HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE SANNADKA CUSUB

 


Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u d irayaa guud ahaan ummaddaha kala duwan ee dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhu uriyadda Somaliland curashada

sannadka cusub ee 2016 ee taariikhda Miilaadiga oo kowsanaya saqda dhexe saacadda Ge eska Afrika ee Jimcaha caawa (01/01/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu sannadkani noqdo mid khayr qaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisuna badhaadhe ku waaraan, nabadgalyo, barwaa qo, horumar iyo aqoonsi buuxa oo ay helaan ku dhammaystaan, sharkiisa iyo balaayadiisa na uu garab mariyo.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka sannad wanaagsan ‘kullu Caam wa-antum bikhayr.’ ‘’\



Aamiin……Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE