Hanuunka iyo Taqwada
Eebbe
Bisha Ramadaan ee barakaysan waa in qofku si dhab ah u safeeyaa
iimaankiisa oo ku sifoobaa sifooyinka Muuminka xaqiiqda ah,oo
kasbada ajarka bisha.
Hanuunku waa u hoggaansiga dhamayska tiran ee qofku u hoggaansamo
waxa diinta Islaamku farayso,waa ka xorowga qofku ka xoroobo wax
kasta oo aan Islaamku farin, waa qofka oo waxa niyaddiisa ku soo
dhaca iyo hadalka ka soo baxa iyo hawl uu ku dhaqaaqo fulinteedba u
eega waxa diintu ka qabto,waa qofka oo si dhab ah u fahma noloshan
iyo ujeeddada Alle u abuuray,ee ah in uu Alle keliya caabudo,oo u
dareemo in waxyaalahan Alle ku nimceeyey,ee u sakhiray in ay yihiin
kuwo u suurtagelinaya gudashada cibaadadan loo abuuray,waxa Alle
inoo soo dejiyey Kitaab oo wuxu inoo soo diray Rusul,oo waxa layna
kala tusay waddada saxa ah iyo ta khaladka ah,markaa qofkii ku
hanuuna amarradaa Alle iyo qofkii aan ku hanuuninba abaalkiisuu heli
doonaa:
قل يا أيّها النّاس قد جاءكم الحقّ من ربّكم فمن اهتدى فإنّما يهتدي
لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها وما أنا عليكم بوكيل(يونس)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)dadyohow waxa xaqiiqo idiin yimi xaqii,oo
xagga Rabbigiin idiinka yimi,kii hanuunaa naftiisa ayuu hanuuniyey
kii baadiyoobana isagaa is baadiyeeyey oo is lumiyey,aniguna wakiil
idinkama ihi.
Diinta Islaamku waa hanuun waana xaq,dadka diinaha baadilka ah
sheeganaya waxa u ah waxtar iyo hanuun diinta xaqa ah,ee xagga Alle
ka sugnaatay:
هو الّذي أرسل رسوله بالهدى ودين الحقّ ليظهره على الدّين كلّه وكفى
بالله شهيدًا(الفتح)
Aayadda:Isagu(Alle)waa ka u soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo
diinta xaqa ah,si ay u daboosho oo uga kor marto diinaha kaloo
dhan,Alle ayaana marag iigu filan.
Quraanka iyo diinta Alle ayaa ina baraya dariiqa hanuunka:
إنّ هذا القرآن يهدي للّتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الّذين يعملون
الصّالحات أنّ لهم أجراً كبيراً(الإسراء)
Aayadda:Quraankani wuxu kugu hanuuninayaa jidka saxa ah,oo waxa uu
ugu bushaaraynayaa Muuminiinta samaynaya camal saalix ah ee
wanaagsan,in ay leeyihiin ajar weyn.
waxana og hanuunka dhabta ah ee qofku hanuuno Allihii abuuray,oo
Alle wax kasta cilmi buu u leeyahay,oo wuu og yahay illeyn Isagaa
abuuray wax kasta'e:
قل كلّ يعمل على شاكلته فربّكم أعلم بمن هو أهدى سبيلا(الإسراء)
Aayadda:dheh(Rasuul Allow)cid kasti qaabkay doonto haw camal
fashee,Rabbigiin ayaa og oo u cilmi badan ka ku hanuunsan waddada
saxda ah.
Waxa Alle Ummadda u soo diray Rasuullo bara,oo u fasira sida ay
dadku Allohood u caabudayaan,iyo sida ay noloshooda oo dhan uga
dhigayaan mid waafaqsan Manhajka Alle u dhigay:
وأطيعوا الله وأطيعوا الّرسول فإن توليتم فإنّما على رسولنا البلاغ
المبين(التغابن)
Aayadda:Adeeca Alle oo adeeca Rasuulka,haddii aad diiddaan oo dhabar
jeedisaan, waxa Rasuulka korkiisa ah gaadhsiin cad keliya.
