Halyeyga Tolwaa Xushmaan
U Hayaa

 

     

Cabdiraxamaan Aw-Cali kumuu ahaa ? Kolay waxaa lays waydiinayaa muxuu uga jeedaa su’aashaas, qofka ugu horeeya ee aad waydiisaana, wuxuu kuugu jawaabayaa, miyuu waalan yahay! dee waa Tolwaa, waxaana laga yaabaa in aflagaado laguu raaciyo. In aynu haddaba barano shakhsiyada casiiska ah ee Tolwaa ee sidaas u caanka ah, ma halgankii ayaa abuuray ayaad is waydiin kartaa.?


Waxaan qabaa inuu qayb ka ahaa halganku, xaq u dirirnimadu iyo geesinimadu in ay qayb ka tahay caannimada Tolwaa, waxaase kaloo jira, in magaca laftiisu xambaarsan yahay micno aad u balaadhan (Tolwaa). Fiiro gaar ah u yeelo magaca, dhadhami waxa loogu bixiyey, jaleec bal ummadii halganka soo gashay cidda magac sidaas ah sidatay ee kale, waxaa kuu soo baxaya macne ka duwan kuwa mujaahidiinta kale, waa haddii aad weliba dhaqanka la kaashatid.

Mujaahid Shiikh Yusuf, Mujaahid Duqsi, Mujaahid Siilaanyo, Mujaahid Ibraahim Maygaag, Mujaahid Lixle, Mujaahid Koodbuur, Mujaahid Aadan Shiine, Mujaahid Kharash yare, Mujaahid Axmed Mire, Mujaahid Hure, Mujaahid Dhegeweyne, Mujaahid Cabdisalaam Yassin, Mujaahid Maxamed Kaahin, Mujaahid Hayliqin, Mujaahid Maxamed-Cali, Mujaahid Ma Gubte iyo qaar kaloo badan. Dhamaan ragggaas sumad ayay wada leeyihiin, wax mideeyey ayaa jiray oo badan, wax ka xanuunjiyey ayaa jiray, fadhiga wax u diiday ayaa jiray, qaddiyad ayay ahayd sida loo sharaxayaa mararka qaarkood ay adagtay in kelmado lagaga gun gaadho.

Mujaahid Tolwaa keligii waqooyiga ummada ay raggaasi ka soo jeedeen kulama noolayn, bulsho balaadhan ayaa taalay, madax kale ayaa jirtay, isagu qof ayuu ka ahaa, maxaa loo waayey nin labeeya wakhtigaas.! Xilligaas dadkii daawanayey xasuuqa waxaa ka mid ahaa, saraakiil, cuaqaal, waxgarad, indheergarad iyo Madaxweyne Rayaale, in ay ummada xilligaas la qaybsan waayaan xanuunka, xasuus ayay mudan tahay, qaarna waaba ka qaybqaateen xasuuqa, halka Tolwaa la qaybsaday dhibta iyo takoorka. In uu danaysto waa kari karaayey, laakiin damiir ayaa u diiday, gobonimo Alle ku abuuray oo u gaar ah ayaa jirtay, welina jirta. In uu dhinto ayuu diyaar u ahaa, in uu difaaco dadkaas qaddiyadu midaysay ayuu diyaar u ahaa, waana ku guuleeyey illaahay in uu xoreeyo Somaliland.

Abaalkiisu muxuu noqonayaa Tolwaa?

Annigu odhan maayo waa in xil loo dhiibo, waayo xilka looma soo dagaalamin in laysku abaalmariyo, odhan maayo ma qaldami karo, waa bashar oo qaladka ayaa loo abuuray Ibnu Aadamka, odhan maayo wixii xil loo dhiibay ee bulshadu u dhiibatay ha la xasuusiyo oo xaq looguma laha, waa u qalmaa, waana geyaa. Waxaanse leeyahay kelmada wacan ee uu xaq u leeyahay ha loo dhaho, in uu yahay tiir taariikh ah oo sumad gaar ah leh ha loo dhaho, marka laga hadlayo SNM ha loo qiro in uu yahay Astaan dhexdhexaadnimo . Dhalintu in aanay saxaafada ku maagin ha loo sheego, in been laga sheego in aanu geyin, da’yarta ha lagu guubaabiyo. In uu ruux mudnaan leh, birmagayda ah, xushmad xambaarsan, ha laysla qiro.

Tolwaana mid ayaan leeyahay, in shacbigu ku jecel yahay, doqon ayaa abaal lahayne in aad qalbiga ku xardhan tahay, waxaad ka eegtaa inta kula baxday imisaa reer Awdal ah, imisaase ah saaxiibadaadii halganka. Sidaan warka ku hayo 54 qof oo gollaha dhexe ah ayaa kula baxay, afar ayaa ah reer Awdal, inta kale adiguba waa qiyaasi, inta guuxaysa ayaa badan ee duruuftu reebtay, inta kula jecel waxaad jeceshahay ayaa badan.

Waxaad tahay nin qiimeeya dadkiisa, waxaad tahay nin marka laga guulaysto ku qanca, waxaad tahay nin jecel nabadgelyada Somaliland, horumarka Somaliland iyo badbaadinta dalkeena, xilligii marxuum Cigaal, Daahir Rayaale keenay, ayaad dalka iyo dadka awgii u tanaasushay, xilligii Saleebaan Gaal iyo adigu aad ahaydeen musharaxa Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee hebeenkii la idiin diiday isu socodka gaadiidka, odayadana guryaha laga daad gureenayey ayaa doorasho aan xalaal ahayn dalka awgii u tanaasushay.

Shalay ayay ahayd markii ninkii Burco adigoo jooga aad cafiday 80 cod kaaga helay, waadigii ka tanaasulay. Maantana waa lagaa sugayaa tanaasul, waa lagu eegayaa, badbaadada dalkaa ku jirta, xisbiga u tanaasul Cabdiraxmaan. Waa talo waayeel, waa talo qof ku jecel, waayeelna hadalka dibada ma wada keeno. Waxaanse leeyahay sidaas ayay iila muuqataa, wax kastoo aad goosatose xushmaan kuu hayaa.

Midna waa iga kaftanee, Inaadeer qolodan reer Berbera ma cid ayay kugu xumanaynayaan, markii aad Cigaal is qalacdeen xaggay joogeen, Siciid Cilmi Rooble, Ibraahim Dhegeweyne iyo ragga iminka meesha yaacaya ee magacaaga ku xumaynaya wax. Arrintaas annigu waa ka xumahay, ma jeclaysan, dagaalku maalin kale ayuu u ekaa raggaas, maalintii Cigaal ayuu u ekaa.

Waxaan ku so gunaanadayaa weedhahaas aan kor ku qoray, hadalkaas aan ka keenay qalbiga, weedhahaas aan sida kooban dareenkayga ugu qeexay. In aad illa qaadatid, in aad shacbiga eegtid, in nin la yidhi tanaasul oo lexejeclo dalka ah lagu ogyahay ayaad tahaye aad qiimayso taladayada, kolayse sidaan hore u idhi, wax kastoo aad goosatose xushmaan kuu hayaa.
 

 


Axmed Cali Ducaale

Kayse_cali_80@hotmail.com