HAMBALYADA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyowaxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Gud dihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaar ay naa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadi ga ahi tahay 28/06/2014, halka aytaariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435,


Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Ba sh & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa MadaxweynuhuShucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.


Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayaya a Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ah ayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuun ka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.

 


ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.