Halkuu Boobe biyo dhigaa Dhaanka loo rari -Dharaaro.com

 


 


Ninkii baacin jireybaa gammaan loogu baaqaaye, bal dhugo Dharaaro.com iyo dhabihii la soo maray.


Qalin ruug, tix iyo tiraaba guud caddaa ah, adin iyo uur ku ciroole ah, ayaa daaha ka rogey  xaad hin cusub oo lagu kaydinayo labeenta suugaanta dadka af-somaliga ku hadla, kuwii la ilduufay iyo kuwa caan baxayba. Taariikhda dhaxal reebtii ummadda xilliyo iyo kaalmo kala duwaan qaatay.

Taariikhda werisooyinkii iyo warsidayaasha kuwii shalay iyo kuwa maantaba. Waxaa kale oo ay  s oo bandhigi doontaa Taariikhdii halgankii hubaysnaa ee uruka SNM oo uu qoraagu goobjoog ka  ah aa bilawgiisii iyo dhammaadkiisiiba (first hand information), ku tidhi ku teenay ma ah.

Habeenkii la daahfurayey sidii lagu tiraabay, markaan daalacday iyo sida magaceeda laga  dhadhi minayo dharaaro.com, xaadhintani kuma koobna wixii shalay oo keliya ee waxa maanta joogana  w ay werineysaa oo raad bay ka reebeysaa aan roob tirtiri karin, fac ka fac laga faalloodo oo  radr aac laga dhigto.

Qoraagan degalkan sahamiyey oo aad moodo in uu leeyahay sidii Maxamed Ibrahim Warsame: "Ma da' furin ogaalkay, xaska dabada maan gelin, dib u dhigasho mooyee wax isdoorshey may dhicin.", waa Cabdiraxman Yusuf Ducaale (Boobe) oo hore loo wada xiiseeyey maqaaladiisa, sheekooyinkii sii gaagaabanaa iyo buugaagta uu qoray.

Degalkan waa mid aqoon iyo iftiin u ah dhallinyaro iyo waayeelba, waa degal ay wax ka kororsan karaan, waxna ku kordhin karaan.

Haddaba akhristayaasha iyo qallinleydaba, ayaanan anigu idinku daalin waaxaan ugu baaqayaa raggii qallinka baacin iyo akhriska baacin jirayba in ay indhahooda ku dhugtaan Degalkan Dharaaro.com., waa in dhaanka u raraan halkuu Boobe biyo dhigay.

 

 

 

 

Hamud duale