Hogaamiyaha Nabad-Diidka Buhoodle Xagla Toosiye Oo Maxkamadi Kaga Socoto Maraykanka Iyo Koox Dhaqaale Uga Ururinaysay UK Oo Ciidamada Sirdoonka Ingiriisku Xabsiga U Taxaabeen

 


 

Hargeysa, March 27, 2011 (TNN) – Hogaamiyaha Maleeshiyada Nabadiidka Buuhoodle Saleebaan Xagla-Toosiye ayaa la sheegay in Maxkamadi kaga socoto magaalada Minisota ee dalka Maraykanka, kaas oo lagu eedaynayo inuu kooxaha Argagixisada ku lug-leeyahay, lana sheegay in loo saaray, Xubno Xeer-beetiya oo dacwadiisa qaada.

Dawladda Maraykanka ayaa ku eedaysay Mr Xagla Toosiye, isagoo dhalasho Maraykan ah haysta inuu ku talaabsaday falal amaan daro ah oo uu ka abuuray Somaliland, gaar ahaana deegaanada Buhoodle ee saldhiga u ah Kooxda uu hogaamiyo ee lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Mayalka adag ee xagjirka ah ee ka dagaalama Somalia.

Mr Xagla Toosiye ayaa la sheegay in maxkamada dalka Maraykanku ay todobaadkii hore u saartay  xeer beegti garyaqaano ah oo Maxkamada Horteeda soo hordhiga cadaymaha loo hayo eedaha loo haysto, taas oo sharciga Maraykanku aanu ogolayn qof haysta dhalashada dalkaasi inuu fidmo amaandaro ah ka abuuro dal kale.

Dhinaca kale Koox dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalia, gaar ahaana deegaanada Majeerteeniya, Caab ud-waaq iyo Dhagax-Buur oo magaalada Bristol ee Ceriga Ingiriiska ku dhaqan ayaa todobaadkan ku  qa btay kulan ay Lacag ugu ururinayeen ururka Maleeshiyada nabadiidka Buuhoodle ee lagu tuhusan tahay inuu xidhiidh kooxaha Argagixisada ah, ayaa la sheegay in Ciidamada Sirdoonka UK ay saddex ka mid ah Xabsiga u taaxaabeen, kadib markii ay ku dhawaaqeen hadalo xasilooni daro ka abuuraya  degenaansha ha Somaliland iyo taageerada kaalmo ee dawladda Britain u fidisay Somaliland ayay ku sheegeen kooxd aasi in lagu xasuuqayo dadka ku dhaqan Sool iyo Buhoodle.

Kulankan ka dhacay Bristol ayaa la sheegay inay dhex fadhiyeen Saraakiil ka mid ah ciidamada Sirdoonka ee dharcada ah ee dalka Britain, kuwaas oo soo gudbiyey in xubnaha ay xabsiga u taxaabeen oo ka  koo ban saddex qof ay hadaladii ay ka jeediyeen goobtaasi ay ahaayeen kuwo xasilooni dari iyo amaan daro ka abuuraya Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada geeska Afrika, isla markaana ku eedeeyey in ka almada dhaqaale ee dawladda Britain ugu deeqday Somaliland in laga joojiyo, isla markaana dagaalo hor leh lagu qaado Somaliland si looga hortago Aqoonsi ay beesha Caalamku siiso, loogana mid dhigo amaan darada ka taagan Somalia.

 

Source: Haatuf