HANBALYO MAGACAABISTA WASIIRNIMO EE MUDANE XIRSI AW CABDI

 


MR.Maxamed Aw Cabdi Sheekh {XIRSI}
waa nin u qalma mansabka loo magacaabay,ee qaranimo marka la eego kartidiisa, aqoontiisa, waayo aragnimadiisa hanaanka siyaasadeed ee uu mudo kusoo jiray.

Xirsi waa nin aftahan ah,gabayaa ah aadna ugu firfircoon qadiyadda Somaliland.Waa nin daacad ah oo uu ku yar yahay musuqu,eexdu iyo xurguf abuurku,kana soo dhalali kara xilka la saaray.waxan u jaraynayaa inuu ilaahay kugu garabgalo kuuna fududeeyo hawshaa culus ee laguu dhiibay.

Wuxu ka midahaa dhallinyaradii abaabuli jirtay in layska tuuro heeyadii Waraabihii Garbahaaray,kana tirsanaa garabkii SNM ee gudaha joogay.Heegan aan ahaadoon horseedoo waala ii hanweynyee hogaanshoo,lama huro nin hawl gala sida geed hadh weyn baa lagu soo hitaayee,hawshana hirgaliyoo ayey habaqle waa laguu hanwenyee.

 

 

 

By: Abdirahman Ibrahim Bouh