeedka Soomaalida, iyaga oo soo fadhiisiyay madasha nin xil sare ka haya dawlada oo ka waraysaty budhcad badeedka Soomaalida iyo sida ay Dawlada Nederland iyo Yurubiyaanka kaleba ka yeelayaan caabintooda.

Waxa uu ninkaasi u sheegay Tv-ga in hada ay Midawga Yurub ka go' an tahay inay dagaal dhab ah la galaan budhcad badeedka ka ugaadhsada bada ku xeeran dalka Somaliya iyo waliba meela kale oo ku dhaw dalka Yaman,waxa uu intaasi ku sii daray ninkaasi in badhcad badeedan Soomaaliyeed noqotay mid aan indhaha laga qarsan karin oo dhib wayn ku haysa maraakiibta iyo doonyaha bada gooshaya, isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi, inkasta oo ay horeba dawlada dalkan Holland ugu dirtay marakab Dagaal oo magaciisa la yidhaa ( de Ruiter) oo uu raashinka mucaawanada ah ee dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed loo wado sii galbiya oo gaashaan u yahay, hadana waxa ay dawlada Nederland ka qayb qaadanaysaa hawshan kale ee la dagaalanka budhcad badeedka ah ee ay Yurubta iyo Maraaykanka iyo weliba Caalamka kaleba wadaan, iyada oo dawladeenu ( Nederland ) ciidamadii Hawl-gabka ahaa ee Milatariga dib u hawlgalin doonta , si ay uga qayb qaataan hawshan.

In laga nadiifiyo bada budh-cad-badeedkan ayaa haboon, oo weliba hadii ay kalifto lagula dagaalamo bad iyo beriba, sida inta badan la yeelo marka lala dagaalamayo budhcad-badeedyada jaadkanoo kale ah ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisii ninkaasi.

 

 


Cali Cumar Xasan

longlivesomaliland
News Media
Holland Office