Hees la yidhaa:hargaysaay ha liicin iyo maqaal aragtiya oo is dhex socda

 

magaalada hargaysa oo ah caasimada somaliland waxaa ku nool shacbi aad u badan waxay dad aad u fara badani is waydiinayaan in ay ogaadaan sababta qaraxan loola beegsaday maxaa yeelay waxaa degan hargaysa dhamaan shacabkii ka soo qaxay meelo fara badan oo geeska afrika ka mida gaar ahaan dadka aan walaalaha nahay ee soomaliya hadaba ayadoo sidaa hargaysa nabad loogu haysto oo ay tahay meelaha ugu amniga fiican maxay tahay dhibaatadan loo quudhay


1.hargaysaay ha liiciin
2.lurkiyo dhibaatada
3.ha dareemin lugooyada

miyay haboon tahay in maato aan waxba galabsan qarax la hoos dhigo ka dibna la is qarxiyo oo la galaafto dad isugu jira maato iyo caruur ninka asagu ismiidaamiyay ee naftiisa qaabkan u dilayaa ayaa runtii su,aali ka joogtaa ma maal aduun baa la siiyay ma mansab ayaa la siiyay oo kaba dhimay oo aakhiruu tagee halkuu maalka iyo mansabka ku isticmaalayaa maataduu laayay ilaahay ma ka dhaafayaa danbigooda ilayn waa xaaraan in dad la dilo ayagoon  danbi galin ama qof kale dilin


4.maatadoo la laayo
5,shaarica laguu wadho
6,luxudkaa ka magac roon
7.adoo iilka laasima

hadaba shacbiga soomaaliland miyuu aarsigu u banaan yahay
ma inay seexdaan oo iska ilaabaan wixii gaadhay ayaad ku talin lahayd  ma waxaad ku talin lahayd in maatada qaabkan loo dilo


8,nacasbaa lurkii dhibay
9.libin aan ka hibanoo
10.dhabarkiisu liicaa
11.liqa nabarka halista
12.looga heesaa banaan

waxa jira rag badan oo geesiyaala oo u dhashay somaliland kuwaas oo horena u halgamay imikana halgami doona ayagoon u dulqaadan karin in waxyeelo la soo gaadhsiiyo shacbiga somaliland
halyaygii mujaahidkii ibraahim kood buur ayaa ahaa ragii xornimadan u kifaaxay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee wuxuu ahaa nin wahashanaayay garabyadii kale ee mujaahidiinta snm ee u halgamay xornimada somaliland

maantana way jiraan rag badan oo u halgamayaa somaliland waxaana ka mida  madaxwaynaha mudane daahir riyaale iyo wasiirada dawlada iyo shacbiga somaliland oo midaysan


13.ledi waa nin geesiyi
14,isha libiqa u diid
15,leebkiyo falaadhaha
16.warmaha laabta sii
17.laga leexay dagalkii
 


sidaa iyo nabad galyo
wa bilaahi tawfiiq
 

 

 


siciid cabdi dheen

saed.dean@live.co.uk
london uk