HINDISE AY LABA WASIIR( CAWIL&DUCALE) ULA TAGEEN DEEQ BIXIYAYAASHA OO AY GANAFKA KU SOO DHUFTEEN

 

Wakiilada wadamada Deeq-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera  ge e di-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee xaruntooda   mag aa lada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ganafka ku dhuftay hindise ay  wa siiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Riyaale la tageen magaalada Nairobi si ay deeq-bixiyeyaasha ugu soo qanciyaan inay ka dabciyaan shuruu daha ay hore ugu xidheen xukuumadda Rayaale inay fuliso ka hor inta aanay deeq-bixiyeyaashu sii deyn kharashka ay u  qoondee ye en inay ku bixiyaan doorashada Madaxtooyada ee Somaliland, isla  mark a ana aanay doorashadu dib uga dhicin wakhtigii loo cayimay.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal oo ku sugan Nairobi, wakiilada dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka ee ay ka midka yihiin wadamada UK, USA, Sweden, Norway, Demark iyo Midowga Yurub ayaa u sheegay wasiiro xukuumadda Rayaale ka socday oo dhawaan socdaal ku tegay magaalada Nairobi inaanay deeq-bixiyeyaasha waxba ka bedeli doonin shuruudihii ay hore ugu xidheen inay fuliso xukuumaddu  dhinace eda, si loo dhammaystiro qabyadda carqaladda ku ah  qabsoo mida  doora shooyinka Madaxtooyada, taas oo ay kow ka tahay in  xuk u umaddu ay bixiso saamiga kaga soo hagaagay xukuumadda Rayaale kharashka doorashada ku baxay oo dhan 25%, iyadoo ay deeq-bixiyeyaashu ugu dambayn u qabteen xukuumaddu inay kharashkaas ku shubto 21-ka bisha June 2009 oo ku beegan maanta.

Wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, Cawil Cali Ducaale iyo  Cabdi l laahi Maxamed Ducaale oo toddobaadkii hore socdaal ku tegay dalka Kenya ayaa la sheegay inay Deeq-bixiyeyaasha ula tageen hindise ay ku doonayaan inay deeq-bixiyeyaashu wax kaga bedelaan shuruudihii ay hore u soo bandhigeen, waxaanay wararka laga helay kulamadii ay wasiiradaasi la yeesheen wakiilada deeq-bixiyeyaashu tibaaxeen inay ka codsadeen deeq-bixiyeyaasha in xubnaha Komishanka doorashooyinku sidooda ahaa, balse la bedelo laba xubnood oo keliya, iyadoo ay deeq-bixiyeyaashu shuruudahoogii ay ka mid ahayd in xubnaha Komishanka lagu kaabo xubno dheeraad ah. Sidoo kale waxay wasiirada xukuumadda Rayaale ka dalbadeen wakiilada deeqbixiyeyaasha in shaqada Interpeace loo xilsaaray badh laga siiyo Komishanka, isla markaana loo ogolaado inay wax ku yeeshaan awoodaha kharash-bixinta.

Waxa kale oo ay wasiiradu codsadeen in deeq-bixiyeyaashu ka tanaasulaan qodob ka mid ahaa shuruudahoodii oo dhigayey in la dhiso guddi Xeer-beegti oo ka madax banaan Komishanka, kana gar-naqda cabashooyinka doorashooyinka ka soo baxa, taas oo ay wasiiradani ku tilmaameen inay dhismaha guddidani ka hor imanayso shuruucda dalka, sidaas darteed ay guddidu noqoto guddida kormeerka doorashooyinka ee ay komishanku magacaabo.

Tibaaxaha laga helay Nairobi ayaa sidoo kale sheegay inay wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibaddu wakiilada deeq-bixiyeyaasha u sheegeen in 25% kharashka doorashooyinka ee xukumadda laga sugayay ay shubi doonaan marka ay iyagu dib ugu laabtaan Somaliland. Taas oo u muuqata inay wasiiradani Nairobi tageen iyadoo aanay xukuumaddu waxba ka fulin shuruudihii ay deeq-bixiyeyaasha bil ka hor u soo bandhigeen, waxaanay ahayd in kharashka la sii shubo ka hor safarka wasiirada ee Nairobi haddii ay dhab ka tahay inay xukuumaddu diyaar u tahay inay bixiso saamiga kharashka ku soo hagaagay ee 25%.

Inkasta oo ay Mr. Cawil iyo Cabdillaahi Yare isticmaaleen xeelad kasta oo ay kaga dhaadhicin karaan deeq-bixiyeyaasha hindisaha ay la humbaaleeyeen Nairobi, haddana waxay wararku tibaaxeen inay ku hungoobeen, isla markaana ay wakiilada deeq-bixiyeyaasha wejiga kaga dhufteen qorshihii wasiiradu Nairobi la tageen.

Wararku waxay tibaaxeen in deeq-bixiyeyaashu u sheegeen wasiirada inaanay komishanka wakhtigan jira u arag mid wanaagsan, sidaas darteed loo baahan yahay in lagu xoojiyo xubno kale, iyagoo u soo bandhigay xubnaha wasiirada ah khaladaad badan oo dhacay oo ay Komishanku waxba ka qaban kari waayeen.

Wakiilada Deeq-bixiyeyaasha ayaa sidoo kale wasiirada u sheegay inuu hindisahoogani yahay mid aan loo dhamayn oo uu dhinac keliya ka yimid, sidaas darteed aanu noqon karin mid ay aqbali karaan.

Ugu dambayntiina waxay wakiilada Deeq-bixiyeyaashu u sheegeen wasiirada xukuumadda Riyaale inay dhawaan soo saari doonaan war ku saabsan tallaabooyinkan ugu dambeeyay ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka Somaliland, iyagoo ku tilmaamay hindisaha xukuumadda Riyaale inuu yahay mid loo isticmaalayo xirfad lagu doonayo in dib loogu riddo qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyada.

Si kasta ha ahaatee weji-gabaxa ay wasiiradani kala soo kulmeen  Nair obi, ayaa lagu tilmaamay mid ay masuuliyiintani ku dileen sumcadii  Som aliland ku dhex lahayd dalalka deeq-bixiyeyaasha ee gacanta ka geysta hawlaha dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka Somaliland, waxaanay tallaabadani noocan geyaysiin kartaa in wadamadii lacagta badan ku bixiyey hawlaha doorashooyinka Somaliland ay ka aamin baxaan suurta-galnimada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.
 


Haatuf