Hanaanka Siilanyo iyo hanweynida boos raadiska siyaasiyiintiisa.

 


HAMBALYO HAMBALYO. waxaa mar kale guul gaadhay shacbiga reer soomaliland oo markii afaraad qabsaday doorasho xor iyo xalaal ah codkoodana ku xaqiijiyey jiritaanka somaliland iyo horumarkeeda.

hadii aan u u soo daadago dulucda maqaalkaygan waxaa aan kaga hadli doonaa dhisitaanka dowlada cusub ee uu imika madaxweynaha dalka loo doortay uu ku mashquulsan yahay,

Madaxweynaha la doortay dhawaan ee talada dalka ku guulaystay waxa maalmahan ku  so cda hambalyooyin iyo talooyin loo jeedinayo, hambalyada ka sokow, waxa haboon in uu dhegaha u raaridyo talooyinka iyo tusaalaha loo soo jeedinayo, arimahaasi waaa qaar muh iim u noqon kara, isla markaana wax weyn ka tari doona go'aan qaadashada iyo waxyaaba ha dadku ka filayaan ee ka gedisan nidaamkii hore.


Sida aynu wada ogsoonahay waxaa Xisbul xaakimka talada haya ama hada qaban doona ku jira rag badan oo siyaasiyiin ah oo badankoodu ku jireen URURKII SNM qaarkoodna xilal  bad an ka soo qabteen dowladihii hore ee dalka soo maray

madaxweynaha imika dalka loo doortay iyo ku xigeenkiisa ugana qayb galay xisbiga kulmiye ee hada talada dalka la wareegi doona doorashadii madaxtoonyada, ayaa imika aad igu  ha wlan dhisitaanka dowlada cusub iyo hay'adaheeda. iyaga oo u magacaabay gudi runtii aad u fiican gudidaas oo iskugu jirta siyaasiyin aqoonyahano, culimo awdiin ,, iyaga oo oo shirar isdaba joog ah ku jira , kana shiraya sidii ay noqon lahayd dowlada la dhisi doono,, iyo  ha y'adaha dalka ka shaqo gali doona.

hadaba sidaan kor ba kusoo xusay waxaa xisbiga kulmiye ee hada talada dalka la wareegi doona ku jira rag badan oo ruugcadaa ah, kuwaas oo iskugu jira siyaasiyiin , mujaahidiin,, iyo aqoonyahano,, iyo qaar badan oo markii uu ololuhu socday ayna ka hadhsanayd 3 cisho ka soo cararay xisbiga markaa talada hayey oo ahaa UDUB ninmankaas oo hayey xilal heer sawiirnimo. markaa nimankaas oo iyagu usocday oo kalya aad ka heshaan boos ama xil xisbiga kulmiye.


nimankaas iyo niman badan oo xisbiga ku jira ayaa imika geed dheer iyo ku gaaban ba u fu ulay sidii ay xil uga qaban lahaayeey iyada oo lagu mashquulsan yahay wali dowladii la dhisi lahaa.iyaga oo u xusul duubaya helista Boos uy ku adeegtaan oo aanay ummadda ugu  ade egin.

su'aasasha hor taala waxaa weeyana mudane siilanayo ma raacayaa hadaladiisii uu ku soo jiitay shacbiga reer somalilan ee uu codka ka helay ee ahaa waxaan dhisi doona dowlad koo ban oo tayo leh???


Xisbiga Kulmiye wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo uu qaarkood kaga soo gudbay tabo siyaasadeed, wakhtigii uu u diyaargaroobayey

tartankii doorashada 2008 ilaa 2010, wuxuuna aakhirkii gaadhay guusha uu kaga badiyey musharixiintii uu kula tartamayay hogaanka dalka, waxaana arin ma hadho ah dadka qaarkii ku noqonaysa sidda uu xisbi mucaaradku uga badiyey

xukuumaddii talada dalka haysay, taas oo jawaabteedu noqon karto

xeelad siyaasadeed iyo hab dimuqraadi ah doorasho u dhacday.

Hadaba muhiimadu waxa ay tahay in xisbiga Kulmiye darsi ka barto

waayihii soo maray xisbigii UDUB ee talada hayey iyo asbaabihii keenay in

laga guulaysto, taas oo uu xisbiga Kulmiye ku dhaliili jiray wakhtigii uu

mucaaradka ahaa, waxyaabaha dhaliisha uu ku lahaa UDUB ee

lagu tilmaami jiray oo ay ka mid ahaayeen Maamul xumo, Musuqmaasuq iyo xil loo dhiibo qof aan u qalmin,



GABAGABADII waxaan kala dardaarmayaa gudomiyaha xisbiga kulmiye anha  madaxweyn aha dalka. in uu iska ilaaliyo nimankaas daqiidadihii u danbeeyey isu soo dhiibay, kuwaas o wax yeeleynaya hanaanka iyo geedi socodka dimuqradiyada dalka.



 

 

Mukhtar Ahmed Adan Badari
mukhtargunga@hotmail.com