Hamablyo ,Hambalyo xukuumada Madaxweyne Axmed Maxa med Maxamuud (Siilaanyo) iyo shacabka Somaliland,isku duubnidii ay ku wajaheen shirkii Turkiga ee burburay

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland,gudo iyo dibadaba.Hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah,ayaan u dirayaa xukuumadada uu gadh wadeenka ka yahay, Muja ahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo shacabka Somaliland,sida isku duubnida iyo mi dnimada leh ,ee ay ugu quus gooyeen xukuumada taagta daran ee Xasan Calasaw,ee shirkii fa shilmay ee Turkiga.

Jamhmuuriyada Somaliland,kumay iman dheel dheel,ciyaar,Hadyadna looma siin,waxaase ku na f waayey curaddo,hooyooyin iyo boqolaal kun oo  Mujaahid,oo dhiigoodii iyo dheecaankoodiiba u daadiyey,sidii dalkani uga  xoroobi lahaa  daalimiintii iyo kuwii gacanta ku siiyey xasuuqii iyo burburkii loo geystay.

In ku dhaw rubuc qarni,18 May 1991, ayaa shacabka Somaliland, masiirkoodii, aayahoodii iyo k araamadoodiiba ka tashadeen,waxaanay qotomiyeen Calan aan abdi dhacayn, oo uu ku qoran yahay Tawxiidku, لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللهُ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللهِ .Waxaa nasiib darro ah,oo garaad xumo ah, oo fo ol xumo leh, wax lagu qoslana ah, Siyaasiyiinta Wallaweyn ee weli khiyaamo, wax is daba marin iyo been caalamka kula wareegaya in Somali weyn muqadas tahay iyo in Somaliland soo socot o!!!!.

DHEEL MA JOOGTEE ,DHAB U FIIRSO ABOOWE : Gor gorton ma geli garto Qaranimada Somaliland, marnabana ma dhacayso in mar danbe Somali weyn iyo Dawlad Walloweyn, dib loogu noqdo, w aana calaa cashaa oo timo ka soo baxeen.Hadday kun Qarni  qaadanayso inaan Caalamku na ic tiraafin,diyaar baan u nahay,annaga ayaana is ICTIRAAFSAN,ee quusta,na illooba,oo qoomamo la'aada.

Anigoo fursadan ka faaideysanaya,waxaan hambalyo & bogaadin u dirayaa,walaashay,marwo Samasam Cabdi Adan,oo markii hore ahayd Wasiirka Waxbarashada Somaliland,horumar ballaa dhana gaadhsiisay waxbarashada Dalka,haddaana loo magacaabay Wasiirka Maaliyada. Waxa an Rabbi uga baryaa in xilkaa loo igmaday ku asturo,guulo waa weynna ay ka soo hoyso, aamii n.

Waxaan kale oo aan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxame d Maxamuud (Siilaanyo),oo intii ay Somaliland jirtay , xukuumadiisu noqotay tii ugu horeysay ee Wasiirka Maaliyada u magacawda qof dumara,waana mid taariikhiya,oo ku suntan geedi so codka Somaliland.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan,Hamablyo,Hambalyo xukuumada Madaxwene Ax med Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo shacabka Somaliland,sidii isku duubnida iyo midnimad a lahayd, ee ay ugu quus gooyeen Dawlada taagta darran ee uu sida indho la'aanta ah uu u  h agayo Xasan Calasaw,ee shirkii Turkiga ee fashilmay.

 

Somaliland ha jirtoo, ha joogto abidkeed.

 


Shiine Cali Muse
Hargeysa,Somaliland
8 March,2015