Haweenka Somaliland ee Birmingham Oo Taageero Lacageed Gaadhsiiyey Dadkii ku wax yeeloobay Qaraxyadi

 

Haweenka Somaliland ee ku nool magaalada Birmingham ee wadanka UK, ayaa waxay si isxilqaan iyo wadaniyad leh ugu qaadhaameen tageero lacageed walaalahoodii ku tabaaloobay iyo qoysaskii ay sida tooska u taabatay waxyaaladii iyo burburkii ay gaysteen qaraxyadii cadowga ummadda Somaliland ay sida magasnimada iyo manaxaanimada ula beegsadeen dalka iyo dadka gaar ahaana caasimadda Hargeysa.

Haweenka Reer Birmingham ee wadaniyiinta ahi waxay lacag dhan $2175 ama laba kun boqol iyo shaniyo todobaatan doolar gaadhsiiyeen Guddida loo talagalay in ay arintaasi ka shaqayso, iyagoo si gaar ugu hagaajay macagaca Gudoomiyaha Guddida Sheekh Adan Siira Hargeysa Somaliland. Waxaanay haweenka Birmingham rajoweyn ka qabaan in taageeradoodu u gaadhi doonto si caddaalad iyo sinnaan ah dadkii waxyaalada gaarka ahi ka soo gaadhay masiibadii qaraxyada haddii Eebbe Idmo.

 

 

 


Allaa Mahadleh
Jaaliyadda Somaliland
Birmingham