Hayada Wadaniga ah Ee ODHA oo kaashaneysa madamatu dacwatu
alkhayriya oo Deeq Raashin Gaadhsiiyey Dadka Agoomaha Iyo Danyarta
ah Ee Kunool Berbera…
Waft balaadhan oo ay Horkacaysey Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee
ODHA Marw o Faadumo Siciid Ibraahim ayaa socdaal ku tagey Magaalada
Berbera.
Berbera (TNN)-Waftigan oo
kakoobnaa Odha Iyo Jimciyadda Khayriga ah Ee Madamatu Dacwatu
Alkhayriya ayaa socdaalkoogani ujeedadiisu waxay aheyd iney deeq
raashin ah gudoonsiyaan dadka Agoomaha iyo danyarta Ah ee kunool
xaafadaha Kalla Duwan Ee Magaalada Berbera.
Dankan Agoomaha Iyo Danayrta Ah Ee Deeqda rashinka ah lagudoonsiiyey
oo dhamaa 50 qoys ayaa waxaa uu qoys waliba uu hellayey tanag timir
ah,haaf sonkor,haaf bariis ah iyo haaf daqiiq ah.xaagad saliid.
Dadkan deeqda lagaadhsiiyey oo ay wajiyadooda kamuuqatey farxad
kadib markii deeqdan oo ay sheegen iney aad ugu baahnayeen lasoo
gaadhsiiyey .
Ugu Horey Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo
Siciid Ibraahim oo kahadashey goobtii raashinkaasi loogu qaybinaayey
dadkaasi ayaa ugu horey umahadnaqdey madamatu Dacwatu alkhayriya oo
iyadu deeqdan raashinka soo gaadhsiisey waxay sheegtey iney aad ugu
faraxsan tahey iney maanta dadkan Agoomaha iyo Danyarta iskujira
deeqdan soo gaadhsiiso.
Marwo Faadumo Siciid Waxay intaasi kudartey in maadama oolagu jiro
Bishii Ramadaan waliba 10kii ugu dambeeyey ee danbidhaafka iney
bulshadu ummadeeda inta baahan ay taageerto oo ay caawiyaan.
waxay bulshada somaliland ugu baaqdey Faadumo siciid iney caawiyaan
dhamaan dadkooda baahan ee kunool gobolada somaliland Alle Sxw ayaa
inoogu dambi dhaafayee.
Gabogabadii waxay Marwo faadumo Siciid Ibraahim ugu baaqdey Dhamaan
shacabka somaliland ee kunool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba iney
soo caawiayan dadkooga inta jilicda san meelkasta oo ay kaga
noolyihiin Somaliland.
Sidoo kalle waxaa iyana halkaasi kahadashey mid kamid ah dadkii
deeqdan lagudoonsiiyey oo sheegety ineya ad ugu faraxsan yihiin
deeqdan soo gaadhey ayna umahadnaqayaan Hayada wadinag ah Ee ODHA
iyo mudamtu dacwatu alkhayriya.waxaaney sheegetey iney ilaahey uga
baryeyso inuu miisaanka xasanaadka ugu daro ajarkaa ay kashaqeysteen...
Sidoo kale waxay Waftigu komreer kusoo mareen oo ay soo
indhoindheyeen xaafadah magaalada Berbera sida
jaamalaaye,Burcosheekh,Laynka boliiska. kuwaasi oo ay kusoo arkeen
qoysas inshoodu xuntahey oo ubaahan gargaar.
Ahmed Mohamed Shaqalle
Shaqalle02@hotmail.com
Hargeysa Somaliland
|