HOGAAMIYAAYASHA AFRIKA OO BEDELAY MAGACII IYO QAABKII MIDAWGA AFRIKA

 

Hogaamiyaasha Afrika ee shirku uga socdo dalka Liibiya magaalada Sirte  ay aa xalay gelinkii danbe isku raacey in la bedelo qaabka iyo muuqaalka uu  lah aa Ururka Midowga Afrika isla markaasna laga dhigo Xukuumadda Afrika, African Authority (AA)

In laga dhigo Midowga Afrika mid awood badan isla markaasna leh muuqaalka xukuumadeed waxaa ka danbeeyay Hogaamiyaha Kacdoonka Liibiya Mucamar Qadaafi.

Xukuumadda Afrika ee cusub ayaa awood u yeelanaysa Arimaha difaaca, Siyaasadda, iyo Ganacsiga Caalamiga ah.

Xukuumadda Afrika ayaa yeelan doonta Madaxweyne, ku xigeen iyo 10 xoghaye.

Heshiiska xalay la gaarey kadib dood dheer ayaa la sheegayaa in ay ka soo horjeedaan wadamo xoog iyo dhaqaale haysta waxaana ka mid ah Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.

Wadamadan ayaa wel wel ka qaba in Xukuumadda Cusub uu hogaamiyo Qadafi, maadaama aad loogu ya qaaney Qadaafi in uu gacanta la galo siyaasadaha wadamada Afrika oo dhan.

Midowga Afrika ayaa soo maray heerar kala gedisan markii hore waxa uu ahaa Organization of African Unity (OAU) waxaa la asaasey sanadkii 1963-dii ururka ayaa hawlaha ugu badan ee uu qaban jirey ay ahayd xoreynta wadamadii Afrika ee Gumeystaha gacanta ugu jirey.

Taariikhdu markey ahayd 9 July 2002 ayaa loo bedalay magaca ah African Union, waa hadda xubno ka ah 52 wadan waxaa laga eryey 4 wadan oo kala ah Muritaaniya, Guinea, Madagaskar iyo Ereteeriya oo iyadu isaga baxdey kadib markii Midowga Afrika ay ka codsadeen Qaramada Midoobey in cuno qabatny la saaro Ereteeriya, Wadanka keliya ee aan ka mid ahayn Midowga Afrika waa Marooko.

Inta badan wadamada Afrika ayaa waxaa ka dhexeeya siyaasado iska soo horjeeda, kuwaas oo isku haysta dhul iyo kheyraad, lamana garanayo qaabka uu ku hirgeli karo Xukuumadda Afrika ee Qadaafi gadaal ka riixayo
 

Togaherer