Hogaanka
Sare Ee Kulmiye Oo Si Weyn U Dhaliilay Siyaasada Arrimaha Gudaha Ee
Xukuumada Siillaanyo

Hargeysa, November 30, 2010 (TNN) - Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga
talada haya ee KULMIYE ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha
gudaha ee xukuumada madaxweyne Siillaanyo ay dalka ku hogaa minayso,
isla markaana ay ku tilmaameen hadalkii wasiirka arrimaha guduhu Dr.
Maxamed Cabdi Gaboo se kaga hadlay waftiga
Puntland ee socdaalka ku jooga
Buuhoodle aanu ahayn mid ka turjumayay
goni isutaaga madaxbanaanida Somaliland iyo barnaamijkoodii
xisbiga KULMIYE lagu soo doortay.
Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay kiiska
dhaqan xumada ah ee loo haysto ninka u dhashay dalka Jarmalka iyo
arrimaha ku saabsan Sheekh Aadan Siiro.Sidaana waxay ku sheege en
shir jaraa’id ay wada jir ugu qabteen xarunta xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye ku xigeenka labaad C/raxmaan C/qaadir Faarax, guddoomiye
ku xigeenka saddexaad C/ r amaan Maxamed Talyanle, xoghayaha guud
Kayse Xasan Cige, guddoomiyaha garabka haweenka Can ab Cumar
Ileeye.
Masuuliyiintan waxa ay sheegeen in dalka ay ka dhaceen xad gudubyo
baahsan iyo hadalo is burinaya oo ka soo yeedheeyey masuuliyiinta
qaranka hogaamiya, mudadii gaabnayd ee ay xukumada cusubi ji rtay.
Arimahaas oo ay ku sheegeen in ay ku soo beegmeen wakhti la filayey
in xukumada cusubi la tim aado wax qab muuqda oo ku salaysan
siyaasad cad ee ay tahay in qaranka lagu hogaamiyo, iyadoo la
fulinayo ballanqaadkii uu Xisbiga KULMIYE galay wakhtigii lagu jiray
ololaha doorashadii madaxtooyada.
Masuuliyiintan Xisbiga tallada haya ee KULMIYE waxa ay hoosta ka
xariiqeen xad gudubyo ay ka mid yi hiin dad jidh dil loo geystay,
suxufiyiin xadhig lagula kacay iyo caga juglayn loo geystay iyo
hanjabaado ka dhan ah qaar ka mida culimada waa -weyn ee dalka.
Madaxdani waxa ay sheegeen in xisbiga KULMIYE uu si cad uga soo
horjeedo xadgudubyada foosha xun ee ay ku kaceen qaar ka mid ah
masuuliyiinta xukumada cusub, iyagoo u soo jeediyey Madaxweyne Si
ilaanyo si deg deg ah raali gelin uga bixiyo tacadiyada ka dhanka ah
xuquuqda aadamaha mudadii ay ji rtay xukumadiisu.
Sidoo kale masuuliyiintani waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen
dadaalada nabad raadinta ee ka socda Gobolka Buuhoodle ee lagu
heshiisiinayo labada beelood ee walaal ah ee dhawaan dagaalku ku
dhexm aray deegaanka Kal-shaale. Iyagoo rajo fiican ka muujiyey in
xal nabadeed oo kama dambays ah lagu soo afjaro colaada labada
beelood ee walaalaha ah.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE C/raxmaan
C/qaadir Faarax oo ka hadlaya shirkaasina waxa ka mid ahaa
hadaladiisii “ Yeelimayno in sharci aan
ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee
hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo dabigaa uu galay,
maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay.”
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan
Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay in hogaanka xisbigooda ay ka soo
horjeedo in la marin habaabiyo ama been loo sheego dadweynihii soo
doortay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi “Annagu hadii aanu
nahay hogaanka xisbiga KULMIYE ma doonayno inaanu marin habaabino
shacbigii na soo doortay, waana in si daacad ah xukumadu ugu
shaqayso.”
Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga
Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaa dir Faarax xadhig la sheegay in
xukumadu la damacsan tahay Sh Aadan X Maxamuud (Aadan Siiro), ka
asoo uu ku tilmaamay inuu xadhig sharci daro ah yahay, isla markaana
aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taalla. Iyadoo aanay jirin wax
dambi ah oo uu sheekhu galay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu
yidhi Guddoomiyuhu “ Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in
lagu xidho Sh. Aadan Siiro, ani gu waaban la yaabay markii aan
maqlay arintaas Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni
isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sheegay inay sida ugu
dhakhsaha badan ay arintan uga la xidhiidhayaan Wasiirka Arimaha
Gudaha iyo Madaxweyne Siillaanyo marka uu dalka ku soo laabto, isa
goo arintaas ka hadlayna waxaa uu yidhi “Arintan waxaanu kala
xidhiidhaynaa Wasiirka la sheegay in uu amarka bixiyey Sheekha iyo
Madaxweynaha marka uu dalka ku soo laabto.”
Source:Haatuf
|