Haweenka Somaliland ee Lixda Gobol oo Dalb aday in la Ansixiyo Gabadha KULMIYE u soo Xulay Komishanka

 

Hargeysa (Jam)- Haween-weynaha ku dhaqan lixda gobol ee Somaliland, a yaa si buuxda u taageeray gabadha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE u soo xulay Komishanka Doorashooyinka cusub, iyagoo Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Golaha Wakiillada-na ka dalbay in ay oggolaadaan xubinnimada haweenaydaas.

Baaq ka soo baxay shir muddo laba maalmood ah haween ka kala socda  lix da gobol ee dalka shalay lagu soo gunaanaday caasimadda Hargeysa, ayaa lagu sheegay in ay haween-weynaha Somaliland cod midaysan ku  taageer san yihiin gabadha xisbiga KULMIYE u magacaabay ka-mid-noqshada  xubna ha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ka codsaday hay’adaha ku shaqada leh ansixinta Komishanka inay oggolaadaan.

Baaqan oo ay soo saareen kooxda Haweenka Kulanka Codka Midaysan ee Somaliland (United Voice of Somaliland Women Caucus), kuna saxeexan  yih iin 26 xubnood oo ah guddiga midaynta dumarka lixda gobol, waxay uga  ma hadnaqeen Golaha Guurtida, beesha caalamka iyo axsaabta qaranka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u soo afjareen khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee dalka khatarta geliyey.

Waxa kaloo haween-weynaha Somaliland ka codsadeen Madaxweynaha iyo goleyaasha sharci-dejinta in ay abuuraan oo hirgeliyaan sharci dumarka u sahlaya ka qaybgalka talada dalka.

Baaqa haweenka Somaliland ku taageereen xubinta loo soo magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan:

“Annagoo ah haween ka socda lixda gobol ee dalka oo muddo laba maalmo od ah ku shirayey magaalada Hargeysa, haweenkaas oo ah Haweenka  Kul anka Codka Midaysan ee Somaliland (United Voice of Somaliland Women  Ca ucus), waxaannu mahadnaq u jeedinaynaa Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo mudanayaasha Golaha Guurtida oo dhan sidii quruxda badnayd ee ay u soo afjareen khilaafkii siyaasadeed ee dalka gilgilay.

Waxa kale oo aannu u mahadnaqynaa Madaxweynaha iyo saddexda xisbi qaran ee aqblay talo-soo-jeedinta beesha caalamka iyo go’aankii Golaha Guurtida. Waxa kaloo aannu u mahadnaqaynaa beesha caalamka ee  gaca nta ka geystay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee gilgilay Somaliland.

Waxaannu ka codsanaynaa Madaxweynaha iyo goleyaasha sharci-dejinta (Guurtida iyo Wakiillada) inay curiyaan, soo saaraan, isla markaana  fulint eeda hirgeliyaan sharci u sahlaya haweenka ka qaybgalka talada dalka sida xilalka doorasho, magacaabis xil jago fulineed (wasiirro iyo agaasimayaal) iyo guddiyo heer qaran amma gobol.

Haddii aannu nahay haween-weynaha Somaliland waxaannu cod midaysan ku taageeraynaa inanta ka mid noqonaysa Komishanka Doorashooyinka  Qa ranka, isla markaana waxaannu codsi u soo jeedinaynaa inay oggolaadaan, ansixiyaan hay’adaha khuseeya ansixinta Komishanka Doorashooyinka  Qa ranka, iyadoo la eegayo, isla markaana tixgelin gaar ahaaneed la siiyo  dur uufaha ku gedaaman haweenka Somaliland.

Sidaa darteed, waxaannu mar labaad ka codsanaynaa in la tixgeliyo codsig ayaga.”

Magacyada xubnaha saxeexay bayaankan:

..........................................................................................................................
Madaxweyne Rayaale, ayaa laba jeer dib u celiyey gabadha keliya ee loo  s oo xulay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee Komishanka  Doorashoo yin ka, balse xisbiga KULMIYE oo isagu soo magacaabay xubintaas ayaa markii saddexaad ka diiday codsiyada Madaxweynuhu kaga dalbay inay soo  bedd elaan.





Source: Jamhuuriya Online