WAR-SAXAAFADEED

Date: -03 / 10/2014
Hambalyada Madaxweynaha Ciidal Adxa 2014
Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan
Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada
Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somalilan d iyo guud ahaan
bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa
awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik,
Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.
Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu
gaadhsiiyo caafimaad, ci baado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee
u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka
dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatay na ALLE u
naxariisto una dinbi dhaafo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|