Hogaanka Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyey Hawl Galkii Ay Ku Soo
Qabteen Masuuliyiintii Lagu Eedeeyey Musuqmaasuqa.

“Laba hawl gal ayaanu samaynay....."Hogaanka Saadka Ciidanka
Booliska..... Daawo Sawiradda
Hargeysa (TNN)– Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay
raashinkii loogu ta llo-galay dadka danyarta ah ee ee la
musuqmaasuqay, isla-markaana masuuliyada lunsigiis a loo xidhay
saddexda masuul ee xilka laga qaaday, isla markaana kala ahaa
Badhasaabkii Gobolka Maroodi Jeex.
Taliska Ciidamada Booliska ayaa faahfaahin kaga bixiyey shir
jaraa’id oo ay maanta ku qabt een xarunta Taliskaasi, iyaga oo
tilmaamay habkii ay Raashinkaasi uga rareen bakhaarkii lagu rogtay
oo ku yaalay Suuqa Gobonimo ee Xaafada Idaacada ee Magaalada
Hargeysa.
Hogaanka Boolisku waxay tilmaameen raashinkaasi in laga raro
bakhaarkii la dhigay uu amr ay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), una sh eegay inay ka
masuul yihiin badhasaabka Hargeysa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda
dib-dejinta iyo la taliyaha Madaxwayne ku xigeenka dalka, iyagga oo
intaasi ku daray in aanay filayn in wax dhibaato ahi ku timaado,
maadaama oo ay masuul ka ahaayeen saddexda mas uul ee hadda lunsiga
raashinkaasi u xidhan .
Taliyuhu waxa uu ii sheegay in Madaxwayne ku xigeenku la soo hadlay,
amrayna in raashin yaala bakhaar Idaacada ah laga soo raro, waxa
kale oo uu taliyuhu intaasi raaciyey in raas hinkaasi ay masuul ka
yihiin badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii guud ee wasa
aradda dib-u-dejinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka,
halkaana gaadiid la keeni doo no, waxaanu tilmaamay in Bakhaarkaasi
ay ilaalinayeen shan askari, Hogaanka oo arintaasi ka hadlayaana
waxa uu yidhi “Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amar igu siiyay inaan
bakhaarka taggo ciidankana aan kordhisto, gaadiidka bakhaarka kuugu
imanaya raashinka saar oo amba-bixi, aniguna amarkii waan fuliyey oo
goobtii deg-deg ayaan u tagay, waxa an la hadlay hawl fulinta qaybta
bariga Yaasiin, waxaan ku idhi shan askari iyo adiguba ii kaalaya,
markiiba way ii yimaadeen, waxaan isku darsaday shantii askari ee
sii joogay iyo shantii kale, meeshu maadaama oo ay ku dhex taalo
Sariibada idaacadda waxaad mooday say inay dadku sii ogaayeen in
meesha raashin laga rarayo, isku weer ayaanu ka qabanay, waxa noo
yimid saddex gaadhi oo ay la socdeen laba nin oo midkood oo aanu la
hadalnay nagu yidhi waxaanu nahay ragga raashinka tirsanaya ee la
wareegaya, midna yahay ninka bakhaarada alaabta lagu rogay haystay,
markaa ka dib waxaan amar ku bixiyay in bakhaa rka la furo
raashinkana la raro, markii laba gaadhi la raray ayaa saxmadii dadku
nagu soo kordhay, waxaan amray in labada gaadhi shiraaca loo xidho
oo la dhaqaajiyo, waxaanan ku daray laba askari oo dadka dhaafiya,
aniga oo u arkayey in marka saxmada dadka la dhaaf iyo aanay wax
dhibaato oo kale ku imanayn maadaama oo niman masuuliyiin ah oo sar
sare oo heer amar Madaxwayne ku xigeen haysta ay masuul ka yihiin”
sidaa waxa yidhi Maxam ed Xaaji Nuur oo ahaa sarkaalkii taliye ku
xigeenka boolisku u xil-saaray inuu raashinkaasi ka raro bakhaarka
idaacadda ee hadda dacwadiisu socoto, waxaanu intaa ku daray in wa
khtigaasi oo ahayd saqdii dhexe uu la soo hadlay agaasimihii xilka
laga qaaday ee dib-u-dejintu isla-markaana u sheegay inuu raashinka
bakhaarka ka wadda raro “Markii gaadhigii saddexaad rarku ku socdo
ayaa waxa Mobile ii dhiibay ninkii bakhaarka masuulka ka ahaa ee
furaha hayey, Mobile-kii ayaan ka qaaday waanan la hadlay, waxaanu
igu yidhi waxa kula hadlaya Agaasimihii dib-u-dejinta, waxaanu igu
yidhi amar Madaxwayne raashinka me esha yaala ka wada rar ayuu igu
yidhi, aniguna waxaan ku idhi suurto-gal maaha, sababta oo ah
saxmada dadka awgeed, waana afartii habeenimo oo Daakiraadii wattaa
baxaysa, waxaanuna ka baqaynaa in boob lanagu qaado, markaa ka dib
ayuu igu kaa aad hadda ra reysaan uun buuxiya, waanuna buuxinay,
waxaanan hawl-fulinta bariga Yaasiin ku idhi shi raaca u xidh,
hawshaana waxaanu bilownay 1:00 habeenimo waxayna naga dhamaatay i
laa 4:30 oo dhowdhow”
Hogaanka Saadka ciidamada booliska Somaliland Maxamed Baaruud Jaamac
oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay in laba jeer raashinka laga
raray bakhaarka idaacadda “Laba hawl gal ayaanu samaynay, raashinkan
oo aanu hadhcad gurney dadwaynaha ayaa gacan na siinayey, mana jirin
cid noo dhaxaysay anaga iyo taliyaha oo masuuliyiinta dawlada ah, ta
liyuhuna amar ayuu I siinayay oo halka uu wax dhig yidhaahdo ayaan
dhigayey halka uu ka rar yidhaahdana waan ka rarayey, markaa
hawl-galkaasi wuu guulaystay, laakiin hawl-galka kale ee sidqadayna
waa mid gacmo kale soo galeen, markaa waxaanu qabnaa inaanu
hawshayadii ciidannimo aanu ka gudanay, xukuumadduna waajibaadkeedii
ay ka gudatay” ayuu yidhi hogaanka Saadka Ciidamada booliska.
Taliye ku xigeenka ciidamada booliska, ahna ku simaha jananka
booliska Mr Cabdiraxmaan Maxamed Liibaan (Fooxle), oo isna ka hadlay
shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarun ta taliska ayaa sheegay
in Madaxwayne ku xigeenku u xil-saaray soo rarida raashinkaasi
“Raashinka idaacada laga raray laba jeer ayaa la raray, Madaxwayne
ku xigeenku anaga ayuu noo xil-saaray” ayuu yidhi.
Hadalka masuuliyiinta ciidamada booliska ee la xidhiidha hawl-galka
ay raashinkan muranku ka taagan yahay kaga rareen bakhaarka
idaacadda ayaa u muuqda mid iska hor-imanaya, marka aad isbarbar
dhigto hadalka hogaanka saadka booliska iyo sarkaalka saqda dhexe ka
raray raashinkaasi bakhaarka Idaacadda, oo midkood sheegayo inay
wakhti habeeno ah rareen raashinkaasi, khatarna ku sigteen in
raashinka lagaga boobo, halka masuulka kalen a uu sheegayo inay hadh-cad
ka rareen isla-markaana dadku gacan siiyeen.
C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|