Haween Weynaha Beesha Sacad Muuse Oo Taageere Laxaa dle U Muujiyey Shirkii Madaxdhaqmeedka Beeshoodu Dhawaan Iclaamisay

 



Filsan Xuseen Khaliif oo ku hadlaysay afka dhallinyarada Beesha Sacad muuse oo halka hadallo kooban


Hargeysa (TNN) - Qaar ka mid ah Haween-weynaha Beelaha Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse),ayaa maalintii shalay yeeshay kulan ballaadhan oo taageero u ah shirka Madax dhaqmeedka Beeshaasi dhawaan iclaamisay

Shirkan Haween-waynaha Beelaha Sacad Muuse Ku Yeesheen Magaaladda Hargeysa ayaa isagu shalay ku qabsoomay Huteel Mansoor, kaas oo ay iskugu yimaadeen badiba Badiba hormoodka Haweenka Beesha Sacad Muuse, islamarkaana ujeedadiisa koowaad ahayd jacaylka iyo taageera da ay Haweenku u hayaan in beeshoodu ay shir loo wada dhan yahay isugu timaado dhawaan. Sidoo kale Shirwaynahan oo ay ka hadleen Haween aad u tiro badan oo goobta ka muujiyey sida loogu baahan yahay in taageero la siiyo shirka Madaxdhaqmeedka ayaa sidoo kale lagu taagee ray Wada-hadaladii dhawaan Magaaladda Ankara ee xarunta dalka Turkiga ku dhexmaray Somal iland iyo Somalia. Ugu horayna Hooyo Sahra Cabdi Xoosh oo madashaas ka hadashay ayaa tilma antay inay muhiim tahay in taageero kal iyo laab ah la siiyo shirka Beesha ee dhawaan la qorshe eyey, iyadoo ku dheeraatay inaanay kulankoodan u jeedo kale ka lahayn, waxana Hadaladeedii ka mid ahaa “Waxanu maanta halkan isugu nimi inaanu taageerno fikirka fiican ee raggayagu keenay kaas oo ah in beeshu isugu timaado shir gaar u ah oo wanaagga iyo tawfiiqda Beesha lagaga Hadlayo, arrintaana waxaanu u nahay taageerayaal dhamaantayo”.

Marwo Malyuun Xaaji Maxamed oo iyaduna ka mid ahayd haweenkii goobta isugu yimi ayaa si cilmiyeysan u sheegtay inay kulankan u qabteen sidii ay u muujin lahaayeen in beeshu shirka soo socda gacmo furan ku soo dhawaynayso, waxana ay tidhi, “Waxa farxad noo ah Haddaanu nahay haweenka Beesha Sacad Muuse inaanu maanta halkan isugu nimi annaagoo muujinayna taageerada muuqata ee aan qarsoonayn ee aanu u hayno shirka beeshu dhawaan isugu imanayso, sidoo kale waxanu si aad ah ugu sheegaynaa cidkasta oo beesha ka mid ah inay shirkaas qaybtooda ka qaataan oo taageero dhinac walba ah siiyaan.”

Sidoo kale waxa ay marwo Malyuun hambalyo u dirtay Waftigii madaxweynaha ee dhawaan shirk a kaga qayb galay dalka Turkiga, waxana ay tidhi “Waxaanu dhamaantayo hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisii shirka guusha xambaarsan kaga qayb gal ay dalka Turkiga, waxana aanu leenahay guusha aad soo hoysay mid la mid ah ayaan kaaga raja ynaynaa inaad shirarka kalena ka keentid.”

Filsan Xuseen Khaliif oo ku hadlaysay afka dhallinyarada Beesha Sacad muuse oo halka hadallo kooban ka soo jeedisay ayaa tilmaantay inay guud ahaanba beesha Sacad muuse si niyad sami leh u taageerayaan inay shir isugu wada yimaaddaan, waxana ay sheegtay inay Haween iyo Ragba aad u soo dhaweynayaan inay beeshu shir danaheeda la xidhiidha isugu timaaddo.

Hooyo Hibo muxumed Xaaji Cabdilaahi oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay haweenka be eshu aamin san yihiin in shir beeshu isugu timaado taasina aanay wax dhibaato ah keeni doonin, balse ay isku soo dhawaansho iyo wada shaqayn hor leh beesha u horseedi doonto.

Kawsara Muxumed Warsame oo hadalo u badnaa soo dhawaynta shirka dhawaan beeshu qabsa nayso halkaa ka jeedisay, ayaa si aad ah u cabirtay dareenkeeda la xidhiidha muhiimada shirkaa iyo sida baahida loogu qabo in beeshu shirweyne ay u wada dhan tahay ku yeelato deegaanade eda Somaliland, waxana ay xustay inaanay u jeeddo kale oo aan ahayn taageerada shirka isugu iman.

Haween tiro badan oo iyagun goobtaa ka hadlay ayaa dhamaantood ku dheeraaday taageerada hiilka iyo Hoodaba leh ee ay u hayaan shirka beeshooda iskugu imanayso ee Madaxdhaqmeedka beeshu iclaamiyeen, kuwaas oo deedefeeyey wax ay ugu yeedheen inay wataan dad dano gaar ah leh oo damacsan in shirka beesha la Majaro-habaabiyo, waxaana ay si cad u sheegeen inay rajaynayaan, isalamarkaana ka shaqayanaan in shirku noqdo mid isku xidhka iyo wada jirka beesha wax weyn ka tara.

Shirkan Haween weynaha Beesha Sacad Muuse isugu yimaaddeen, ayaa waxa uu hor dhac u ya hay mid Madaxda dhaqanka ee beeshaasi dhawaan yeesheen oo u jeeddadiisu ahayd sidii dha maanba qaybaha kala duwan ee beesha loo ogaysiin lahaa shir ballaadhan oo dhawaan ay beeshu yeelan doonto.
 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland