HAMBALYO MADAXWEYNE EE SANNADKA CUSUB 2021

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cu sub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, sannadka Hijriga 1442-ka kuna beegan Jimcaha 01/01/2021-ka uu h ambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasax a Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, gole yaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkii sa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuu nka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucu ubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horum ar waara.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkood a horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaa daan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.

 

 



ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.