HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA UCID EE SANNADKA CUSUB
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe
isaga oo ku hadlaya magaciisa ka hogaanka xisbiga Ucid, golaha dhexe
ee xisbiga Ucid iyo guud ahaan taageer ayaasha xisbiga Ucid waxa uu
hanbalyo u dirayaa guud ahaan bulshada caalamka gaar ah aana shacabka
somaliland curashada sanadka cusub ee 2016-ka, kaas oo curashadiisu
ku beegan tahay caawa.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada
reer Somaliland inay sanadkan, kiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo
iyo nabad qab. Iyo weliba ictiraaf buuxa oo somaliland caalamka ka
hesho,waxaanu dhambaal duco ah u diray bulshada som aliland inta
xanuusanaysa inuu caafimaad deg deg ah siiyo, inta dhimatayna
ilaahay jano oyinkiisa geeyo.
Waxaanu gudoomiye Faysal Cali Waraabe Leeyahay Hambalyo Hambalyo,
ilaahay sanadkan sanadkiisa haynu gaadhsiiyo nabad galyo buuxda iyo
caafimaad qab.
Aamiin Aamin Aamin
Xafiiska Warfaafinta xisbiga Mucaaridka Ah Ee ucid
|