Hambalyo Ku Socota Hogaanka Cusub ee Naadiga Akh riska Timacadde iyo Heerarkii kala Duwanaa uu Soo maray. Qalinkii: Mustafe Future
 

 

 


Waxaan Dareenka Farxadeed la Wadaagayaa Bahda Naadiga Akhriska Timacadde ee Xilka la W areegtay, inta laga Wareejiyay iyo inta kale ee Xubanaha ka ah, Waa Dhalinyaro Hal Abuur le h oo Hiigsi iyo Hami ku soo gaadhay halkaasi, Qaarkood waa Midhihii Naadiga oo Maanta Noqd ay Hogaankiisii.

Wax kasta oo aad u samirtaa Maalin buu midho Dhalaa, Waa Madal mudan in la Xuso oo lagu Cabiro Odhaahyo kala duwan, lana dhiiri galiyo Jiilka Cusub ee Wakhtiga uhelay inay Sii Ambo qaadaan Qabyo-tirka Habsami usocodka Hawalaha Naadiga.

Timacadde Readers Club wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo maalinba heer taagan, K oox waliba Meel bay soo gaadhsiisay balse waxaa wax lagu Faano ah in jiil waliba helo jiilkii bad ali lahaa oo kula Wareega Firfircooni iyo Hufnaan.

Hogaanka Cusub ee Naadigu Yeeshay waxay ka Nasiib badanyihiin Asaasayaashii iyo Hogaank ii horeba waayo waxay la Wareegeen Waxqabad iyo Nidaam ay Raaci karaan isla markaana ay ku wax ku kordhin karaan, kana Tixraaci karaan Ujeedooyinka laga leeyahay Naadi Wax Akhris.

Aniga Farxad Gaar ah ayay ii Tahay in Ujeedadii iyo Fikradii aanu kalahayn Naadigu Gaadho me el Fiican isla markaana jiilba jiil ku Wareejiyo si,aanay u tirtirmin, Waan Jeclaa inaan idinla Wad aago Balse Wakhtiga oo ina kala fogeeyay Awgii Ruuxdaydu way idinla joogtaa balse qalfoof kayga uunbaa idinka Dheer, waanan idinla qabaa Dareenka .Waxa aanan Waligay ilaawi Karin, Dareeno kala Duwan oo aynu soo Wada Qaadanayo, Madallo kala duwan oo ina kulmiyay iyo Waxyaabaha aan idinka Faa,iiday intii aynu wadnay Hawlaha Akhriska iyo Qoraalka.



Naadiga Timacadde wuxuu Heerkaa ku Soo Gaadhay waa Samirka, isku Xidhnaanta iyo Madax da Gobolka oo Si hagar la,aan ah ula Shaqayn jirtay haba ukala badnaadaane, waxaan jeclaan lahaa inaan Xuso Xubno Sharafeed Qaali ku ahaa Naadiga oo iyana Garab wayn u ahaa Badha saabkii ugu horeeyay ee Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) oo isagu illaa hadda Gara b taagan, Ex –Maayar Aadan Muxumed Badde, Ex-Maayar Khadra Xaaji Gaydh, Badhasaab ku Xigeen Cali Case iyo Alle ha unaxariistee Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi.

Waxaa iyana Wax lagu Farxo ah in ay Maantana Xubo ka yihiin Madaxdii Gobolku, Gudoomiye Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maayar Shucayb Maxamed Muuse oo Runtii haddii aanay dhiiri galin dhalinyarada Qabyo badani ka imanayso Sii wadida fikraddan.

Kuma Koobna oo kaliya Dadka Dadaalka iyo Dhiiri galinta la Garab Taagan intaasi aan soo Xus ay Balse Waxaa iyana Tan iyo Aasaaskii Si Hufan ula Shaqeeya, Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Qoraa Xasan Cabdi Madar, Qoraa Jaamac Muuse Jaamac, Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xas an, Qoraa Sayid Maxamed Yuusuf iyo Qorayaal kale aad utiro badan oo Garab wayn u ah Naa diga isla markaana la Qaybsada Dareenka Dhabta ah ee hadba Dhalinyaradu ku suganyihiin isla markaana Buugaagtooda ugu Deeqay.

Waxaan mararka Qaar idhaahdaa malaha Timacadde inta uu Dheeryahay Naadiyada kale Faa nna hanagu ahaatee waanu ka Abwaano Badanahay, waayo waxaan la ilaawi Karin kaalintood a labada Abwaan ee Cabdi Cali Xirsi iyo C/raxmaan Maxamed Macalin Baas sidoo kale Abwaan Axmed Awgeedi Dheeraad oo isna Kaalin Muuqda ku leh Dhiiri galinta Naadiga.

Hawl kasta oo la Qabto lagama Waayo dhaliil iyo Dib udhac balse in Aad Dhaliilahaaga ka Faa,ii daysta waxay kuu Sahlaysaa inaad Hadafkaaga Gaadho, Waan idinku hambalyaynayaa Hal Ab uurada Da,da yar ee maanta Haya Hogaanka Naadiga midhaha Aad beertaana waxa ay noqon doonaan kuwo dhamaanteen ina wada Anfaca, Fikirkiina mideeya oo isku duubnaada, Una Samra Waxyaabaha Qabyada idinka noqda.

Waxaan iyana Xusi lahaa Xubnihii Aasaasayaasha ee Heerkaa soo gaadhsiiyay Timacadde oo kala ahaa Mahdi Sheekh Cabdi, Axmed Sanyare, Axmed Sh.Nuur Ducaale (Biito), Maxamed Art s, Naciima Yuusuf X.Cabdi, C/rashiid Haybe (Daacad), Siciid Khadar C/laahi, Ayaan Gaangi, Ax med Maxamed Shaqale, Jamiila Baxsan, Naciima Yuusuf Cilmi, Axmed Ciisood, C/rixiin Axmed Ca rab, Mukhtaar Maxamuud C/laahi, Nimco Muxumed Ibraahin, Amaal Shamax iyo Bahda Warbaa hinta Gobolka oo kaalin wayn ka soo qaatay in Heerkaa soo gaadho maanta Naadiga akhriska Timacadde.

Waxaan kaga Baxayaa Wixii Rag ukaco Rabbina Aqbalo Wuu Rumoobaa, u Samra Hawlaha aad gacanta ku haysaan hana ka Rajo dhigin in Aad Dhamaystirtaan Fikirkii ahaa in Naadigu Dhama ystiro Gabiley Public library oo dhawr jeer oo hore aanay inoo Suurto galin Hirgalintiisu, Garab kiina ayaanu taaganahay illaahayna ha idiin fududeeyo hawlaha aad qabanaysaan.



Mustafe Future

Ex-Cordinator of Timacadde Readers Club

Berlin /Germany