HANTI LUNSIGA DAWLADA HOOSE EE GABILEY +CIIL KAANBIGA DAD WAYNAHA+DAAWASHADA IYO HIIL LA’AAN IYO XUKUUMADA

 


Shaki ku ma jiro in cidkasta ogtahay markhaatina laga yahay in ay Gabiley tahay meel leh dakhli ku filan,iyadoo xitaa masuuliyiinta qaranka qaarkood ku sababeeyaan marka la waydiiyo sababaha h aayadaha dalka ka batay ee gobol walba caawimada la daba jooga waxa Gabiley ka hortaagan,oo ay si fudud kuu odhanayaan Gabiley inay wax caawiso mooyee maxay caawimo uga baahantahay

Ayaan hadana guud ahaanba bulshadu ka aradantahay dakhliga iyo hantidaasi oo ayna qarsoona yn baylahda ka muuqata arrimaha bulshada,oo aad yaabayso madawga habeenkii xarunta gobolka oo sideedaba waraabuhu ka ciyayo,masaakiinta danyarta ah oo marba marka ka danbaysa sii kord haysa oo qoysaska qaar ay afar caano maal ku odhanayaan waxba maanaan dhadhaaran

Halka ay waxaas oo baylihi ka jiraan ayaan maamulkii arrimahan umadu iyo dawladu u xilsaara tah ay,intaa ku mashquul yihiin u kala dheereynta hantida umada iyagoo si shakhsiya uga faaidaysana ya kuna shaqaysanaya qaar ka mida ganacsatada magaalado oo ay wax wada cunka ku heshiiyee n, ma jiro habayaratee wax mashaariica oo gacanta lagu hayaa marka laga reebo kuwa haayadu hu inta ugu badan maal galinayaan oo ay haayadaha laftoodu ku daba joogaan iyo kuwa amar da wlada dhexe kaga yimaad,hadan jeegaga isdhaafaya iyo hakad la’aanta dakhliga waa wax iska caadiya wakhti xaadirka maamulkan,waxa kaloo xusid mudan in hantida umadda lagu laaluusho oo lagu aamusiiyo SAXAAFADA ka hawlgasha Gabiley si aan loo ogaan marnaba arrimaha noocan ah

Hadaba bal ka waran in dakhli dhan qiyaastii $2500,000 baylahda sidaasi ka jirto oon la garanayn meel uu maray waa arrin naxdinteedleh,lakiin waxaba ka sii daran dawladii umaddan iyo shacabk an masuulka ka ahayd,haayadihii u xilsaarnaa arrimaha noocan oo kale ah sida HANTI DHAWRKII QARANKA,KOMISHANKII LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA IYO WASAARADII DAAKHILIGA maxay u daawanayaan foof habaabka bulshada lagula kacay iyo foolxumadan MISE SHARCIGA KURAASIDA UUN BAA LAGU ILAALIYAAYE XAQA SHACABKA LAGUMA ILAALIYO

Gabagabad hadalkaygan waxaan xukuumada u soo jeedinayaa in umaddan looga gurmado mashaa kilka intaa leeg oo hoos loo eego mashaakilka dadka reer Gabiley ee dawladnimada jecel ee wada noolaanshaha iyo jiritaanka qaranka cid walba ka jecel intaanay ficilo aan la mahadin ku kicin

 



Ciidle Xasan
Ciidle013@gmail.com