Qofkii ku hanuuna xaqa ee adeeca amarka Alle,iyo amarka Rasuulka
wuxu naftiisa u horseeday wanaag iyo khayr,oo naf kastaaba gaarkeed
bay u helaysaa waxa ay shaqaystay iyo hanuunkeeda:
من اهتدى فإنّما يهتدي لنفسه ومن ضلّ فإنّما يضلّ عليها ولا تزر وازرةٌ
وزر أخرى (الإسراء)
Aayadda:kii hanuunaa wuxu hanuuniyey oo hadeeyey naftiisa,kii
baadiyooba oo lumaana naftiisa ayuu lumiyey,oo nafina denbiga ay naf
kale leedahay ma xambaarto, oo looma raaco.
Dadka hanuuna ee Alle Jannada abaal uga dhigo,waxay mar kasta
sameeyaan shukri iyo mahad naq,ay Allohood uga mahadinayaan
hanuunkaa uu siiyey,ee ay Jannada ku heleen:
وقالوا الحمد لله الّذي هدانا لهذا وما كنّا لنهتدى لو لا أن هدانا
الله لقد جاءت رسل ربّنا بالحقّ ونودوا أن تلكم الجنّة أورثموها بما
كنتم تعملون(ألأعراف)
Aayadda:waxa ay yidhaahdaan:Alxamdulillaah waxa mahad leh Allihii na
hadeeyey, ma aanu ahaanneen kuwa hanuuna oo hadooba,haddii aan Alle
na hadaynin oo na hanuunin,xaqiiqa'e waxa Rususha Rabbigayo la
yimaaddeen xaq,oo waxa loogu baaqayaa looguna dhawaaqayaa:waa taas
Jannadii aad ku dhaxasheen camalkii aad samayn jirteen.
Qofka Muslinka ah ee Alle hadeeyey,haddii uu la kulmo dhib ka soo
gaadha gaalada waa in uu u sabraa,oo Allihii hadeeyey talosaartaa
Isagaa ilaalinayee:
وما لنا أللا نتوكل على الله وقد هدانا سبلنا ولنصبرنّ على ما
ءاذيتمونا وعلى الله فليتوكل المتوكلون(إبراهيم)
Aayadda:maxaannu Alle u talosaaran weyney Isagaaba na hanuuniyeyyey
oo na hadeeyeye,oo waa in aannu u sabirnaa dhibta aad noo
geysanaysaan,oo Alle ha tala saarteen oo ha tawakuleen kuwa cid
talosaaranayaa.
Waxa jira dadka kuwo hawadooda raaca,oo aan hammigooduba xaqa iyo
waxa loo abuuray danayn,oo nolosha Adduunku u tahay yoolka iyo
hadafkooda:
أفرأيت من اتّخذ إلـهه هواه وأضلّه الله على علم وختم على سمعه وقلبه
وجعل على بصره غشاوة فمن يهديه من بعد الله أفلا تذكرون(الجاثية)
Aayadda:ka warran qofka ka yeelanaya hawadiisa Illaah,ee Alle
lumiyey lumin cad,oo Alle daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa,oo ka
dhigay mid araggiisa dabool saran yahay,oo yaa hadaynaya oo
hanuuninaya Alle ka sokow,waar miyaanay fekeraynin.
Dadkaa lumay ee baadiyoobey,waxay hanuunka ka door bideen baadida
iyo lumista:
أُولئك الّذين اشتروا الضّلالة بالهدى فما ربّحت تجارتهم وما كانوا
مهتدين(البقرة)
Aayadda:kuwaasi waa kuwii ku iibsaday hanuunkii baadinimo,oo wax
faa'iido ah ganacsigoodu ma laha oo ma faa'idayaan,mana aha kuwo
hanuunaya.
Dadka lunsani waxay ku mashquulsan yihiin oo ku maqan yihiin,nolosha
Adduunka iyo daba orodkeeda,haddaad waani is tidhaahdona kaa qaadan
maayaan:
قالوا سواء علينا أوعظت أم لم تكونوا من الواعظين (الشعراء)
Aayadda:waxay odhanayaan waa isugu kaayo mid haddaad na waaniso iyo
haddaanad na waaninba.
