Hayada UNIDO Oo qalab Gudoonsiisey dhakhaatirta iyo Bukaan Jiifka Cusbitaalka TB Hargeysa.

 



Hayada Unido{ United Nations Industrial Development Organization }ayaa Maanta Qalab Gudoonsiisey Dhakhaatiirta iyo bukaan jiifka cisbitaalka TBda Ee Hargeysa.

 


Hargeysa (TNN)-Munaasibada Gudoonsiinta Qalabkani oo kadhacdey Hoolka shirarka ee Cis bitaalka TBda Hargeysa ayaa waxaa kasoo qayb galley Agaasimaga Guud Ee Wasaarada Caafimaad Somaliland Dr.Cabdi gurey,Eng Xasan Colaad Aadan Oo Program field coordina tor Hayada UNIDO,Sarkaal ka socdey Hayada UNDP.Dr JOHN Kiyaga,Masuul katirsan Hayada Wadaniga ah Ee Havoyoco Md.Maxamed Cumar{Qadaafi}.Dr.Osman oo ah Agaasimaha Cis bitaalka TBda Hargeysa.

Munaasibadani oo aheyd mid sibalaadhan loo soo abaabuley waxaa Ugu Horeyn hadal Koob an Kajeediyey Program field coordinator Hayada UNIDO.Eng Xasan Colaad Aadan waxaanu sheegey in Hawshani Ay Fududeysay Wadanka Japan oo isku taxaluujiyey iney Maalgeliso Mashrucuani.Waxaanu Kawarbixiyey Inuu Barnaamijka Hayada Unido uu Yahey Mid Waxtar Uleh Bulsho Weynta Iyadoo laga kabaayo xaga farsamada oo ay wada shaqey dhaw la leey ihiin HAVOYOCO,Iyada oo ay havoyoco leedahey Hirgellinta Hawshani.

Eng Colaad Waxaa uu xusey in hawshani ay leedahey Laba faaido Tan hore oo ah iney arde ydii wax lagu barey oo ay iyagu xirfadani ay abuureen,tan Labaadna ay tahey in qalabkan ay ardeydani soo saareen uu waxtar wayn uleeyahey Dhakhaatiirsta Iyo Bukaanjiifka Cus bitaalak TBda Hargeysa.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafmaadka Somaliland Dr.Cabdi Gurey oo Munaaibadaasi Ka Hadley ayaa Isaganu waxaa uu mahad naq balaadhan usoo jeediyey hayada UNIDO Ee suura galisey hawshani iyo hayocoyo oo uu ku timaamey iney yihiin Hayada Wadaniga ah ee Dhallinyarada wado ee ugu firfircoon .waxaa kale oo uu Umahad Celiyeey Dr. Cabdi Gur ey Wadanka Japan oo Unido Kataageeray Xaga Dhaqalaaha.

Dr.John Kiyaga oo ah Sarkaal katirsan Hayada UNDP ayaa sheegey in Hayada UNIDO ay ka mid tahey hayada UNta maataanan ay latahey UNDP.Waxaanu Ku Amaaney wax qabadka ay muujisey mudadii yareyd ee ay wadanka joogtey.Waxaa uu sidoo kale mahadnaq balaadhan uu usoo jeediyey Dawlada Somaliland .



Dr.Cusmaan Cabdi Maygaag oo ah Agaasimaha Cusbitaalak TBda Hargeysa oo Munaasibada asi kahadley ayaa umahad naqey Unido Iyo Havoyoco oo hawshani suura geliyey waxaanu xusey iney wax wayn katari doonto baahiyaha Cisbitaalak TBda. Hargeysa.


Md Maxamed Cumar{Qadaafi]Oo kamid ah Masuuliyiinta HAVOYOCO oo munaasibadaasi ka hadley ayaa Umahad celiyeye Hayada UNIDO isagoo xusey iney Tahey Hayada Wadanka Ku cusub intii yareyd ee ay wadanbka joogteyna Waxqabad wayn Sameysay,waxaa kale oo uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Ardeydii waxsoosaarkan laheyd kuan dhiirigeliyey iney dadaalka Halkaasi kasii wadaan.

Xidhiidhta Iyo Isku Dubaridka Hawshani waxaa qayb weyn kaqaatey Xidhiidhiyihii Barnaamij kan saaka Md.Carte Axmed Yusuf.

Isku Soo wada Duubo munaasibadani saaka ayaa aheyd mid si balaadhan loo soo ababau le y Iyadoo Hayada UNIDO oo kamdi ah hayadaha UNTA ay Somaliland Hawlaheeda Dhawanaa kabilaabeen islamarkaana Mudadii Yarreyd ee ay joogeen muujiyey Waxqabad Balaadhan..

This project was made possible through the generous contribution from the government of japan
 

 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland