halkii laygu dhalayeey hoygaan ku ababbiyo magaalada hargaysee

 

 

SALAAMU CALAYKUM

halkii laygu dhalayeey
hoygaan ku abababiyo
magaalada hargaysiyo

hargeisa waa caasimada somaliland,Ma jirto caasimad dal leeyahay oo marba meel loo raro .

Marka inteena ku riyoonaysa in hargeysa laga badalayo caasimad waa hadal aan suurto gal ahayn [ WAX AAN DHICI KARIN]
Waxa qaladka ugu wayn leh websityada oo soo gudbinaaya dacaayada somaliland diidku faafinayaan.

Nin ka xun horumarka somaliland GAADHAY oon dhalasho ahaan ka soo jeedin somaliland ayaa sidan u hadla.
Ma qabo qof dhalada oo ah somalilander ahi inuu afkiisa soo marin karo [HARGEISA HALAGA BADALO CAASIMADA].

Marka qoladiina websiteyada fadlan hadalka kala shaandheeya shacbigana kala aqoonsada.

Hargeisa waa magaalada kumanaan qof markay magceeda maqlaan kalgacayl la ilmeeya.

Hargeysi waa madal beerka iyo wadnaha kaga taal shacbiga somaliland.
hargeysi waa mid xasuus wayn mudan oo marna aan qaluubtayada ka baxayn.
Hargeysi waa magaaladii alaa yarxamuh Mujaahid Maxamed Mooge yidhi

hargeysina xornimadeed
cidna kuma halayseen
heeryadii ma diideen
dagaal ma u hub qaateen
waa habkaan u filayee
hal adag ma yeelee

Hargeysi waa magaalada markaad soo gasho aad soo beegsanayso buurihii dhaad heeraa ee NAASO HABLOOD.
markaad isha qac ku siisana nafta xiiso wayni galaayo adoo xasuusanaaya bilicdii hargeysa.

hargeisa waa meesha aad markiiba xasuusanayso garoonkii waynaa ee hawlwadaag ee kubada cagta lagu cayaari jiray iyo kii timacade ee ciyaartoygu habeenkii isku arki jiray

Waxa kaloo aad xasuusanaysaa kooxdii danan ee magaalada hargeysa ee isla garoonka timacade qaybta danbe ku lahaa hoolka ay muusiga ku tumaan

hargeysi waa tii loogu heesay

beertii xoriyadaay
baro caafidiyo
guri laysku baantaay
baxsaneey hargeysaay
kaa gudoomay baaqii


Hargeysi waa meeshaad ku xasuusanayso suuqii wayna ee total iyo madaarkii  caal amiga ee dayuuraduhu ka haadi jireen
Waxaad kaloo xasuusanaysaa markaad tahay asal hargeysaawi beertii  xayawaa nka ee la odhan jiray LIBAAXYADA ee ku taalay dalcada hoosteeda.

Hargeysi waa magaalada afarta dhan buuro kaga wareegsan yihiin .

waxaa dhexda ka mara dooxa wayn ee ka gudba briishka wayn ee magaalada hargaysa.

Caasimada dalka somaliland hargeysa waa mid waligeed ahaanaysa caasimad oo aan nina badali karayn

GURYASAMO ADOO YAAL AMA GALA DARUURAHA
GALABTA KIIYOO GUGII DA,AY
ADIGOO GUUD KA DAAWADAY
WALEE ANIGU GOORNABA
KUMA NACOO GOBAADEEY


adeer all soo galeeti aan taariikhda hargeysa aqoon aya siduu doono u hadla
markaa waxaanu leenahay hadaa guri kiro ah ka heshaan u shukriya ilaahay oo dadka reer somaliland u mahad naqa.
Hana ka abaal ka darina soo dhawaynta shacbiga reer hargeysa idiin galay
Ha ku sifoobina abaal laawayaal naftoodu gabtay inay mahad celiso

hargeysaay ha dheeliyiin
ha dhantaalmin waligaa
hargeysaay ha dheeliyiin
ha dhantaalimin waligii erayadii mujaahid cabdi qays


WAXAAD kaloo aad u xasuusan kartaa hargaeysa had iyo goor marka la fadhiyo meelaha suuqa iyo huteelada waawayn
heesihii cabdi qays ee uu qaadi jiray muj maxamed mooge alaa yarxamu
sida

ma xayarin danaa guud
ma la tagin xumaan abid
xabashina umaan galin
xeebtaa jabuutee soomaali
laga xaday hadii aan xagaa tagay
ma jabinini xeerkeee
maxaa laygu soo xidhay,,,,,,,,,,,, waa murtidii abwaan
Muj Cabdi Qays

wabilaahi tawfiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london  UK