Hambalyo iyo Bogaadin
 


 


Ku: Wasiirka Arimaha Gudaha , Mudane Cali Warancade

Jaaliyada Somaliland – UK (SSUK) waxay aad iyo aad ugu faraxsantahay, hambalyo iyo boga dina ugu diraysa Wasiirka Arrimaha Gudaha talaabadii geesinimada lahayd iyo go’aankii uu ku mamnuucay ka hadalka qabliika iyo qabyaalada warbaahinta lala Soo fadhiisanjiray ee sida qaawan ee xishood darada iyo madax taagu ka muuqato la isugu faanijiray, ummadda Somalilandna loogu kala fogaynayay, ee diinteena, sharcigeena iyo kala dambeynteenana bal marsanayd.
Waxa cad oo aan cidna ka qarsoonayn in aduunyadii oo dhami ka gudubtay ku dhaqanka qab iilka iyo Qabyaalada inana aynu gaadhnay marxalad aynaan indhaha ka qarsan karin haddii aynu doonaynu Inaynu la sinaano ummadaha aduunyada ee horumarka gaadhay.
Waxaanu ka codsanaynaa shacbi weynaha Somaliland, Xukuumada, golayaasha sharci dejin ta iyo dhammaan Axsaabta qaranka Inay taageeraan arrinkan oo olole iyo dhaqdhaqaaq mu ujinaya foolxumada ku dhaqanka qabiilka iyo Qaabyaaladu leeyihiin la sameeyo oo la bilaa bo xoojinta jacaylka dalka iyo isu soo dhaweynta qaybaha bulshada Somaliland.
Waxaanu leenahay qabyaaldu ha dhacdu.
 

 


Abdalla Salim
Gud/ Jaaliyada Somaliland UK