Hargeysi ma ah
Muqdisho, sumad laba afalayna, cidna kama
geydo
Hadhow bay
dhurantaayow oo ma dhexjoogin tidhaa
Kacdoonkan dadweyne ee ka oogan Somaliland, waa mid ka duwan kii
nidaamkii Siyaad Barre lagaga hortagey. Kacdoonkii Siyaad Barre
lagaga hortagey wuxuu ahaa mid hubaysan, kani waa mid salmi ah.
Kacdoonkii Siyaad Barre lagaga hortage wuxuu ka bilaabmay
tuulooyinka iyo reer miyiga, waxaana hagayey Ururadii kala duwanaa
ee midba reer ku badn aa. Xaruntii Somaliya ee Muqdisho
xilkeedii way gabtay oo tuulooyinkii ay madaxda u ahayd umay hiilin.
Kacdoonkan immika waxaa hogaamin eysa Xarunta, Casimada
Somaliland oo gudaneysa xilkii ka saarnaa tuull ooyinka,
degmooyinka iyo Gobolada uu ka kooban yahay dalka ay Caa
simada iyo xarunta u tahay, waana sobobta uu mar qudha ugu baahay
dalkoo idil.
Kacdoonkii Siyaad Barre lagaga hortagey waxa sal iyo udub dhexaad u
ahaa qabyaaladda, kan waxaa sal u ah xusbinimo iyo difaaca distoorka
iyo sharciga dadka kala hagaya, ee nabada lagu faanayaa ku salaysan
tahay. Reer gaar loo eryanayaa ma jiro, reer gaar wax u eryanayaana
ma jiro.
Dadweynaha reer Hargeysa, siduu Maxamed Xaashi dhamac ku cashariyey,
ayay u dhaqmayaan oo, waxaan la isku ogeyn ninkii hoos ka Ukaan,
Aftidooda may haysto oo ansax ma ah wixiisu, ha ku daalin kaasi waa
habeen dumayey, ninkastoo is afuufa ninkasta oo anafaada, oo yidhaa
Anigay u igu gadhaana, Afweynaa laga diidey ee ha ogaado nin moogi.
Dawladdii Maxamed Siyaad Barre markii kacdoonkii dami waayey waxay
kala hortagtay Hub culus, umulo dooxnimo qabyaalad iyo qaybyow
xu kun.
Dawladdan Somalilandna, markay xusbigii ay ka soo jeedde ka
takhalus tay, waxay kala hortegeysaa Golayaashii sharciga in ay
surmooyin la tii gsato, kala burburiso, iska horkeento, oo
distoor iyo sharci la iska ilaa wo. Waxay Garaad moodey in ay
dhismayaashii Golayaasha mafaatiixd ooda urursato, si aan loo
shirin. Waxay moog tahay in aan dhismaya ashu xilka Xayuubinta
wadin ee ay wadeen dadkii la soo doortay ee nafleyda ahaa. Miyaanay
ogeyn in dooxa Hargeysa hadh cad lagu shiri karo.
Haddaba, dadweynahan waayo aragnimada dheer u leh dagaal iyo kala
qax, mucaarid xun iyo maamul xun oo lala kala saftaa, kacdoonkoodan
distuurka waafaqsan ma dhabaa, ma dhaleenteedbaa, ma xoor
gudha yaa, ma xabagbaa, ma dhamaystiran yahay , mise waa qabyo?
Siday aniga ila tahay ma cadda dhamaystirkiisu oo weli waa qabyo
maa daama aanay xalkay taageersan yhiin ku dhawaaqin. Waxaa keliya
oo cad in ay diidan yihiin in aan cidina ka weyneyn distoorka iyo
sharciga.
UDUB oo laga dareero oo Kulmiye amma UCID la galaa xal umma noqon
ismaandhaafka taagan. Ururada Mucaaridka ahi xal ma ah, oo xeer
dii dan baa jira, Distoorku wuxuu dhigayaa in aan kursigaa
hogaaminta fadhiisan nin aan la soo dooranini. UDUB-na xal ma ah oo
horaa duco loogala quustay, immikana taageerayaashiisii ayaa
kalsoonidii kala noq day. Sidaa daraadeed dadweynuhu
dareenkooda distuuriga ah waa in ay ku ladhaan xal distuuri ah oo
aan dadku isku khilaafin.
Waa in ay taageeraan ciddii xaq u siinayo in doorasho xor ah oo
xalaal ah dalka gaadhsiiso. Distuurka badhna ma difaaci kartid
badhna ma daadufeen kartid.
Waxaan ula dan leeyahay Guurtida ayaa xal distuuriya ah ee ha
dhayal sa nina. Markaan waa in dadweynuhu hogaamiyayaashii taa ka
dalbad aan. Guurtida muddo aan aad u dheerayn aadna u gaabnayn oo ku
dha maystiraan maamulka dalka iyo doorashada, ha loo qoondeeyo,
iyaduna ha ogaato in ay ku meel gaadh tahay.
Guurtidu waxay hore ugu heshiisey oo ugu dhawaaqday oo uunka
maqa shiisa in aanay muddo kordhin danbe loo samayneyn maamulka
haatan jira. Way u digtey maamulka Madaxweyne Riyaale iyaga oo ku
dhiirinaya in uu doorashada qabto. Waxaa kale oo ay dhawaan soo
saareen in ay dhinacyada ishaya dhex ka ahaadaan oo aanay la kala
safan. Xubnaha Guurtida ee Hadda u ololaynayaa muddo kordhinto,
waxay khilaafsan yihiin xeerkii iyo heshiisyadii u yaaley guurtida.
Waa samad laba aflayn la doonayo in dadweynaha lagu carqaladeeyo.
Ugu danbayn, haddii hogaamiyaasha mucaaridka dadweynaha ku soo ja
bay meel ugu jahayn waayaan iyagaa Axdigii iyo aaminkii furaya, oo
ku rsigu hogaamintu danta ummadda iyo qarankaba kala weyn yahay.
Dawladdu iyadu hore ayay axdigii
iyo aaminkiiba u furtay, saansaanta ay leedahay, waxaad moodaa in ay
isku halaynayso duul axmaara ah oo
gurmad ka dal banayso, taasina waxay horseed u noqonaysaa in ay Al-shabaab
isa dadweynaha dhexdiisa ka xuubsiibato.
Axmaar la aragyaa ba, Al-shabaabna la arag.
Haddaba dadweynow talaabooyinka
aad qaadayso aad ugu baaraan deg marxalad adag ayaa lagu jiraaye.
Hamud Duale
|