Dadkaa Alle caasiyey ee hanuunka ka doortay kuna iibsaday
baadinimada,iyo lumistu waa kuwo war moog ah oo khaladkooda iskula
wanaagsan,isuna haysta kuwo fiican:
هل ننبئكم بالأخسرين أعمالا الّذين ضلّ سعيهم في الحيّاة الدّنيا وهم
يحسبون أنّهم يحسنون صنعًا أولئك الّذين كفروا بأيات ربّهم ولقائه
فحبطت أعمالهم فلا نقيم لهم يوم القيامة وزنًا(الكهف)
Aayadda:ma idiinka warramaa kuwa camalkoodu khasaaray,waa kuwa
nolosha Adduunka u ordaya ee isu malaynaya in ay wanaag
falayaan,iyagoo xumo ku jira, kuwaasi waa kuwa beeneeyey Aayadaha
Rabbigood iyo la kulankiisa Qiyaamaha, markaasay burtey oo burburtay
shaqadoodii iyo waxqabadkoodii,oo wax qiimo ah ama miisaan ah oo ay
leeyihiin Qiyaamaha ma jirto.
Gaalada iyo dadkan lumay haddii aad is tidhaahdo xaqa u
sheeg,hadalkaagu uma dhacayo oo uma daadegayo,waxad moodaysaa in ay
ku maqlayaan oo ku soo eegayaan,laakiin qalbigooda ayaa hanuunka ka
daboolan:
وإن تدعوهم إلى الهدى لا يسمعون وتراهم ينظرون إليك وهم لا
يبصرون(الأعراف)
Aayadda:haddaad ugu yeedho hanuunka kuma maqlayaan,waxadna aragtaa
iyagoo ku soo eegaya oo ku fiirinaya,iyagoo ah kuwo aan waxba
arkayn(oo aanu khayrku u muuqanayn).
Waa waajib ina wada saaran in aynu dadka hanuunka ugu yeedhno oo
khayrka u sheegno,kii Alle hadaynayo ayuun baa hadoobaya oo
hanuunaya'e,waxad ogaataa in ay jiraan dad aan hanuunayn oo
lunsan,inkastoo aad si kastaba ugu dadaasho in ay khayrka iyo
hanuunka raacaane:
ومنهم من يستمعون إليك أفأنت تسمع الصّمّ ولو كانوا لا يعقلون ومنهم من
ينظر إليك أفأنت تهدى العمي ولو كانوا لا يبصرون(يونس)
Aayadda:waxa ka mid ah kuwo ku dhegaysanaya,oo miyaad maqashiin
karaysaa kuwo dhega la' haddii aanay caqli qaadanayn,oo waxa ka mid
kuwo ku soo fiirinaya oo ku soo eegaya,oo miyaad hadeeynaysaa oo
hanuuninaysaa kuwo indha la', haddii aanay waxba arkayn(xaqa
haddaanay arkayn).
Qofka Muslinka ah ee hanuunka Alle ku mannaystay,waa in uu dadka
kale dhamaan la wada jeclaadaa hanuunka,oo isagoo dadka khayrka ugu
yeedhaya u adeegsadaa dariiq wanaagsan oo aan xoogxoog ahayn,maagid
iyo dhibina aanay ku jirin ee ay ka muuqato naseexo iyo
hogatusaalayn debecsan,isagu kama masuul aha hanuunka qofkaa,laakiin
waa in uu gaadhsiiyaa xaqa oo dariiqo wanaagsan ku gaadhsiiyaa:
ولو شاء ربّك لأمن من في الأرض كلّهم جميعاً أفأنت تكره النّاس حتّى
يكونوا مؤمنين(يونس)
Aayadda:haddii Rabbigaa doono waxa dad dhulka joogaaba Alle way
rumayn lahaayeen oo xaqa raaci lahaayeen,ma waxad dadka ku
dirqiyaysaa oo ku khasbaysaa kuna karhaysaa in ay Muuminiin noqdaan.
