Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo Somaliland lagag dhawaaqay

 



Marka hore waxa aan ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto leeyahay Ramadaan Kariim. Bishan bisheedana ku gaadha badhaadhe iyo barwaaqo.

Intaasi ka dib, waxa farxad weyn ii ah anigga oo ah Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne) ,oo ah Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, in maanta oo ah Arba ca, 10 July, 2013,ku dhawaaqno oo shaacino jiritaanka Golahan cusub iyo baahiyhii keenay abuurit aankeeda iyo ujeedooyinkeeda,ka dibna markii aanu aragnay:



1. Xalaada guud ee dalku maraayo

2. Gooni isu taagii iyo qadayadii madax banaanida Somaliland oo mad madow la geliyay, isla markaas na dalkii go'doon laga geliyay beesha caalamka.

3. Balan qaadyadii ay xukuumadda ku gashay xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda ee 2010 oo aan intoodii badnayd la fulin ama la hirgelin.

4. Eexdii, qabyaaladdii, musuqmaasuqii iyo hantiboobkii oo maraaya meel aan hore loo arag abid.

5. Hantidii ummada iyo awoodii dowladnimo oo loo isticmaalaayo in lagu furfuro laguna kala qeybiyo midnimadda shacabka SomalilandL laguna cabudhiyo saxaafadda madaxabanaan iyo Xisbiyaddii qara nka.

6. Taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman , oo dano gaar ah leh oo runtii aan dalka iyo dadka toona midna u tudheynin.

7. Sida ay isku-milmeen xukuumaddii, golayashaashii sharci dejinta, iyo garsoorkii qaranka halkaas oo ay ku luntay isku-dheelitirkii awoodeed ee dalka

8. Aragnay wax ka qabasho la'aanta cabashooyinka beelaha iyo weliba isku-dhacyadda dhexmara.

9. Niyad jabka, shaqo la'aanta, quusta, rajo xumada, iyo tahriibta ku habsatay ummadii SL guud aha ana, gaar ahaana dhallinyaraddii lafdhabarka u ahayd dalkan.

10. Sida Dastuurkii iyo shuruucdii dalkani lahaa loogu tumanaayo.

11. Wadatashigii & isku tanaasulkii ay Somaliland ku soo caano maashay intii ay jirtay oo loo bedel ay in aan la isku joojin.
 
12. Beelihii darafyadda oo ka maqan dha dhaaradii taladda dalka iyo awood qeybsigii.

13. Caadaalad daradii oo si weyn ugu baahday dhamaan dalkii oo dhan iyo go'aanadii maxkamadaha oo aan la fuluneynin.

14. Ilihii dhaqaale ama dakhliga sida Dekadda, Haamaha shidaalka, Macjarkii , Hey'adii wadooyinka, Dayactirka (levy), lacagtii gurmadka, 2% loo qoondeeyay horumarka goboladda bariga oo si toos loo hoos geeyay Madaxtooyadda iyada oo dano gaar ah loo isticmaalo.

15. Dhaqaalaha ka soo gala dalka kheyraadka dabeeciga ah sida shidaadlka, macdanta, kalluunka,iw m. oo si gaar ah loogu takri falaayo heshiisyadoodana aan la soo marin baarlamaanka

16. Dhimashadii , dhaawicii , dildilaaci , riiqdii , qeybsanaatii, qabyaaladii ay inaga tagtay doorashadii golaha degaanka (28/11/2012) ee xukuumada SL musuq maasuqday.


Haddaba, isku soo wada duuboo markii aanu araganay in dalka halis ku jiro oo cagta saaray tubtii ama dhabihii ay dowladuhu ku burburi jireen , ayaa wada tashi dheer oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo debediisaba,  lagama maarmaan noqotay in loo midooba sidii loo bad baadin lahaa jiritaanka Qar animadda JSL.

Sidaasi awgeed waxa abuurmay Gole Madaxbanaan oo la magac baxay ,GOLAHA MADAXBANAAN EE WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA. Waxa la isla gartay in sida ugu dhakhsiyaha badan leh loo qabto Dood Cilmiyeed lagu lafo guraayo laguna dersaayo xal u helida dhibaatooyinka iyo caqabada ha faraha badan ee inna horyaala si loo helo Midnimo Qaran.

Fadlan wixii tallo iyo tusaale ah ee khuseeya horumarka iyo danta dalka waxa aad nagala soo xidhii dhaan emailadan:- wadatashiga@gmail.com ama wadatashiga@hotmail.com.



ALLA MAHAD LEH



Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegoweyne)

Afhayeenka Golaha Madaxbanaan ee
Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka