Hargeysa
oo la Haraadan Biyo la’aan

Hargeysa (Timacade News)-Magaalada
Hargeysa oo inta badan xaafadaheeda qaarkood a il darnaayeen biyo
la’aan ayay labadii toddobaad ee u danbeeyay ay ku sii korodhay biyo
la’aan baaxad lihi
Biyo la’aantan ayaa waxa ay ka dhalatay mishiinadii yaalay xarunta
biyo soo saarka Geed-deeble oo ay qaarkood xumaadeen ilaa hadana
ciladoodii xal loo la’yahay
Cilada mishiinada gashay ayaa loo aanaynaa inay ka dhalatay culayska
saaran mishiinadaasi oo afar iyo labaatanka saacadood shaqeeya,
kuwaasoo aan hay san dayactir ku filan iyo mishiino kale oo
lagu nasiyo inkastoo warar aanu ka helay ilo u dhaw
wakaaladda Biyaha ee Hargeysi ay sheegeen in laba mishiin oo cusub
la keenay balse iyaga laftoodii ay shaqayn waayeen.
Ilaa hada wax war ah wakaaladda biyuhu kamay soo saarin arrintan
balse wa xa si weyn looga dareemayaa magaaladda Hargeysa
dhibaatada ay arrintani ku keenatay. Waxaanad ka dareemaysaa
xaafadaha iyo meheradahaba iyadoo la isla daba wareegayo jirikaano,
kuwaasoo meesha loola kacaba lagula soo hungoobayo
Mushkilada biyo yaraanta ama biyo la’aanta oo in badan cabshadeedu
soo no qnoqonaysay ayaanay marnaba suurto galin in xal loo
helo. Markastana waxa wax ka qabashadeeda lagu dhaafaa waa arrin
qaran oo u baahan in loo helo kaalmo hase yeeshee la isma weydiiyo
halkee laga helayaa iyo soo afjarideeda waxaanay arrintaasi sababtaa
in mar walba ay biyo laa’aantu taagnaato oo aan waxba laga qaban
Biyo soo saarka Geed-deeble ayaa ah awood ahaan kuwo aan kafayn
karaynin baahida biyood ee caasimada taasoo ay ugu wacan tahay
wakhtigii dawladda shiinuhu ay samaysay ee ay dadku yaraayeen
kabacdi inaan waxba lagu darin arrintaasoo keenta inta badan inuu
culays ku yimaado awooda mishiinada oo shaqaynaya wax ka badan
kutalagalkoodii
Si kastaba ha ahaatee biyo la’aanta haysata guud ahaan bulshada
Somaliland ayaa ah mid ay dadweynaha iyo dawladuba danbigeeda
leeyihiin sababtoo ah midkoodna wali kamay faa’iideysan dhibaatada
haysata oo ay ku dhaafaan calaacal mooyee inay ka faa’iidystaan
biyaha ay helaan.
Source:Waaheen
|