Adiga in aad gudbiso oo xaqa dadka si fiican oo debecsan ugu sheegto
ayaa kula gudboon,Alle ayaa hadayn kara oo hanuunin kara dadka:
وما أكثر النّاس ولو حرصت بمؤمنين(يوسف)
Aayadda:dadka intiisa badan kuwo hanuunaya oo Muuminiin noqonaya ma
aha, inkasta oo aad ku dadaasho in aad xaqa u sheegto oo waaniso.
Bal arrinka iyo xaalka ay ku dhamaanayso dadka hanuunka diida ee
baadiyooba aan wax ka milicsanno:
ويوم يحشرهم كأن لم يلبثوا إلا ساعة من النّهار يتعارفون بينهم قد خسر
الّذين كذّبوا بلقاء الله وما كانوا مهتدين(يونس)
Aayadda:maalinta dhamaan la soo xaadirinayo ee la soo wada
saarayo,waxad mooddaa in aanay saacad keliya oo maalinta ka mid ah
Adduunka soo joogin, dhexdooda way is garan doonaan,waxa xaqiiqadii
khasaaray kuwa beeniyay in ay nala kulmi doonaan(Qiyaamaha),mana ay
ahayn kuwo hanuuna.
Abaal marinta Alle siiyo dadka jidkiisa ku hanuuna ee Alle ku
hadeeyo xaqa,waxa ka mid ah Janno ay ka mabsuudaan,oo Alle uga
mahadnaqaan:
إنّ الّذين ءامنوا وعملوا الصّالحات وعملوا الصّالحات يهديهم ربّهم
بإيمانهم تجري من تحتهم الأنهار في جنّات النّعيم دعواهم فيها سبحانك
اللهمّ وتحيّتهم فيها سلام وءاخر دعواهم أن الحمد لله ربّ
العالمين(يونس)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee sameeya camalka
wanaagsan,Alle ayaa iimaankooda ku hadeeya oo ku hanuuniya Jannooyin
nimco ah,oo ay webiyo hoostooda marayaan,yeedhmadooda iyo
odhaahdoodu waa:Allow adaa nasahan,waxa ay isku salaamayaanna waa
salaam,waxa ugu dambaysa ee ay odhanayaan waa Alxamdulillaahi Rabbil
caalamiin(mahad Alle ayaa iska leh caalamiinta Rabbigooda).
Taqwada ama cabsida Eebbe waa dhuuxa iimaanka,oo waxay qofka ku
hoggaamisaa camalka wanaagsan,waxana ay ka reebtaa xumaha,oo marka
qofku hanuunka uu la yimaaddo waxa uu gaadhayaa heer uu gaadho
cabsida Alle,oo ka dhigto hugiisa oo kale,taqwada qofku wuxu ku
kasbadaa in uu helo Alle raalliinyihiisa,iyo Alle raxmaddiisa iyo
denbi dhaafkiisa,waxa qofka Alle keliya ka cabsada,ee u caabuda
sidii uu arkaayo oo niyadiisa iyo khushuuciisa oo dhan ka dhiga,mid
la nool cabsida iyo cibaadada Eebbe,waxa hubaal ah oo Alle ballan
qaaday in qofka arrinkaa laga helo ay u waajibtey Janno iyo wanaag
uu Ifka ku noolaado,oo wax kasta Alle u sahlo oo u fududeeyo,oo ku
gacan qabto cibaadadaa uu u gudanayo sida niyadda ah,iyo taqwadaa
dhabta ah ee uu Alle ka cabsanayo:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله حقّ تقاته ولا تموتنّ إلا وأنتم
مسلمون (العمران)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka cabsada cabsida
teeda xaqa ah ka cabsada oo Alle ka baqa,oo ha dhimannina idinkoo
Muslimiin ah mooyee.
Mar kasta waxa Alle innagu boorrinayaa cabsidiisa iyo taqwadiisa:
وتزّودوا فإنّ خير الزّاد التّقوى واتّقوني يا أُولى الألباب(البقرة)
Aayadda:ka dhigta cabsida saad waxa saadka ugu khayr badan saadka
cabsida'e,oo iga baqa kuwa qalbiga iyo caqliga lehoow.
