Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi
isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga
Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee
Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo
ducaba u dirayaa guud ahaan ba shucuubta islaamka gaar ahaana
Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan.
Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa
Waddammada iyo shucuub ta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool,
isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku
beegan berri oo Khamiis ah.
Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga
Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuc uubta islaamka guud ahaanba
sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo
bar waaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad
qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka
waraabiyo.
Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta
Islaamka u rajaynayaa in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada
nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
|