Hambalyo Gudoomiyaha UCID mudane Fayal Cali, Waqafow taladaan la ruugin waa lagu rafaada, Maxkamaduna xaqii bey kudhawaaqday
 


 


Waxan halkan hambalyo iyo bogaadin an lasoo koobi kareyn hawada u marineyaa geesiga JS Land Inj Faysal Cali Xussein islamarkan ah gudoomiyaha xisbiga UCID iyo dhamaan madaxda xis biga qaran ee UCID ee difaacday distoorka iyo dimuqradeyda iyo cadaalada xisbiga dhexdiisa ka hanqaaday mudadii uu xilka hayay gudoomiye Faysal Cali Xussein

Waxakaloon aad iyo aad uu hambalyeynayaa taageerayaashii hadh iyo habeen heeganka u ah aa difaaca cadaalada iyo daryeelka umada iyo dhamaan taageerayaashi dibad iyo gudaba afka arta wanaagsan ee xaqa kusaleysan ka dhiibtey khilaafkaasi aan macnaha badan ku fadhiyin ee ah ku day, bal in la idinka caayo iwm.

Waxa kaloon hambalyeynayaa gudoomiyihii bugta ahaa ee loo soo cumaamaday mudane Waqaf sida uu go'aankii maxkamada u aqbaley isagoo ey aheyd inuu maxkamada horte ba dawigiisa ga rto, somaliduse waxay tidhaahda TALO AN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADA, shirjaraaiid ee ad qabtan hore ayuu idinku eeka inad ku dhawaaqdan in ad furan doontan urur siyaasadeed oo cusub maadaama ururadii la furayo inta ad waqtiga iyo adoonka isticmaaleyseen islamarkan ad maxkamada iyo garsoorka ku mareysaneyseen.

Somaliland ha noolato, xaqa iyo cadaaladu ha la dhawro
 


 


Cumar Daarood Xassan

Gudoomiyaha Nordic ee xisbiga UCID