Waxa dhamaan Rusushii Alle inoo soo diray ina farayeen oo dadka u
sheegayeen,in Alle laga baqo oo taqwo lala yimaaddo,keligiisna la
caabudo:
فاتّقوا الله وأطيعون وما أسئلكم عليه من أجر إن أجري إلا على ربّ
العالمين(الشعراء)
Aayadda:Alle ka cabsada oo i adeeca,idinma weydiinayo xoolo iyo
ajartoonna,aniga ajarkaygu xagga Rabbiga caalamiinta ayuu iiga
sugnaaday.
Qofka Muslinka ah waxa laga rabaa in uu camal wanaagsan sameeyo,sida
salaadda oo uu Allena ka baqo oo ka cabsado:
وأن أقيموا الصّلاة واتّقوه وهو الّذي إليه ترجعون(الأنعام)
Aayadda:waa in aad salaadda oogtaan oo tukataan,oo Allena ka
cabsataan oo ka baqdaan,xaggiisa ayaad u noqon doontaane.
Waxa Manhaj ahaan Alle Ummadda u dhigay oo u jideeyey,in ay dadku
cabsida Eebbe isku kaalmaystaan oo isku taageeraan,kuna wada
dhaqmaan:
وتعاونوا على البرّ والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان(المائدة)
Aayadda:isku caawiya oo isku kaashada wanaagga iyo cabsida,oo ha
isku caawinnina denbiga iyo cadawtinimada.
Ka fogaanta iyo ka dheeraanta xumaha oo aad iska ilaaliso,waxa ay
caddaynaysaa in taqwadaada iyo cabsidaadu miisaaman tahay,oo ay
wanaagsan tahay:
وقهم السّيئات ومن تقي السّيّئات يومئذ فقد رحمته وذالك هو الفوز
العظيم(غافر)
Aayadda:iska ilaaliya xumaha qofka iska ilaaliya xumuha oo ka
baqdaa,maalinta Qiyaamaha Alle wuu u naxariisanayaa,oo arrinkaasi
waa guul weyn.
Dadku waa in ay Alle ka baqaan oo xusuustaan in ay jirto maalin la
xisaabinayo:
واتّقوا يوماً ترجعون فيه إلى الله ثمّ توفّى كلّ نفس ما كسبت وهم لا
يظلمون (البقرة)
Aayadda:ka baqa maalin aad xagga Alle u noqonaysaan,oo naf kasta loo
oofinayo oo ay helayso wixii ay kasbatay iyadoo aan la dulmiyaynin.
Aakhiro qofna qof wax uma qaban karo,wuxu helayaa qof kasti
camalkiisii:
واتّقوا يوماً لا تجزي نفس عن نفس شيئاً ولا يقبل منها شفاعة ولا يؤخذ
منها عدلٌ ولاهم ينصرون(البقرة)
Aayadda:ka baqa Maalin aanay nafina naf wax u qabanayn,oo aan
shafeeco laga aqbalyn oo aan waxba la weydiinayn,oo cidina u
gargaarayn.
Alle subxaana watacaalaa,wuxu ina farayaa in aynu cabsi iyo taqwo
lahaanno,oo eegno oo nafteenna sii xisaabino,si berri waxa aynu la
kulmaynaa u noqdo abaal marin wanaagsan iyo Janno.
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله ولتنظر نفس ما قدمت لغد واتّقوا
الله إنّ الله خبير بما تعملون (الحشر)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa oo naftu ha
eegto waxa ay berri u horomarsanayso,oo Alle ka cabsada Alle wuxu u
yahay khabiir oo wuu ogyahay waxa aad samaynaysaane.
Qofka Muslinka ahi waa in uu adeecaa amarka Eebbe,oo uu u shaqaystaa
maalinta aan camalkiisa iyo taqwadiisa mooyee wax kale waxba
taraynin,oo carruurtiisu aanay xataa waxba u qaban karin,ee isaga
iyo cabsidiisii iyo camalkiisii ay noqonayso:
يا أيّها النّاس اتّقوا ربّكم واخشوا يوما لا يجزي والدٌ عن ولده ولا
مولودٌ هو جاز عن والده شيئًا إنّ وعد الله حقّ فلا يغرّنّكم الحياة
الدّنيا ولا يغرّنّكم بالله الغرور (لقمان)
Aayadda:dadyohow Rabbigiina ka baqa,oo ka cabsada maalinta aan
Aabbena ilmihiisa wax u taraynin,Ilmuhuna aanu Aabbihii waxba u
qabanaynin,Alle ballantiisu waa xaq,ee yaanay idin dagin nolosha
Dunidu oo xagga Alle idinka dagin.
