Heshiiskii la filayay in maanta la kala saxeexdo oo baaqday

Munaasibad la filayay in maanta lagu kala saxeexdo go'aamadii ay ergadu ka gaadhay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka ayaa baaqday.

Ma jiro war rasmi ah oo ay ergadu ka soo saartay sababta ay munaasibadaasi u baaqatay. Laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Rayaale ka gaws adaygay inuu saxeexo go'aamadaaas. Warku waxa uu sheegay inuu jiro qodob la xidhiidha muddo kordhin dambe oo xukuumadda loo sameeyo, kaas oo la sheegay in Madaxweynuhu ku tilmaamay mid qayral dastuuri ah oo aanu saxeexayn. Ergada dhexdhexaadinta ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa, waxaanay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu go'aamada saxeexo si uu heshiisku u hirgalo. Laakiin waxa la sheegay inaanay isku daygoodaas ka gaadhin wax guul ah.

Dhinaca kale xisbiyada Mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID oo hore u cadeeyay inay qodobada ergada taageersanyihiin ayaa diyaar u ah saxeexa heshiiskaas. Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay saxeexa heshiiskan uga soo guryo noqday safar gaaban oo uu ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta. Ergada dhexdhexaadinta ayaa la filayaa inay daboolka ka qaadaan waxyaabaha saxeexa heshiiskaas caqabadda ku ah. Xafladda la doonayay in lagu saxeexo heshiiskan, oo ah mid si weyn loo sugayay ayaa waxa la sheegay inay maalgelinayeen qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo iyaga laftoodu dhinacooda kaga jiray xallinta khilaafaadka siyaasadeed.

Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

www.geeska.net