Waxa Illaahay Isagaa korreeyee,inoo sheegayaa in cabsida iyo taqwadu
la mid yihiin huga ama dharka la xidho,oo qofku qalbigiisa ka
huwanayo cabsida Eebbe,oo wax kasta oo uu qabanayo u qabanayo isagoo
Alle ka cabsanaya,oo in Alle arkayo og:
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي
سَوْءَاتِكُمْ وَرِيشًا وَلِبَاسُ التَّقْوَىَ ذَلِكَ خَيْرٌ )
الأعراف)
Aayadda:Bini-Aadamkow waxannu xaqiiqadii idiin soo dejinney dhar aad
ku qarsataan xumihiinna(cawrooyinkiinna) iyo baalal,dharka cabsida
ayaana ah ka khayrka badan.
Qofka cabsada ee Allihisa ka baqaa,waxa uu helayaa abaalgud Ifka iyo
Aakhiroba ah:
يا أيّها الّذين ءامنوا اتّقوا الله وقولوا قولا سديدًا يصلح لكم
أعمالكم ويغفر لكم ذنوبكم(الأحزاب)
Aayadda: kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,Alle ka baqa oo dheha
hadal iyo qowl wanaagsan,Alle ayaa idiin wanaajinaya camalkiinna oo
denbigiinnana dhaafaya'e.
Dadka Alle aan ka cabsan ee ku gaaloobay waxa duufsaday oo ay
raaceen Shaydaanka iyo hawadooda,oo haddii aad Alla ka cabsi ugu
yeedho way kibrayan:
وإذا قيل له اتّق الله أخذته العزة بالإثم فحسبه جهنّم ولبئس
المهاد(البقرة)
Aayadda:haddii lagu yidhaahdo Alle ka baq oo Alle ka cabso,waxa
qaadaysa kibir iyo is weyneyn denbi ah,waxa ku filan Jahannama oo ah
meesha ugu xun hooy ama meel loo noqdo ugu xun.
Shaydaanku wuxu baqa geliyaa dadka raaca ee uu hufsado,ee gaalada ka
dhigo,dadka Muslinka ahise cid aan Alle ahayn kama baqaan oo kama
cabsadaan::
إنّما ذالكم الشّيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم
مؤمنين(العمران)
Aayadda:kaasi waa Shaydaanka baqa gelinaya kuwa la jira ee raacay,ha
ka biqina ee Aniga iga baqa,haddaad tihiin kuwo Muuminiin ah.
Cidda Alle ka baqda ee cabsi iyo taqwo la timaadda,Alle wuxu ugu
ballan qaaday in uu la jirayo oo wehel u yahay:
ألا إنّ أولياء الله لا خوف عليهم ولا هم يحزنون الّذين ءامنوا وكانوا
يتّقون لهم البشرى في الحيّاة الدّنيا وفي الآخرة لا تبديل لكلمات الله
ذالك هو الفوز العظيم(يونس)
Aayadda:waar hooy awliyada Alle ma aha dushooda wax baqdin ah iyo
murugo midnaba,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey ee ahaa kuwo
cabsada,waxay leeyihiin bushaarooyin ah nolosha Dunida iyo
Aakhiroba,kelmedaha Alle lama beddeli karo,oo arrinkaasi waa guul
weyn.
Cabsida iyo taqwaddu waxay ku dhaxalsiisaa liibaan iyo khayr If iyo
Aakhiro ah:
قل متاع الدّنيا قليل والأخرة خير لمن اتّقى ولا تظلمون فتيلا
(النسّاء)
Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)raaxada Adduunku waa wax yar oo
kooban, oo Aakhiro ayaa u khayr badan kii Alle ka cabsanaya,iyadoo
aan wax yar qofna laga dulmiyaynin.
Muslinka Alle taqwadiisa iyo cabsiddisa ku dhaqma ee qabatima,waxa
Alle ku abaal mariyaa in uu geliyo Jannadiisa aan ilina arag,dhegina
maqal,oo aan qofna maskaxdiisa ku soo dhicin,oo aan qiimeheeda Alle
mooyee cid kale garanayn:
مثل الجنّة الّتي أعدّ للمتّقون فيها أنهارُ من ماء غير ءاسن وأنهارٌ
من لبن لم يتغير طعمه وأنهارٌ من خمر لذّة للشاربين وأنهارٌ من عسل
مصفًّى ولهم فيها من كلّ الثمرات ومغفرة من ربّهم كمن هو خالدٌ في
النّار وسقوا ماءً حميمًا فقطع أمعاءهم(محمد)
Aayadda:Jannada loo diyaariyey kuwa cabsada ee Mutaqiinta ahi waxa
ay la mid tahay,mid ay dhexdeeda yihiin webiyo biyo ah oo aan
xumaanayn,iyo webiyo caano ah oo dhadhankoodu aanu is beddelayn,iyo
webiyo khamri ah oo cabbitaankoodu macaan yahay,iyo webiyo malab ah
oo saafi ah,waxa sidoo kale Jannada ay ka helayaa nooc kasta oo
midhaha ah iyo denbi dhaafka Rabbigood,sida kuwii cabsan waayey ay
ugu waarayaan Naarta,oo la waraabinayo biyo kulul oo jarjaraya
xiidmohooda.
Qofkii Alle ka cabsada waxa Illaahay u fududeeyaa nolosha,oo wuxu u
waasiciyaa irsaaqda oo meelo aanu ka filayn ka siiyaa:
ومن يتّق الله يجعل له مخرجا وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لآ يَحْتَسِبُ
وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ (الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada ee ka baqda waxa Alle u sameeyaa makhraj
iyo jid uu dhibaatada kaga baxo,wuxuna ka irsaaqaa meel aanu ka
filaynin,oo qofkii Alle talosaarta Isagaa Alle ku filan qofkaa.
Alle haddii aad ka cabsato oo ka baqdo wuxu ku siinayaa denbi
dhaaf,oo Alle quluubta ayuu daalacanayaa oo ogyahay kii ka
cabsanaya,ee taqwo la yimaadda:
ومن يتق الله يكفر عنه سيئاته ويعظم له أجراً( الطلاق)
Aayadda:kii Alle ka cabsada ee ka baqda,waxa Alle dhaafaa
denbiyadiisa oo ajarkiisana weyneeyaa.
Alle wuxu mar kasta weheliyaa oo la jiraa kuwa ka cabsada,ee
ixsaanka fala:
إنّ الله مع الّذين اتّقوا والّذين هم محسنون(النحل)
Aayadda:Alle wuxu la jiraa oo wehel u yahay kuwa cabsada,ee ah kuwa
ixsaankana sameeya.
Cidda Alle keligii ka baqda oo ka cabsataa,wax kasta oo ay
qabanayaanna ku saleeya taqwada iyo cabsida Eebbe,waxa gargaar iyo
gacan qabasho iyo waxtarba ugu filan Allaha weyn,ee ay kelidii
caabudayaan ee ka cabsanayaan:
أليس الله بكاف عبده ويخوفون بالّذين من دونه ومن يضلل الله فما له من
هاد ومن يهد الله فما له من مضلّ أليس الله بعزيز ذي انتقام(الزمر)
Aayadda:miyaanuu Illaahay Addoonkiisa ku filnayn,waxay kugu
bajinayaan waxyaalo kale oo aan Alle ahayn,kii Alle lumiyo ee
baadiyooba cidina ma hadayn karayso,kii Alle hadeeyo ee hanuunana
cidi ma lumin karayso,miyanu Alle ahayn mid aargoosigiisu daran
yahay,mayee wuu yahaye.
Waxan Allaha awoodda leh ka baryaynaa in uu innagu hanuuniyo jidka
xaqa ah,oo inaga yeelo kuwa keligii ka cabsata,ee noloshoodu taqwada
iyo cabsida Eebbe ku dhisan tahay.Aamiin,Aamiin,Aamiin
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|